#Agaasime Guud
Explore tagged Tumblr posts
berberanews · 2 years ago
Text
Badheedhihii Agaasimaha Cusub iyo Baanistii Agaasimaha La Beddelay Oo Wax-qabad Lagu Majeertay
Agaasimaha Guud ee Cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii Guud ee Hore Mukhtaar Cabdi Quule oo muddo laba sanno ku dhow xilka hayey. Munaasibad ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Agaasime waaxeedyada iyo Guddiga Sare ee…
youtube
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 6 years ago
Text
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
(more…)
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 3 years ago
Text
Wefti ka socda Shirkadda GENEL ENERGY oo booqasho gogol xaadh soo saarida Shidaalka Hargeysa Ku yimi
Wefti ka socda Shirkadda GENEL ENERGY oo booqasho gogol xaadh soo saarida Shidaalka Hargeysa Ku yimi Xogside – Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo ay weheliyaan xubno kamida agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaasi, ayaa madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey wefti sare oo ka socda Shirkadda Genel Energy…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
haldoornews1 · 3 years ago
Text
Deg deg: Madaxweyne Biixi oo Xil qaadis sameeyay.
Deg deg: Madaxweyne Biixi oo Xil qaadis sameeyay.
Hargeysa(Haldoornews):-Madaxweyne Biixi ayaa Xilkii ka qaaday qaar ka mid ah agaasime yaasha guud ee wasaaradaha.  waxaa ka mid ah masuuliyiinta uu xilalkii ka qaaday. 1 – Agaasimihii Wasaaradda Biyaha Maxamed Xasan Dirir 2- Agaasimihii Wasaaradda Hawlaha Guud Jamaal Cabdi Muuse. 3- Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed.. 4- Agaasimihii Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
shibiscomedy · 6 years ago
Text
Tumblr media
SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran! WQ:Bashiir M Xersi
 Freelance Journalist  Uncategorized
 December 29, 2018 9 Minutes
Date: 25 Jul 2017 Author: Bashiir M. Xersi
SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran!
Duul madax FALLUUQ qaba, marka ay talinayaan, waxaad ka garataa duulduulka iyo is diidka talooyinkooda maamul. Hawtulhamagnimo! “ Hal nin gurran dheelmay dhanna u ma roona! ” waxaa la mid ah dadweynaha Muqdisho, oo hadba mid madax falluuq qaba ama maangaab ah, haddii uusanba MUHDI ahayn uu u taliyo. Soo dadkaasi maahan marka dad u dhexeeya GOCOR iyo GAFANE dhiiggooda miirta?!
Shalay waxay u dhexeeyeen Afweyne iyo kacaandiidnimo, waxaa u xigay qabqable iyo mooryaan, waxaa ku sii xigsaday wadaaddo iyo argagixiso la dirir, waxaa ugu sii xigsaday Alshabaab iyo dawlado fadhiid ah, haddana waxay maraysaa, in dhawr nin, oo dibadda ka soo laabtay suudadna xiran, ayey ayaankooda, ayaahamahooda iyo aayahooda ku ciyaaraan. Maalin walba iyo wareegto wareersan. Haa raalli ahaada waan is ka ciyaaraynnay!
Wareegtooyinka wareersan waxaa ugu dambaysay midda ku saabsan baadda ay Shabaab ka qaaddo ganacsatada Muqdisho, oo ay Shabaab ku sheegaan SAKO, nimannkan SUUDLEYDA ahna ku sheegeen, in ay tahay DAMBI lagu ciqaabi doono qof walba oo lagu helo! Cabsi iyo bajin! Hayaay! Waa aragti GURRACAN, oo aan garasho iyo garaad midna ku fadhin, aan ka ahayn iga gaarsii. Sabab? I la arag.
Wareegtada dhami waxay isugu jirtay amarro, gooddis, bajin iyo handadaad. Dhaqan shabaabeed la dawladeeyay, oo ay ka marneed keliya aayadihii iyo axaadiisyo boojeedkii Shabaabku ku maldihi jireen jirrinimadooda. Wareegtadu waxay ka koobneed toddobo qodob, oo lagu soo koobi karo; aqoonsi, taageero, deeqsiin, kaydin ama u fududayn iyo u tagid Shabaab.
Waxaa marag ma doonto ah, in Aadanaha dadka ay ugu gacan adag, uguna wax bixin liita ay yihiin
HANTIIYALAASHA iyo GACANSTADA lacagta iyo dhaqaalaha haysta, inyar oo damiir iyo dadnimo leh ma ahane, marka dhawrkan nin ee wareersan, ma ogyihiin tan, mise, isweydiiyeen, nin Xamar jooga, oo dhaqaalahan ku tacbay qaxar iyo qarax dhexdood, lacag SAKO ku sheegan oo aan nacfi iyo faa’iido uga soo laabanayn, in uu ka bixiyaa, in ay ku adag tahay ka sokow, ma tahay wax ka suuragasha? Haa sabab? Maya sabab?
Wuxuu yiri abwaan Faarax Nuur:
“Haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane
Waaryaadha ka la quusannaye qoomamo la’aada.”
Ujeedka
tuducyadani ma moodaa, inay maantadan ka warramayaan? Alshabaab iney baad qaadato waxaa u fududeeyey ninka ka ciidanka badan kana cududda roon, ee aan awoodin inuu la dagaallamo kana sifeeyo dalka, haddana doonaya sidii geed quraanyo leh, inuu dadka ku carshacarsheeyo oo maalina yiraahdo, hubka dhiga, maalina yiraahdo, sakada joojiya? Hadda ninka sidaa lihi wuxuu ammaanka iyo sirta dowladda u dhiibtey Sakariye Xaaji ismaaciil: madaxii Sirdoonka Shabaab.
Dowladdu maxay wareegto uga soo saari weyday, in aan qof dhagarqabe ah, oo dadka iyo dalka dambiyo dagaal ka galay, dad aan waxba galabsan gumaaday, in aan xil umadeed loo dhiibin laguna maamuusin? Ninka Alshabaab sirtiisa iyo taladiisa u dhiibtey, miyaa ina leh sakada ha siinnina? Yaab iyo la ma arag iga dheh!
Sir ma ahayn, in Shabaab ay sako ka qaaddo ganacsatada magaalada Muqdisho, oo meeqo mar ayaad maqashay, in hotel hebel ama mehered heblaayo loo qarxiyey, ka dib markii Shabaab aan laga siin baadda (leejada)? Ciiddaan ka badan, haddana, Shabaab ganacsatada dhaqaalaha siiya waxay isugu jiraan labo; (1) kuwa qasab ku siiya, oo handadaad iyo cagajuglayn la kulmay ama diidmo ka dib, goobtii ganacsiga laga qarxiyey ama la dilay qof ay xigto yihiin isaga oo la xanuujinayo. Qofkaa wuxuu Shabaab leejada u siiyaa waa baqdin iyo cabsi uu ka qabo, ee u ma siin taageero. Ka muhimsane, wuxuu baadda u siiyaa waa in uu is ku dhawro, kuna ilaashado hantidiisa inta uu ku badbaadin karo. (2) Kuwa qanac iyo taageero ku siiya, oo ku aragti iyo iimaan ah. Waxay la dhacsan yihiin falalkooda iyo fahamkooda nololeed, oo waxay u arkaan badbaada saxda, ee dariiqa janno lagu gaaro iyo wixii maalinta dambe dhimman. Labada la falgal, kan dambe hadda aad ayuu u yaraaday, oo dhibka ku batay iyo gacan adaygga ganacsadaha ayaa isugu darsooontay.
Marka qofka aan taageero u hayn, haddana dhib hore uga la kulmay, ee dani ku qasabtay, uu Shabaab siiyo sako ku sheeg, maxaa xalkiisu noqday? Ma aragtida gurracan iyo silaca suudlayaasha ayaa loo daayey? Horta nin aan waligii hanti tacbin, noloshiina aan wax ku soo kordhin marka laga reebo, in sabada reernimada uu xilal ku qabtay, muxuu ka ogyahay duraafaha iyo caqabadaha dhaqaalahan lagu sameeyey ama lagu abuuray? Wasiirka amniga waxaa igu maqal ah, in uu hantiile yahay, marka maxaa qaaday? Ma illoobay qatarta ay ganacsatu ku ganacsadaan?.
Qof aan Xamar joogin intii u dhaxaysay
2006-2010 ama aan mar tegin sanadihii jihaadka iyo jannada, dhanka kalana xerta Xabshida, ma garan karo waxa ganacsatani dhib ay soo mareen iyo waxa ay qatar iyo qarax u soo joogeen inta ku nool cawosamaan iyo nasiib, marka in ay maanta wareegto wareersan soo saaraan waxay ku tusinaysaa heerkooda garasho iyo marnaantooda ogaal.
Baadda laga qaado qof aad ka itaal roon tahay, waa wax dunida dhan ka jira, oo ma ahan wax ku kooban Muqdisho. Dawlado ayaa laga qaadaa baad, shirkado ayaa bixiya leejada, maamullo ayaa madaxfurashada dhiiba, marka ay noqoto nafhurto iyo ku ma dhaaftaan. Marka weydiinta ugu muhimsan sheekadu waa in gacansato ay Shabaab siiyaan Sako maxaa u sabab ah? Hal arrin; NABAD LA’AAN! Yey eheed, in ay nabadda sugaan? Nimankan SUUDLEYDA ah, ee u gooddinaya ganacsatada hantidooda iyo heddooda badbaasanaya. Anigu waxaan qabaa, wax walba, oo lagu badbaadin karo ama lagu dhawri karo hed iyo hanti, in aan looga hibaysan hanfade ama hacoo aan halna hayn, berri markii xilka laga qaadana dib ugu laabandoona hoy shisheeye iyo hool aan ganacsi ool!
Ka warran qof gaabiskiisa WAXQABAD qofkii uu ka gaabiyey ugu guhaadinaya? Waxaa la mida dhaqanka SUUDLEYDAN ganacsatada ku haysata maxaad Shabaab sako ku sheeg u siisaan, ka dib markii ay sugi waayeen amniga ganacsatada? Saw waalli dhaqanta ma ahan iyo wareer? Horta nimankan madaxda sheeganaya, ma kafaalaqaadi karaan amniga bulshada guud ahaan, gaar ahaan ganacsatada? Hubaal, maya, haddaa maxay ka rabaan, qof ammaankiisa ku sugaya, shilimaad uu siiyey koox burcad ah, oo uu ogyahay, in ay xoog uga qaadanayaa?.
Ka muhimsane, horta nimankan SUUDLEYDA ah, ee aan ammaankooda sugi karin, ma sugi karaan ammaan bulsho iyo magaalo? nimankan SUUDLEYDA ah, haddii ay magaalada ka deggan yihiin hotello ay ku horyaallaan carrotuuryo laamiga dhinac ka goostay, labo gaari oo tikniko ahna ay waardiyeynayso, labaatameeyo dhallinayada ay hareeraha laamiga u tuban yihiin, oo qarashka ku baxa uu bixiyo ninkaa ganacsada ah, sidee ugu diidi karaa, in ganacsaduhu uu maalkiisa iyo naftiisa waardiyeysto, koley ku tahay, in uu Shabaab sako xaaraan ah siiyo? Ku darsoo, marka ay laamiyada iyo waddooyinka marayaan, waxay ku jiraan, oo ku socdaan baabuur qaflifan, oo aan xabbaddu karin iyo ciidamado dabayaacaya, oo faraha badan, una xilsaaran ilaaladooda, marka saw ma ahayn, in ay is ka dhigaan, oo magaalada ku maraan baabuur caadi ah, bal in sako Shabaab dhaafto iyo in kale?.
Jidcadde la xiro iyo laami la gooyo keliya amni iyo xasillooni ku ma yimaadaan, ee mid waxaan filaa, in ay caddahay, qaraxyada Muqdisho ka dhaca boqolkiiba sagaashan iyo ka badan waxaa laga soo abaabulaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo jidkaa dheer ee Afgooye ka yimaad, marka inta la xannibi lahaa isu socodka dadka iyo magaalada waxay igu la qumman, in kasta oo aanan qofni amni ahayn, in jidkaa waxa ka imaanaya xoogga la saaro iyo siiba gobolkaa. Hadda oon faalladan qorayo, waxaa go’an adeegga farriin wareedka wakaaladda wararka dalka ee SONNA oo lagu gooyey amar Shabaab!
Ogow, is la gobolka kale, ee dariska ah caasimadda ee Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taliya qaybo ka mid ah Shabaab, haddana, qaraxyo ka ma dhacaan mana ka yimaadaan, haddana ku ma taal, Tooro Toorow, oo ah meesha loo dirayo ganacsatada, oo u dhaxaysa degmooyinka Qoryeelay iyo Afgooye, balse, u dhow Qoryooleey, si ay leejada ugu baxshaan, marka labadaa gobol, oo aan laga sifayn Alshabaab, waxba ammaanka laga ma qaban, caasimadduna amni buuxda ma haysato, mar walbana waxay halis ugu jirtaa, in qaraxyo iyo wareerro hubaysan ka dhacaan, maxaa yeelay, halka ay ka yimaadaan ee laga soo maleego way caddahay, ee maxaan loo abbaarin?.
RIIX Halkaan https://bilediraac.wordpress.com/2013/10/28/687/
Mid kale, oo ka muhimsan aan idiin sheego mid kalana aan idiin raaciyo. Degaannada Shabaabku ka taliyaan waa ka ammaan badan yihiin degaannada dawladdu ka taliso. Dabcan, degaannada Shabaabka cabburis iyo ciriirin xooggan ayaa ka jirta, ayna sii dheer tahay gabdhaha guurka lagu qasbayo, halka dhinaca dawladduna aysan ka dhawmo yarayn, muhimadduse waa marka ay amni timaad iyo nabad, in ay Shabaab ku fiican yihiin. Midda kale, oo iyaga mudan xusiddu waa in dacwadaha guryaha iyo milkiyadaha ay dad badan doorbidaan, in ay ku ka la baxaan garsoorka Shabaab, maxaa yeelay, waxay ka garsan yihiin, oo ku saleeyaan eex iyo laaluush la’aan, halka dhanka dawladda wixii kaa gala aad ku dhammaysan karto kaliya musumaasuq iyo wax is dabamarin. Shilimaad. Weli ma is waydiiseen, musuqmaasuq ayaa la la dagaalayaa ayey idin leeyihiine, sida ay ku suuragalee, marka agaasime uu mushaarkiisu yahay celcelis kun iyo labo boqol dollar, uu habeen walba seexdo hotel saddax kun oo dollar bishii laga rabo inuu bixiyo?!
Bixinta sako ku sheegta Shabaab oo halmar ah waxaad ku helaysaa, in hantidaada iyo heddaada ay kuu nabadgeliyaan, oo qarax, ciriirin iyo cagajuglayn aad badbaaddo, balse, canshuurta SUUDLUHU qaado, ee joogtada ah, maxaa lagu helaa? Amni ma lagu haystaa? Adeeg caafimaad ma lagu helaa? Adeeg waxbarasho ma lagu hammiyaa? Dhismayaal waddooyin iyo degaan qurxin ma lagu habeeyaa? Maamul iyo maarayn ma lagu hormarshaa? Deeq shisheeye iyo ka ma hadal bixinta ganacsatada, ee waxaan ka hadlaa wixii canshuur ahaan ay dawladdu u qaaddo. Is ku laabo.
Tallaabadan cusub ee Shabaabku ku dalbanayaan, in ganacsato saka ku sheeg ku baxshaan Tooro Toorow waxay caddayn u tahay culayska amni ee ay magaalada ku hayaan iyo waliba is ku muujinta siyaasadeed ayna u diyaarayaan dawladda, AMISOM iyo dunida Xalane deggan, ee ay leeyihin, qofkii aaminsanaa, in aan dhimannay ama in laga taqallusay, ha ogaado, in aan magaalada Muqdisho wax ka maamulno, waliba Sakwadaad iyo taakulayn mujaahidiin aan ka qaadno! Aragtida SUUDLEYDU waxay noqotay, in ay sii ciqaabaan ganacsatadii ewelba dhibbaneed, halka ay eheed, in ay keenaan xal iyo xeelad nimankan looga qataallayso!
Waxaa ii muuqatay xeelad wanaagsan oo baadda ay ganacsatadu siiyaan shabaab looga faa’idaysan karay, balse, la garabmaray, anoon qof amni ahayn. Wixii ishu soo aragtay warinteed gacan weyn ayey gaysan kartaa dabagalka Shabaab. Nimanku lacagta baadda ah qaab gacan saar ah ayey badi u qaataan, ee bank iyo hab danabeed u ma qaataan, walibana meel gaar ah oo cayiman ayey seka ku sheegtaas sharwadeyaashu ku qaataan “Tooratoorow”, waana dad wajiyadooda iyo abtiriskooda la wada yaqaan, gaar ahaan waa qasab, in ganacsatada badankoodu ay qaar badan ka yaqaannaan nimankaan sida joogtada ah u baada.
Markaa anoo aan xeeladahaas bannaanka wada keenaynin maadaama laga yaabo, in berri ka maalin si dhab ah is la xeeladahaas loogu baahdo, ayaan haddana inta fahmi karta dusha uga xanteeyey. Haddii ay cadaalad, caqli iyo daacadnimo jirto waxaa muuqda dhawr hab oo ayadoo ganacsada la garabsanayo loo la dagaallami karo Alshabaabka ee malaha waan loo socon, in garashaxumo jirtana waa wax aad u macquul ah oo dhici kara.
Mid kale, oo gar Islaan ah aan ku daro, oo runtii dood in badan aan maqlay ah. Ganacsatadan labada dab u dhaxaysa, ee sakada (baadda) Shabaab iyo canshuurka (biilka)dawladda u dhaxaysa, waxay u badan yihiin beelaha HAWIYE, oo halkaa lacagtoodii iyo dhaqaalahoodii isugu geeyey, iyagoon degaan kale iyo dad waxba uga deeqin, is ka daa maamul iyo maarayn, in ay ku xoojiyaane, marka way ku habbooneed, in la helo wax kadeeda galiya oo kurbo iyo ku rida karkabo!
U dowladee si uu u dareemo inaad ka darajo sarreyso. Wareegto ku soo saar, si uusan waxba kaaga weydiin waxqabadkaaga. Hubka ka dhig, si aad u handadi karto una hadimeyn karto. Dhac oo boob, hadduu ka dhiidhiyana, dhiillo kale dhabarka u saar. Dhammaan halkudhegyadani waa kuwa SUUDLEYDA ay ku rabaan, in ay ku taajiraan maalmo, oo ay yeeshaan hanti aysan weligood hore u yeelan. Haddaba is weydiintu waxay tahay, ganacsatada ma ka gilgilan doonaan gafanayaasha doonaya, in shilimaadkooda ku naaxaan, mise, waa is ka goohi doonaan una gunuunuci doonaan, iyagoon garan qaab iyo qorshe ay naftooda iyo hantidooda ku badbaadshaan!
Is ku soo wada duubee, ujeedka wareegtadan waxay i la tahay, in looga dan leeyahay, in sida Shabaab looga qaado baad dheeraad ah ganacsatada ama in lagu boobo hantidooda, iyadoo la leeyahay waa dawlad-diid, oo wuxuu taageeraa Alshabaab. Waa dhaqankii kacaanka uu u ku dhaqmi jiray, marka uu doonayo, in uu la wareego hanti guurto ama ma guurto ah, oo ay leeyihiin dad la doonayo, in la dhaco, marka waa is la ubixii kacaanka kuwa maanta aragtidan gurracan la meehannaabaya, maxaa yeelay, qaramayn (dhac) hanti dadweyn iyo waxay ku indha qaadeen, boob dhaqaale dad kale kuna indha fureen!
F.G: taageero SHABAAB iga ma ahan, oo
SUUDLEYDAN , oon cidna aqoon ayaan halgan iyo ku la jiray hal adayg SHABAAB, balse, aragtida gurracan, ee bulshada lagu harawsanyo, ayaan waxba dhaamin
SHABAABNIMO!
NAXLI IYO NUXUUS!
Bashiir M. Xersi
https://bilediraac.wordpress.com/
https://saxafiyare2.wordpress.com/
Cali M Gaaboow
0 notes
warganenews · 6 years ago
Text
Somaliland: Saxeexii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Loo Gacan Galiyey Agaasimaha Waaxdda Gaadiidka Iyo Khilaaf Soo Ifbaxay
#Somaliland: Saxeexii #Agaasimaha_Guud Ee Wasaaradda #Gaadiidka Oo Loo Gacan Galiyey #Agaasimaha Waaxdda Gaadiidka Iyo Khilaaf Soo Ifbaxay
Saxeexii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Loo Gacan Galiyey Agaasimaha Waaxdda Gaadiidka Iyo Khilaaf Soo Ifbaxay
Agaasime Waaxeedkii Waaxdda Gaadiidka Oo Loo Suuliyey Shaqadii Agaasimaha Guud Iyo Agaasimihii Maamulka Iyo Lacagta Oo Banyaal Laga Dhigay, Saxeexyada Dabramay Iyo Seetadda Xilka Suul-san
Saxeexii agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka oo loo gacan galiyey…
View On WordPress
0 notes
aljazeeramubashera-blog · 7 years ago
Photo
Tumblr media
Prof:Jawaari Taariikhdiisa iyo Waxqabadkiisii oo Kooban Midnimada Umadda Soomaaliyeed/ April 9, 2018 / Uncategorized Jawaari ayaa xilka isaga casilay cadaadis uga timid xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo ay noqotay markii ugu horeeyay ee guddoomiye Baarlamaan ku baxo cadaadiska Ra’iisal wasaare, waxaana is casilaadda si rasmi ah loo shaacin doonnaa kulan Baarlamaanku yeelan doono Arbacadda 11-ka April 2018. Haddii aan dib u eegno taariikhdiisa Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah. Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray. Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada DAsturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga. Intii aanu 2012 qaban xilka Guddoonka Baarlamaaka wuxu u lasoo sha
0 notes
wariyaha · 7 years ago
Photo
Tumblr media
Malaayiin caruuraha dalka Maraykanka ayaa todobaadkan ku laabanaya iskuulaadka guud ahaan dalka, waxayna guryahooda ku noqonayaan casarkii iyaga oo wata layli loosoo direy oo ku saabsan wixii uu ardayga qabtay intii lagu jirey fasixii xagaaga. Hadda bal maleyso in aad tahay Donald Trump, laguuna direy shaqo guri ama layli , waxay ila noqon in aad u baahan doonto waraaqo dheeraad ah oo aad leyliga oga shaqayso. Hagaag, waxyaabaha hoos ku qoran waa kuwa Trump iyo kalkaaliyeyaashiisa ay qabteen xagaagii lasoo dhaafay. 1.Waxa la shaqaalaysiiyey agaasime cusub oo warbaahinta ah, oo magaciisu yahay Anthony Scaramucci. 2.Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa shaqada ka tagay isaga oo cabasho qaba, balse wuxuu sheegay in uu faraxsanyahay. 3.Scaramucci ayaa waraysi layaab leh siiyey majaladda New Yorker maalintiisii koowaad ee shaqada. 4.Trump waxa uu shaqada ka eryey agaasimihii Aqalka Cad Reince Priebus, kaasi oo looga tagay garoonka diyaaradaha Andrews. 5.Waxa uu Trump shaqada qorey agaasime cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Kelly, kaasi oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha. 6.Maalintii koowaad ee shaqada ee Kelly, Trump waxa uu eryey Scaramucci, kaasi oo shaqada joogay 10 maalmood oo kaliya, mudadaasi oo xitaa ka yar waqtiga ay caanaha ku dhacaan. 7.Waxa uu shaqada qorey agaasime cusub oo warbaahinta ah, waana kii afraad muddo 7 bilood ah oo uu xilka hayay. 8.Waxa uu Trump si shaac ah u fadeexeystey Xeer Illaaliyaha Guud, balse Jeff Sessions waa uu iska adkaystay. 9.Waxa uu ku guuldaraystay xeerka caafimaadka oo la marin waayay aqalka Congress-ka. 10. Waxa uu si shaac ah u dhaleeceeyey xildhibaanada Jamhuuriga, kuwaas oo diiday in ay u codeeyaan xeerka caafimaadka. 11.Dadka labeebka ah ayuu ka mamnuucay in ay ciidamada ka mid noqdaan, fariintaas oo uu ku qorey Twitter-ka isaga oo aanan u sheegin taliyeyaasha militariga. 12. Taliyeyaasha ciidamada ayaa ku yiri "Iska hilmaam waxaas, amarada kama qaadano Twitter-ka, ee waxaa jira haykal iyo jaranjaro amarka loo kala qaato". 13. Waxa uu khudbad siyaasadeed u jeediyey dhalinyaro mutadhawiciin ah oo da'dooda u dhaxayso 11 illaa 18 jir. 14. Waxa uu sheegtay in uu hambalyo ka heley hoggaamiyaha dhalinyaradaasi , taas oo
0 notes
berberanews · 2 years ago
Text
"Waxaan Idiinku Bushaaraynaynaa In Aanu Dirnay Qalabka Lagu Baadho Macdanta" - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta
“Waxaan Idiinku Bushaaraynaynaa In Aanu Dirnay Qalabka Lagu Baadho Macdanta” – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta
Hargeysa (Berberanews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macanta iyo Tamarta ee Somaliland Foosi Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Wasaaraddu dalka dibaddiisa ka dalabtay dhawaanna la keeni doonto Qalabka lagu baadho Macdanta. Agaasime Foosi waxa uu sheegay kaddib markii ay arkeen inay Shacabku fahmeen Ka Faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah oo dalkeennu qani ku yahay ay wasaarad ahaan ku dhiirradeen…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 7 years ago
Text
Madaxweyne Siillaanyo Oo Sameeyay Isku-Bedel Agaasimeyaal Guud Iyo Magacaabis
Madaxweyne Siillaanyo Oo Sameeyay Isku-Bedel Agaasimeyaal Guud Iyo Magacaabis
Hargeysa, Somaliland, June 16, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay digreeto Madaxweyne ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga, halka dhinaca kale oo uu isku bedel ku sameeyay saddex Agaasime Guud. (more…)
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 3 years ago
Text
Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Tallaalka Xannuunada Dabaysha Iyo Covid 19
Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Tallaalka Xannuunada Dabaysha Iyo Covid 19
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka warbixiyay tallaalada xanuunka dabaysha iyo Coronavirus oo dalka ka socda. Agaasime xergeeye oo xog waran ku siiyay xafiiskiisa warbaahinta dawladda ayaa sheegay in labadan tallaal ay si isbar bar socda dalka uga socdaan. Ugu horreynna waxa uu farriin u diray waalidiinta inay carruurtooda ka yar…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 2 years ago
Text
Somaliland Oo Shir Deg deg ah Ka Yeelatay Halis Caafimaad oo Qaramada Midoobay Ka Digtay
Somaliland Oo Shir Deg deg ah Ka Yeelatay Halis Caafimaad oo Qaramada Midoobay Ka Digtay
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) ayaa maanta Xafiiska kulan kula Qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA. Kulan waxa wasiirka ku Wehelinayay Gudoomiyaha Ha’yadda dhawrista Tayada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed cabdi xergeeye iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda…
youtube
View On WordPress
0 notes
berberanews · 2 years ago
Text
Somaliland: Agaasime Xilka laga qaaday shalay oo ku geeriyooday Hindiya
Somaliland: Agaasime Xilka laga qaaday shalay oo ku geeriyooday Hindiya
India-(Berberanews)-Alle ha Naxariistii Jano haka Waraabiyo Marxuum  Cabdirashiid  Xirsi Cali Agaasimihii guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha ee xilka laga qaaday shalay, oo Ku Geeriyooday Cusbitaal Kuyaala Dalka Hindiya Marxuum Cabdirashiid wuxuu hore u soo noqday Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo uu Lasoo Shaqeeyay Mudo dheer. Xukuumadda…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 3 years ago
Text
Berbera: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta oo mashaariic dhagax dhigtay
Berbera: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta oo mashaariic dhagax dhigtay
Berbera-(Berberanews)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ,Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdilaahi Jiidhe  ayaa sharaxaad ka bixiyey mashaariic culus oo  ay ka fulinayaan Magaalada Berbera . Waxana Agaasime Jiidhe Yidhi :-“Waxaan Maanta Magaalada Berbera Ka Daahfurnay Laba Mashruuc oo Waaweyn Muhiimna U Ah Qaranka Iyo Degmada Berberaba  waxayna  kala Ahaayeen:1:  Daahfurka Wejiga…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 3 years ago
Text
"Waxa la gaadhay xilligii la adkayn lahaa nidaamka ururrada"Agaasime C/rashiid
“Waxa la gaadhay xilligii la adkayn lahaa nidaamka ururrada”Agaasime C/rashiid
Waxa qoray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada SomalilandCabdirashiid Cabdiraxmaan Sheekh Nidaamka xisbiyadeenna waa lagu soo meelmaray – mase u muuqdaan kuwo u guuraya jihadii loogu talogalay ee ahayd in ay bulshada u raraan nidaam xisbiyeed aan ku salaysnayn qabiil iyo siyaasiyiiin ku meeraysta xisbiyada dhexdooda.Dan weyn baa Somaliland iyo bulshadaba ugu jirta in la…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 5 years ago
Text
Agaasime ka tirsan Somaliland oo Dhoolatus Siyaasadeed ku sameeyay Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi
Agaasime ka tirsan Somaliland oo Dhoolatus Siyaasadeed ku sameeyay Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi
Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha Guud ee wasaarada Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland. Maxamed Cillmi Aadan (Ilkacase) ayaa sameeyay dhoolatus siyaasadeed iyo fariin uu u diraayo Madaxweyne Muuse Biixi.
waxanu qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo isugu jira wasiiro hore iyo xildhibaano ka tirsan xisbiga…
View On WordPress
0 notes