#Madaxweyne Axmed Siillaanyo
Explore tagged Tumblr posts
saxafimedianetwork · 7 years ago
Text
Hargeysa, Somaliland, December 14, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Munaasibad aad u qurux badan oo xil-wareejinta labada Madaxweyne iyo dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada Somaliland shalay, waxa ka qayb galay wufuud heer sare ah oo ka socota dalka Ingiriiska, waddamo ka tirsan ururka Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin Holland, Sweden, Denmark iyo Switzeland, madax ka socotay dalalka jaarka ee Jabuuti, Itoobiya, iyo Kiiniya, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, saddex ka mid ah Madaxweyne-ku-xigeennadii Somaliland hore u soo maray oo kala ah; Md. Xasan Ciise Jaamac, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyeyaasha Golayayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada – Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno ka mid ah golayaasha qaranka, salaadiin iyo madaxdhaqameed fara badan oo uu ka mid yahay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim (Rooble) iyo marti sharaf qaybaha bulshada ka socda oo tiradoodu ka badan tahay laba kun oo qof oo qaarkood ka yimaadeen dalalka jaarka.
This slideshow requires JavaScript.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa madashaasi dhaarta uu qorayo Dastuurka dalku ku dhaariyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka lagu doortay doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017, waxaanna markaa kadib Madaxweynaha xilka ka degay Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku wareejiyey dhukumentiga dawladda Madaxweynaha cusub Mudane, Muuse Biixi Cabdi.
Safiirro ka socday dalalka Ingiriiska iyo kuwa Midowga Yurub oo ka mid ahaa wufuudda caalamiga ah ee munaasibadda xil-wareejinta ka qaybgalay, ayaa khudbado ay ka jeediyeen halkaasi hambalyo iyo bogaadin u kala jeediyey labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegay, waxaanay ku ammaaneen Somaliland hannaanka dimuqraadiyadda ee ay tusaale fiican ugu noqdeen Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.
Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Md. Axmed Shire, Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Kenya, kuwaas oo kala hoggaaminayey weftiyo saddexdaasi dal u soo dirsadeen munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Somaliland, ayaa khudbado ay ka jeediyeen madasha waxay si weyn u ammaaneen quruxda dimuqraadiyadda Somaliland ka hanoqaaday iyo hannaankeeda qori-isku-dhiibka talada waddanka ee ay ku caanka noqotay, isla markaana waxay Madaxweynaha cusub ku dhiirrigeliyeen inuu muhiimad gaar ah siiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalkooda oo ay iyaguna ballanqaadeen inay diyaar u yihiin.
Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ballaadhan ka jeediyey halkaasi, ayaa ku dheeraaday guulihii uu qaranku gaadhay muddadii uu gadh-wadeenka ahaa iyo sida uu mar walba naftiisa iyo xooggiisaba ugu soo huray wax-u-qabashada iyo horumarka ummaddiisa iyo dalkiisa Somaliland. Waxa kaloo uu Madaxweyne Siilaanyo u rajeeyey Madxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, isla markaana waxa uu bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyey Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu ballanqaaday inuu dalka ku hagi doono dariiq sinnaan iyo caddaalad ku salaysan oo ku dhaqanka sharciga iyo kala-dambayntu saldhig u yihiin.
Qaabkii Ay U Dhacday Munaasibad Uu Xilka Kula Wareegay Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa, Somaliland, December 14, 2017 (Saxafi) - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore Md.
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Madaxweyne Siillaanyo Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Abaaraha Somaliland
Madaxweyne Siillaanyo Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Abaaraha Somaliland
“Waxaynu Nahay Dal Iyo Dad Isku Wadi Kara Gurmadka Abaaraha Iyo Qaadashada Kaadhka Codbixinta” (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 7 years ago
Text
Madaxweyne Siillaanyo Oo Sameeyay Isku-Bedel Agaasimeyaal Guud Iyo Magacaabis
Madaxweyne Siillaanyo Oo Sameeyay Isku-Bedel Agaasimeyaal Guud Iyo Magacaabis
Hargeysa, Somaliland, June 16, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay digreeto Madaxweyne ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga, halka dhinaca kale oo uu isku bedel ku sameeyay saddex Agaasime Guud. (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Photo
Tumblr media
Madaxweyne Siillaanyo Oo Dhallinyarada Iyo Haweenka Ku Sifeeyay Bardaanka Iyo Bud-Dhigga Siyaasadda Somaliland “Waxaan Leeyahay Ragga hoggaaminta talada dalka ku hirdamaya, hadba kii bursada ama ay raacaan Dhallinyarada iyo Haweenku ayaa reerka u hadha”
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira ganacsato iyo wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, taas oo uu u magacaabay Madaxweynuhu inay ka hawl-gasho Xayiraadda Sucuudigu ku soo rogay xoolihii uga dhoofi jiray Somaliland, sidii dib loogu furi lahaa iyo waliba inay raadiyaan suuqyo kale oo loo iibgeeyo xoolaha Somaliland, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kadib kulan uu madaxweynuhu Qasriga kula yeeshay ganacsatada xoolaha dhoofisa, wasiirada Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda oo wasaaradaha ay arrintani tooska ula xidhiidho.
War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa waxa uu dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silanyo ayaa 12.12.2016 wuxuu Qasriga Madaxtooyada kulan ballaadhan kula qaatay Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee Xoolaha nool ka dhoofiya Berbera iyo Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Maaliyada, Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga.
Ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu kulanka u qabtay waxay ahayd si uu xog iyo xaqiiqo dhamaystiran uga helo arrinta la xidhiidha tallaabadii ay Wasaaradda Beeraha iyo Degaanka ee Boqortooyada Sucuudigu ku  joojisay Xoolahii ugu soo dhoofi  jiray Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu warbixin faah-faahsan oo arrintan khusaysa ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo khubaro kale oo ka tirsan Wasaarada oo aqoon dheer u leh caafimaadka iyo faya-qabka Xoolaha, kuwaasoo si qoto dheer uga warramay in gebi ahaanba Xoolaha dalkeena ka dhoofaa ay yihiin xoolo caafimaad qaba. Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo khubaradiisu waxay Madaxweynaha u sheegeen in Maxjarrada Dalkeena ee Xoolaha lagu baadho ka hor intaan Markabka  la saarin ay yihiin Maxjarro tayadooda iyo farsamadooduba ay la mid yihiin kuwa Caalamka.
This slideshow requires JavaScript.
Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa kale oo uu ka warramay saamaynta dhaqaale ee joojinta dhoofka Xoolaha nooli ay ku yeelan karto xoolo dhaqatada, suuqyada ganacsiga xoolaha iyo guud ahaanba dakhligii Qaranka ka soo geli jiray dhoofka Xoolaha nool.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan ay baaq u direen urrurada Caalamiga ah ee ku takhasusay caafimaadka Xoolaha sida OIE, FAO iyo AU-IBAR isla markaana ay ka dalbadeen in ay warbixin dhamaystiran oo ay ku qancinayaan Dawladda Sucuudiga ka sameeyaan faya-qabka iyo xaalada caafimaad ee Xoolaha nool ee JSL.
Waxa iyaguna kulankaa ka hadlay Wasiirrada Maaliyada, Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga oo si qoto dheer uga warramay muhimadda ay Xoolaha nooli uu leeyihiin dhaqaaleheena iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka.
Dhinaca kale, waxa iyaguna warbixin faah-faahsan Madaxweynaha siiyey Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha nool dhoofiya oo si mug leh uga xog warramay dhibaatooyinka iyo caqabadaha  haysta iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in Xukuumad iyo Ganacsataba la iskaga kaashado sidii looga dagaalami lahaa joojinta dhoofka Xoolaha nool. Waxa kale oo ay Ganacsatadu hoosta ka xarriiqeen in Dawladda Sucuudiga lagu qanciyo in Xoolaha nool ee ka soo dhoofa Somaliland ay yihiin kuwo gebi ahaanba caafimaad qaba.
Guntii iyo gebagabadii Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban 5 Ganacsade oo Xoolaha nool dhoofiya iyo 4-ta Wasiir ee ay arrintani sida tooska ah u khusayso. Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Qaranka iyo Ganacsatadaba kula dardaarmay inay si dhab ah oo qoto dheer uga hawl galaan sidii Xoolaheena dib loogu furi lahaa iyo in la raadiyo suuqyo kale oo Xoolaheena nool mustaqbalka loo iib geyn karo.”
Madaxweyne Siillaanyo Oo Guddi U Magacaabay Xayiraadda Xoolaha Ee Sucuudiga Iyo In Suuqyo Kale Loo Raadiyo Iibka Xoolaheena Hargeysa, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira ganacsato iyo wasiiro
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Burco, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa shalay ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen weftiga Madaxweynuhu, isaga oo dib ugu soo laabtay Togdheer.
Weftigu intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Siillaanyo Road sida war saxaafadeedka madaxtooyadda lagu sheegay, waxaana uu intaas ku daray warsaxaafadeedku oo lagu yidhi. “Geesta kale madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn miisaan leh kala kulmay shacbiga ku dhaqan deegaamada Yufle, Ceel-afweyn, Fadhigaab, Gar-adag, War-idaad, Xayira iyo dhamaan tulooyinka  u dhexeeya Togdheer, Sanaag iyo Saraar, oo dadka ku sugani ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen soo dhawayn muq iyo miisaan leh, isaga oo madaxweynuhu u jeediyey khudbado kala duwan dadka una duceeyey in Alle abaarta ka soo furto oo raxmad khayr qabta u shubo.
This slideshow requires JavaScript.
Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan Gar-adag ay u sameeyeen hadhimo sharafeed ayaa qadada ka dib u soo dheemaalay dhinaca War-idaad oo uu madaxweynuhu xog waran ka dhegeystay dadka ku dhaqan halkaasi una sheegay ujeedada safarka weftiga uu gadhwadeenka ka hayey, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo magaalada Xayira, kaas oo loogu magac daray Mujaahid Cabdilaahi Cali Suufi oo ka mid ahaa halgamayaashii dalkan u soo halgamay.
Ugu dambayntii waxay  weftigii madaxweynuhu soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana laamiyada magaalada isugu soo baxay oo ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxweynaha shacbigi aad u tiro badan, halka maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan madax-dhaqameed, waxgarad, waayeel, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwanina ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada una soo gelbiyeen dhinaca guriga martida ee Burco oo uu madaxweynuhu xalay ku soo degay.”
Madaxweynaha Iyo Weftigii Uu Hogaaminaayey Oo Dib Ugu Soo Laabtay Togdheer Burco, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa shalay ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Oodweyne, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee habeen hore  u hoyday Burco ayaa saaka u kicitimay dhinaca gobolka Daadmadheedh oo ay xaalad abaareed ka jirto, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay halkaasi waxa uu xadhiga ka jaray ceel-biyood laga hirgeliyey Ceel-xumo oo taariikhda markii u horaysay yeelan doonta ceelbiyood humiima.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu u kuurgalay xaalada xoolaha ku dhaqan gobolka oo markaasi qaybo ka mid ahi ku sugnayeen ceelasha gobolka, waxa kale oo uu madaxweynuhu la kulmay kooxaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo iyagu hawlgal talaalka xoolaha ah ka waday gobolka daadmadheedh.
Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa ayaa uga sii gudbay dhinaca magaalada Oodweyne oo si labaadhan loogu soo dhaweeyey weftiga Madaxweynuhu horkacayey, iyagoo u dhaafay dhinaca xaaxi oo iyadana laga hirgeliyey Ceel-biyood ku dhaw inuu dhamaado bishan dhamaadkeeda balse biyo laga gaadhay hadda.
This slideshow requires JavaScript.
Kormeerkaasi dheer ka dib madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku soo noqdeen Magaalo madaxda daadmadheedh ee Oodweyne waxaanu la kulmay madaxweynuhu guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaaraha Somaliland, waxaanu madaxweynuhu guddida ka dhegeystay xaalada guud ee abaarta gobolka iyo ta deegaanada ka agdhaw, warbixintaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku wareejiyey guddida Jeeg lacag ah oo loogu talogalay in boqol booyadood oo biyo ah loogu dhaamiyo dadka iyo duunyada jilicsan een awoodin inay u arooraan ceelasha cusub ee la furay iyo meelo kaleba. sidoo kale waxa uu madaxweynuhu guddida ku wareejiyey Timir iyo Kalluun loogu talogalay in dadka jilicsan loo qaybiyo gaar ahaan dadka nafaqo darada la tiicaya.
Madaxweynaha oo ka hadlay furitaanka Ceel-xumo ayaa yidhi “Farxad weyn ayey itahay in aan maanta ceelkan furo, baahi weyn ayaa loo qabaa, aad iyo aad ayaa dadka, dalka iyo duunyaduba ugu baahan yihiin ceelashan oo kale, kuligeena farxad weyn ayey inoo tahay waana mid wax weyn u tari doona bulshada Insha Allaah”
dhinaca kale Madaxweynuhu mar uu ka hadlay Ceelbiyoodka Xaaxi ee bishan dhamaadkiisa la soo gebegebayn doono waxa uu yidhi “dedaal weyn ayeynu ugu wada jirnaa sidii dadkeenu u heli lahaayeen biyo ku filan miyi iyo magaalaba, ceelkan Xaaxina waxa uu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa dadka deegaanka iyo inta abaartu soo barakicisay wanan ku faraxsanahay in aynu maanta xadhiga ka jarno dhawaana laga cabidoono insha allaa”
Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu shir la qaatay guddida abaaraha gobolka  Daadmadheedh iyo guddida heer qaran ee abaaraha, waxaana weedhihii madaxweynaha ka mid ahaa “Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga jebiyo, dalkana waxa aanu u maraynaa in aanu xogogaal u noqono dhibaatada dadka haysata Ilaahayna u barino inagana dulqaado dhibaatadaa, annagu marwalba waxa aanu diyaar u nahay dawlad ahaan in wax alle wixii aanu qaban karno ee Ilaahayna nala qabto aanu qabano, dadka iyo duunyadaba, idinkana waan idinka mahadnaqayaa sidaad noo soo dhawayseen ee wanaagsan, waxaana aanu ku dedaalaynaa meel aanu wax ka keenaba in aanu ummadda wax la gaadhno”
Dhamaan goobihii madaxweynuhu marayey maanta waxa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Madaxweynenimo ee Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, Maayarka degmada Oodweyne,Wasiiro, xildhibaano, Xubno ka mida guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaarayaha, madaxdhaqameed, waayeel iyo waxgarad, waxaanu Madaxweynuhu galabta ku soo laabtay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Madaxweynaha Somaliland Kormeeray Xaaladda Abaarta Daadmadheedh, Xadhigana Ka Jaray Ceel-Biyoodka Ceelxume Iyo Xaaxi Oo Biyo Laga Gaadhay Oodweyne, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee habeen hore  u hoyday Burco ayaa saaka u kicitimay dhinaca gobolka Daadmadheedh oo ay xaalad abaareed ka jirto,
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Madaxweyne Siillaanyo: Xal Iyo Xeer Midkee Buu Ku Go’aan Qaatay
Madaxweyne Siillaanyo: Xal Iyo Xeer Midkee Buu Ku Go’aan Qaatay
By: Cumar M. Faarax
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Sabtidii todobaadkan go’aan ka gaadhay caqabadaha hor yaalla doorashooyinka (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Hargeysa, Somaliland, September 7, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, dhismahaas oo noqday dhismihii ugu quruxda badnaa guud ahaan wasaaradaha dalka ka hirgalay intuu Madaxweyne Siillaanyo hoggaaminaayey talada dalka.
Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xidhiidhka la leh wasaarada Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey. Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.
This slideshow requires JavaScript.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan iyagana halkan si weyn ugu mahad naqo Shirkadihii Baadhista Shidaalka ee iyagu ajiibay codsigii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kuwaasoo Xukuumad ahaan naga caawiyey kharshka ku baxay dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Casriga ah ee ay yeelatay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Shirkadda Dhismaha ee NAJAX oo iyagu Xaruntan dhisay iyo Shirkadda Rio Architects oo iyagu lahaa Naqshadaynta Dhismahan Casriga ah.
Guntii iyo geba-gabadii, Xaruntan loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay kor u qaaday Bilicda iyo Quruxda Caasimadda, cid kasta oo gacan ka geysatayna waan uga mahad naqayaa”.
ILAAHAY BAA MAHAD LEH,
GUULNA QARANKEENAA LEH,
Madaxweyne Axmed Siillaanyo Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Hargeysa, Somaliland, September 7, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland,
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Hambalyada Madaxweynaha Somaliland Ee Ciidal Fidriga
Hambalyada Madaxweynaha Somaliland Ee Ciidal Fidriga
“Ummadda gobta ahi waata abaal-gudda, ee waa in aynu ka garownaa, Allaheenna uga mahad-celinnaa deeqdaa uu dusheena ku daadshey.” (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
“Dawladda Ingiriisku Waa Inay Taageertaa Madaxbanaanida Somaliland” Madaxweyne Axmed Siillaanyo
“Dawladda Ingiriisku Waa Inay Taageertaa Madaxbanaanida Somaliland” Madaxweyne Axmed Siillaanyo
Hargeysa, Somaliland, June 24, 2016 (Saxafi) –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dawladaha Caalamka gaar ahaan dawlada Ingiriiska in ay Somaliland ka taageerto aqoonsi Somaliland inay hesho. Isaga oo tilmaamay in taasi wax badan ka tari lahayd Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba. (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Natiijadda Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Iyo Qodobada Lagaga Wada Hadlay
Natiijadda Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Iyo Qodobada Lagaga Wada Hadlay
Hargeysa, Somaliland, June 24, 2016 (Saxafi) – Shirkii golaha Wasiirada Somaliland ee shalay ayaa lagaga hadlay Xuska 26-ka June ee sanadkan. (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years ago
Text
Madaxweyne Siillaanyo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dad Shacab Ah Oo Lagu Laayey Deegaanka Gaashaamo
Madaxweyne Siillaanyo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dad Shacab Ah Oo Lagu Laayey Deegaanka Gaashaamo
Hargeysa, Somaliland, June 10,2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey tuuladda Jaamac Dubad ee hoos taga degmadda Gaashaamo ee bariga Itoobiya. (more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 9 years ago
Text
“Waxaannu nahay gob sabirka iyo in la isa-saamaxo taqaan, ma nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun iyo ciil kama korayaal.”
“Waxaan idin leeyahay naftiina haku maaweelinina malo awaal iyo been aan misciriirtiina dhaafsiisnayn”
“Dabcigaa iyo dareenkaasi waxay igu kelifeen in aan hadh-galay ka hor imaaddo Dawladdii Milateriga ahayd ee aan ka midka ahaa, ka dib markii aan yaqiinsaday in la marin habaabiyey Hoggaankii iyo Hayaankii Bulshada Soomaaliyeed”
Hargeysa, Somaliland, May 19, 2018 (Saxafi) – Sanad guuraddii 25-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii lixdankii habowday ayaa shalay si weyn looga dabaaldegay dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland.
Weftiyo kala duwan oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee Kulmiye iyo wasiiro ayaa u kala baxay dhamaaan goboladda Somaliland si ay uga qaybgalaan dadweynaha degmooyinkaasi ku xusayo degmadoodda.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isagu dadweynaha caasimadda kula dabaaldegay magaaladda Hargeysa, halka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici gobolka Togdheer kula xusayo dadweynaha gobolkaasi, sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna gobolka Awdal kula dabaaldegaya dadweynaha gobolkaasi.
Sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna dadweynaha caasimadda Hargeysa kula dabaaldegay, halka gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Axmed Mumin Seed uu isna la dabaaldegayo dadweynaha reer Burco.
Waxa kale oo iyaguna wefti wasiiro ka kooban loo kala direy goboladda Sanaag, Sool iyo Gabilay, kuwaas oo dadweynaha la qaybsanaya xuska loo samaynayo 18 May. 2016.
Dadweynaha reer Somaliland ayaa sanadkan si weyn u xusay maalinta madax banaanidda Somaliland oo ay ka soo wareegtay Rubuc qarni, waxaana illaa xalay dadweynaha oo gaadiid faro badan wata oo heeso wadani ahina ka baxayaan ku wareegayey magaaladda dhexdeedda.
Sidoo kale, xuskani waxa uu kaga duwan yahay xusaskii hore sanadkan oo uu ku soo beegmay wakhti barwaaqo ah, waxaanay dhalinyaradda oo koox koox isku raacayaan maalmihii u dambeeyey isku sawirayeen doogga iyo dhirta cagaaran ee ku yaalla duleedka magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale, sanadkan xuska waxa lagu soo kordhiyey in dhamaan dadweynaha reer Somalinad meel kasta oo uu joogo saxeexo codsi beesha caalamka lagaga dalbanayo aqoonsi, waxaana dhamaan gobolada iyo magaalooyin waaweyn laga diiwangelinayey dadweynaha saxeexay madax banaanidda Somaliand iyo dalbashadda aqoonsi caalamka ay ka hesho Somaliland.
Dhinaca kale, jidka dheer ee madaxtooyada Somaliland waxa dhoolatus iyo Gaardis ku marayey ururadda bulshadda, jaamacadaha, ardayda dugsiyadda kala duwan, iskaashatooyinka kala duwan iyo Ciidanka qalabka sida qaybihiisa kala duwan, kuwaas oo madaxweynaha salaam sharaf siiyey.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya ka akhriyey munaasibadda 18 MAY.
Madaxweynuhu wuxuu kaga hadlay khudbadiisa taariikhdii Somaliland, marxaladihii ay soo martay, horumarka ay gaadhay iyo mudaddii ay jirtay Somaliland oo uu sheegay in khilaaf kasta oo ku yimaadda ay dhexdoodda ka xalinayeen, balse aan faro galin dibadeed lagu samayn, taasina waxa uu sheegay waa ta keentay horumarka ka jira Somaliland.
Madaxweynaha khudbadiisii oo dhamaystiran waxa uu ku bilaabay:
 “Bismilaahi Raxmaani Raxiim,,,
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Ugu horeyn, waxaan hambalyo iyo boggaadin balaadhan hawada u marinayaa dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel ay joogaanba Xuska 25 Guurada Munaasibadda Qarannimada Somaliland ee 18-ka May.
Rubuc qarni ayaa maanta laga joogaa markii aynu la soo noqonay Madax-bannaanideenii inaga murkacatay 1960-kii.
Muddadaa shan iyo labaatanka sannadood ah ee aynu ahayn Dal iyo Dawlad xor ah, waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina ilawsiiyey xanaftii iyo xannuunkii inaga soo gaadhay 31 sanno ee aynu ka midka ahayn Dal-weynihii Soomaaliya.
Waxaynu yagleelnay qaran taabo-gal ah, oo buuxiyey dhammaan shuruudihii dawladnimo.
Waxaynu tirtirnay keli-talisnimadii iyo nidaamkii ku dhisnaa amar ku taagleynta.
Waxaynu meel-marinay doorashooyin xor ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ay inagaga dayan karaan dalal badan oo dunida laga aqoonsan yahay.
Waxaynu xaqiijinay in aynu khilaafka dhexdeena ku xalinno xigmad siyaasadeed iyo xeer-beegtinimo salka ku haysa dhaqankeena soo-jireenka ah, iyadoo aanay cidina gacan ka geysan ama la ina dhexgelin, taas oo muujinaysa bisaylka Bulshada Somaliland.
Waxaynu ku tallaabsanay horumar mug iyo miisaan leh oo wax-weyn ka bedelay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kaabayaasha dhaqaale iyo hantida gaarka loo leeyahay.
Maanta oo aynu jirno qarni rubucii, dugsiyada Dhexe/Sare ee dalka waxa ku jira rubuc malyuun Arday, taasi waxay muujinaysa faraqa isbeddelka korodhka iyo koboco Bulshada Somaliland ku yimi muddadii aynu ahayn dal madax bannaan.
Guushaa ballaadhan ee inoo soo hoyatay, waxa galladdeeda koowaad iska leh Allaheenna Weyn ee awoodda badan.
Mar labaad, waxaan hambalyo diiran u dirayaa naftood hurayaasha habeen iyo maalin heeganka ugu jira difaaca dalka hooyo, kuwaas oo ay shacbigoodu hilow u hayaan, isla markaana habayaraatee aan wax hagardaamo ah gaadhsiin.
Waxaan u mahadnaqayaa qoor-weyntii Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedyada dalka ee dhidibada u taagay nabadda iyo deganaanshaha Alle inagu manaystay, kuwaas oo Beelaha iyo Bulshada Somaliland boggooda iyo beerkooda burcad isu-mariyey. Raggaa in badan oo ka mid ah maanta way inaga hooseeyaan, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu u danbi dhaafo, naxariistii jannana ka waraabiyo, Aamiin.
Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa halyey-yadii ku shahiiday halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray dib-u-xoreynta Somaliland.
Waxaan bogaadinayaa waayeelkii iyo wax-garadkii isugu jiray Garaaddo, Sulaadiin, Caaqillo, Culimo iyo Siyaasiin ee seeska u dhigay midnimada, wada-jirka iyo jiritaanka Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan ku bogaadinayaa Ganacsatada iyo Qurba-joogta Somaliland kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, taas oo ah mid aan la qarin karin, lana illaawi karin.
Waxaan hambalyeynayaa haldoorkii kala duwanaa ee ka soo-qayb-qaatay Dib-u-dhiska Dalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dadka Somaliland.
Waxaan u mahadnaqayaa inta nool madaxdii iiga horeysay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Mudane, Xasan Ciise Jaamac, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin.
Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa intii dhimatay Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Eebe Ha U-naxariisto.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya 1960, wuxuu bur-buray 18-kii May 1991-kii. lama mahadin midnimadii Soomaaliyeed ee muddada dheer la naawilayey.
Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, niyad jab iyo naxli la dhex-dhigay Ummaddii Soomaaliyeed ee hilowga iyo kalgacalka isu-haysay.
Dhinaca kale, Sawirkaas xumi wuxuu u quusgooyey qaybihii kale ee quud-daraynayey in ay mustaqbalka ku soo biiraan Qaran weyn oo ay Qoomiyadda Soomaaliyeed ku dhan tahay.
Haddii Soomaliyi wada noolaan kari weyday, wuxuu caqliga fayoobi ina farayaa inay iskeed u kala noolaato.
Haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan in wax la kala yeesho.
Sidaa darteed, waxaan aaminsanahay in talo wanaagsan iyo tallaabo sax ah ay qaateen walaaladeena Soomaaliyeed ee ku kala nool Jabuuti, itoobiya iyo Kiiniya.
Waxaan jecelahay in aan ku hambalyeeyo himilada toosan iyo horumarka weyn ee ay gaadheen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi.
Waxaan ahay Oday Guud oo Soomaaliyeed oo waaya arag ah, uma aqaan in ay tahay Soomaalinimadu Siyaasad iyo Sabo la wadaago. Hase yeeshee, Soomaalinimadu waa sinji ka dhexeeya ummad balaadhan oo aan dal iyo dawlad qudha wada lahayn.
Qoomiyadda Soomaaliyeed ee aanu ka midka nahay waxa mideeya abka, isirka iyo afka oo keli ah.
Duco-qabayaal,
Marka ay dhegahayaga ku soo dhacdo dhawaaqa Soomaaliyeey Toos, Toos oo isku Tiirsada, Jibaddii na Qaadi Jirtay iyo Jiidhkii Na Dubaaxin Jiray, Walaalayaal Xididkii dareemayaasha xambaari jiray waa idinkii jaray jiridiisii.
Waxaan idin leeyahay Soomaaliyeey, Gobonnimadii La gardaadiyey iyo gaawihii loo culay geelii dayr dhalka ahaa ee la isku sidkay, idinkaa gudhiyey, oo gacalkayow gacantiina ku gaagixiyey!
Walaalayaal,
Waxaannu nahay gob sabirka iyo in la isa-saamaxo taqaan, ma nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun iyo ciil kama korayaal.
Hase yeeshee, waxa habboon in aad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taal. Waxa habboon in aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin Dadka Reer Somaliland.
Waxaan idin leeyahay naftiina haku maaweelinina malo awaal iyo been aan misciriirtiina dhaafsiisnayn.
Sidaa darteed, Dadka iyo Dalka aan Odayga u ahay idiinma soo socdaan oo way tashadeen, ee duco-qabayaal idinkuna isku tashada oo aan kala turxaan la’aano.
Walaalayaal,
Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Dan Buu Reer Guuraa”, haddii aannu ahayn shalay kuwii midnimada doortay ee isku darkii labada dal ka dambeeyey, maanta waxaanu doorbidnay in aannu noqono dal gaar ah.
Waxaannu dan moodnay in aynu kala noqono laba dal sidii aynu ahayn 56 sanno ka hor.
Waxaanu doorbidaynaa in aynu noqono deris wanaagsan iyo gacal is-dugsada oo nabad iyo niyad sami abid ku wada noolaada.
Maalgelinta Dekedda Berbera
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan aaminsanahay oo aqoon ahaan la igu soo ababshay in uu yahay hoggaamiyaha wanaagsani ka lagu hirto ee leh hal abuur iyo himilo fog oo uu dalkiisa Hooyo ku horumariyo.
Tan iyo intii aan hano-qaaday, kontonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl ummaddaydu leedahay.
Xaashee, habeen kuma seexan in aan ka horumariyo dantayda gaar ahaaneed maslaxada guud ee dalkayga iyo dadkayga.
Dabcigaa iyo dareenkaasi waxay igu kelifeen in aan hadh-galay ka hor imaaddo Dawladdii Milateriga ahayd ee aan ka midka ahaa, ka dib markii aan yaqiinsaday in la marin habaabiyey Hoggaankii iyo Hayaankii Bulshada Soomaaliyeed.   
Ka midho-dhalinta mabda’an aan ku doojinayey mustaqbalka dadkayga waxaan u soo maray dagaal qadhaadh iyo duruufo adag, waxaanan diyaar u ahay in aan u dulqaato tan iyo inta aan ku god-gelayo.  
Markii la ii doortay inaan dalkan ka noqdo Madaxweyne, wuxuu maamulkaygu bilaabay in uu hirgeliyo horumar balaadhan iyo isbeddel laxaad leh, kaas oo salka ku hayey hamigii iyo hiigsigii aan muddada dheer hilaadinayey.
Mashaariic waaweyn oo wax ku ool ah ayaannu ku dhiirannay, kuwaas oo leh wax dhammaaday iyo wax socda.
Si gaar ah waxaan isha ugu hayey dib-u-dhiska Dekedda Berbera oo ah marso ganacsi oo muhiim u ah Mandaqada Geeska Afrika iyo Marin Biyoodka Badda Cas.
 Aniga oo ah Wasiir ka tirsan Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaan ku dagaalamay fulinta iyo meel-marinta balaadhinta Dekedda Berbera lagu sameeyey 35-sanno ka hor iyo mashruucii Warshada Sibidhka.
Haddaba, maanta oo aan Somaliland Madaxweyne ka ahay, Dekedda Berberina dib-u-dhis uga baahi badan tahay maalintaa hore, waxaa isweydiin leh waa maxay waajibka igala gudboon casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera? maxaase la filayaa in lagu xasuusto xukuumadayda? waxaan leeyahay Nin Ragi Wuu Garanaya Nacasna loo Sheegi Maayo.
Sidaa darteed, Dib-u-dhiska Dekedda Berbera waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda.
Baryo joogta ah oo aad asaagaa gacmaha hoos dhigato maalin kasta, laguma baahi baxo, burjina laguma yeesho, balse waxay ummad gob ahi horumar ku gaadhaa dedaal, isku-duubni, is-aamin iyo isku tashi.        
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Biyo Sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”.
Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu ka sugno dalal shisheeye. Hase yeeshee, markaan eego waaya-aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay hab-dhaqanka dunida iyo cilmiga dhaqaalaha ee aan ku takhakhusay, waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeena hooyo uu yahay in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi furfuran oo xor ah oo aynu ku soo jiidanno maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano wadaag.
Aniga oo ka duulaya aragtidan, waxaan Guddi Wasiirro ah u magacaabay maalgelinta Marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Muddo aan ka yarayn 3-sanno ayaa sahan iyo baadi doon loogu jiray sidii loo heli lahaa maalgelin munaasib ah oo ka turjumaysa maslaxaddeena. Nasiib wanaag, waxaan dhawaan la galnay heshiis maalgashi iyo iskaashi ganacsi shirkadda DP WORLD ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka.
Heshiiskan waxaannu dhakhso u horgeyn doonnaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah.
Shirkaddani waxay sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doontaa Deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal. Sidoo kale, waxa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeena jirta oo u baahan dayactir badan.
Intaa waxa dheer (Free Zone) samaynta saylad ganacsi oo xor ah iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera-Wajaale oo hal-bawle u ah mashruucan.
Heshiiskani wuxuu wax weyn ka bedeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland, waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya.
Dhinaca kale, maalgashigani wuxuu fursado shaqo u abuurayaa xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso.
Wuxuu kor u qaadaya xidhiidhka iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska.    
Waxaan ku bogaadinaya bulshada Somaliland sidii ay u soo dhaweeyeen Heshiiskan dhaxal-galka ah.
Waxa hubaal ah in Dekedda Berbera ay noqon doonto Eebe idamkii maalin aan fogeyn marin caalami ah oo la majeerto iyo mid ka mid ah marsooyinka ugu waaweyn dunida, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.
Dalalka Deriska
Mudanayaal iyo Marwooyin, –
Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa dalalka ay deriska yihiin ee Itoobiya iyo Jabuuti. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow.
“Cadowgoodu waa cadowgeena, Cadowgeenuna waa Cadowgooda”
Waxaannu aaminsanahay in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika ay yihiin dad walaalo ah oo dano badan wadaaga.
Waxaannu aaminsanahay in Sareedada iyo Samaha Mid u Soo Kordhaa, uu Yahay Sed inta Kale u Siyaaday
Sidaa darteed, waxaa maamulkayga ka go’an in aannu xoojinno xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalalka deriska ah, la iskana kaashado adkaynta amniga, la-dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, Tahriibka, Faqriga, Gaajada iyo Kootarabaanka ama Ganacsiga Sharci-darrada ah i.w.m.
Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka, gaar ahaan Dalalka Midawga Yurub, Maraykanka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Dawladaha IGAD in ay garwaaqsadaan qadiyada iyo xaqa aayo-ka-tashiga Shacbiga Somaliland, isla markaana aqoonsadaan qarannimadooda.
Waxaan xog-ogaal ka ahay in qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay ku jirto tabasho iyo saluug. Somaliland waxay ku soo caano-maashay in khilaafka dhexdooda yimaadda ay ku dhamaystaan wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul.
Waxaan aaminsanahay in wada-hadalku yahay dariiqa keliya ee lagu xalin karo turxaanta dhexdeenna taal.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa walaalahayo wada-hadal iyo gogol nabadeed.
Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ugu baaqayaa:
In ay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta qarannimadooda, adkaynta nabadda iyo deganaanshaha dalkooda.
In ay u midoobaan maslaxadda iyo danaha guud ee dalka.
In ay meel uga soo wada jeestaan horumarka iyo dhismaha dalka.
In ay si mug leh uga qayb-qaataan Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Doorashooyinka dhici doona 27-ka bisha March 2017-ka.
Wa Billaahi Taqwfiiq… ”
Somaliland Oo U Dabaaldegtay Madaxbanaanideedii Oo Shan Iyo Labaatan Jirsatay Iyo Khudbad Madaxweyne Siillaanyo Mawqifka Ummadda Ku Bandhigay “Waxaannu nahay gob sabirka iyo in la isa-saamaxo taqaan, ma nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun iyo ciil kama korayaal.”
0 notes
saxafimedianetwork · 9 years ago
Text
Burco Iyo Hargeysa Oo Si Weyn Looga Dareemay Masiibaddii Badda Mediterranean Ka Dhacday Iyo Madaxweyne Siillaanyo Oo Talo-Qaran Ku Baaqay
Burco Iyo Hargeysa Oo Si Weyn Looga Dareemay Masiibaddii Badda Mediterranean Ka Dhacday Iyo Madaxweyne Siillaanyo Oo Talo-Qaran Ku Baaqay
Hargeysa,Somaliland, April 19,2016 (Saxafi)- Masiibaddii ka dhacday badda Mediterranean ee ay ku geeriyoodeen labadda boqol ee Tahriibayasha ahaa, ayaa si weyn looga dareemay goboladda Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay dhalinyaro badan oo goboladaasi ka soo jeedda ku geeriyoodeen Baddaasi.
(more…)
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 9 years ago
Photo
Tumblr media
Kullan Dhexmaray Madaxweyne Siillaanyo Iyo Madax Ka Socota Qaramadda Midoobay Hargeysa, Somaliland, April 19, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ku Xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramadda midoobay Mr.
0 notes