#Dhallinyarada
Explore tagged Tumblr posts
berberanews · 8 months ago
Text
Dhallinyaro caan ka ah Baraha Bulshada oo lagu ururiyay Xabsiga Muqdisho
Muqdisho-(Berberanews)-Taliska ciidanka Boliiska Somalia ayaa sheegay in gacanta kusooo dhigeen qaar ka mid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada. Qoraal kasoo baxay  Booliska ayaa lagu sheegay in ay bulshada ka dhax sameynayeen falal anshax xumo iyo kala geyn bulsho ah sida lagu sheegay qoraalka Booliska. Qoraalka Booliska ayaa lagu yidhi :- “Ciidanka Booliska ayaa Howl-gal Kusoo…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 7 years ago
Text
Xukuumadda Somaliland Sidee Ayay U Aragtaa Shir Beeleedka Buurta Gacan Libaax?

(more…)
View On WordPress
1 note · View note
haldoornews1 · 2 years ago
Text
Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaanu leenahay Diyaar u ahaada go’aanka Xisbiga..” Hoggaanka Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaanu leenahay Diyaar u ahaada go’aanka Xisbiga..”Hoggaanka Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 3 years ago
Text
SONYO Oo Soo Agaasintay Kulan Lagu Horumarinayo Dhallinyarada
Hargeysa (XOGSIDE) – Kulan lagaga hadlaayay sidii loo horumarin lahaa dhallinayrada oo ay soo agaasintay daladda Dhalinyarada ee SONYO ayaa lagu qabtay magalada caasimadda ah ee Hargeysa. Waxaana ka wada shaqaynayaa hayadaha Qaramada Midoobay iyo sidoo kale daladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Agaasimaha guud ee daladda SONYO Cabdixamiid Maxamed Cumar ayaa sheegay in kulankani lagaga…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
isirposts · 3 years ago
Text
Fannaanad, Jilaa, Ciyaartooy, Maryan Cabdulle Geeseey oo geeriyootay.

Tacsi iyo Taariikh kooban: Waxaa is oo gaartay Allaha u naxariistee, geerida Fannanad Maryan Cabdulle Geeseey. Maryan Cabdulle Geeseey waxeey ka tirsanayd Fannaniinta Hoobalada Waaberi qeybta ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, markii dambana waxeey ahayd, jilaayad fir-fircoon oo wax ka matasha, riwaayadaha nooceey doonaanba ha ahaadeenee. Mar beey ahayd macallimad dhallinyarada barta ciyaaraha…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
gbanaadir · 5 years ago
Photo
Tumblr media
Shalay iyo maanta Waagii kacaanku dalka ka arriminayay ayaa waxaa mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha soo raacay laba dhallinyaro ah. Wiilkii lacagta gurayey ayay u dhiibeen 20 shso ah, kaddibna waxaa uu u soo celiyey 10shso oo jeexan waxyarna iska haysata. Mid ka mid ah ayaa yidhi: War Afweyne yeeli maayo xittaa waxan jeexjeexane naga celi, dood dheer kaddib waa laga celiyey. Kaddib wiilkii waxa uu siiyey mid kale, dadkii baabuurka saarnaana waa wada qosleen marka laga reebo laba"BEEN MA SHEEGE" qMarkii la gaadhay meeshay rabeen ayay degeen waxaase ka daba degay labadii nin ee BEEN MA SHEEGAYAASHA AHAA. Qoladani maaha qolo ciidanka dowladda ka tirsan, balse waa laan la. Shaqeysa sirdoonka oo ilaalin jirtey Afka( dhawaqa dibnaha iyo carabka) waa hadalkee! Nimankii dhallinyarada ahaa waa la qabtey waxaanna loo sheegay in Dacwo loo qabo oo ay raacaan labadan nin islana tagaan Saldhiga ugu dhaw, dood dheer kaddib waxa ay la soo baxeen aqoonsi, kaasoo caddeynaya inay yihiin shaqaale dowladeed. Waxaa la tegay Saldhig booliis oo u dhawaa, kaddib nimankii waxa ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah, waxa ayna ku eedeeyeen nimankani inay Aflagaado madaxeed geysteen oo sidaa ku eedaysan yihiin. Labada nin oo ahaa niman Af tahannimo leh, garteyna inay dabin ku dhaceen ayaa taliyaha saldhigga weydiistey in la dhegaysto iyagana. Taliyaha saldhigu waa oday Kabtan ah oo ka mid ahaa ciidankii ugu horreeyey ee dalka loo qoro, waxa uu u dalaci waayay daacadnimadiisa, taliyihii ayaa yidhi: Waa hadli kartaan. Labadii nin ee dhallinyarada ahaa ayaa yidhi: Taliye hana eedeeyo maba xumee, maxaa nalagu eedeeyey? Yaannu Aflagaadeeynay? Maxaanuse nidhi? Taliyihii ayaa labadii nin ku jeestay oo yidhi: Waad maqlaysaan ee nimankan maxaan ku xidhaa, yey Aflagaadeeyeen, maxayse dheheen? Labadii Been ma sheege ayaa is eegay, waayo kuma dhacaan inay yidhaahdaan, waxa uu yidhi: AFWEYNE? Ugu dambayn waa ku dhici waayeen, Taliyihiina waxa uu ku adkaystay, in ay sheegaan waxa ay yidhaahdeen Markii dambe ayay yidhaahdeen Afweyne ayay dhaheen yeeli maayo lacagt jeexan Taliyihii ayaa yidhi: War yaad ma tidhaahdeen dhallinyaro Afweyne? Labadii dhallinyarada ahaa mid ka mid ah ayaa soo boodo https://www.instagram.com/p/B_F_3CBnFZc/?igshid=oicmh1zbs1xb
0 notes
berberanews · 2 years ago
Text
Dagaalka Laascaanood oo galay Maalintii saddexaad
LAASCAANOOD:-(Berberanews)-Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad ee xidhiidha, kaasoo u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland, Kooxo Argagixisi ah iyo dad ay qaldeen oo dhallinyarada reer Sool ah. Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka oo saaka waaberigii ka bilowday magaalada Laascaanood. Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
calisuxufi · 5 years ago
Text
Tumblr media Tumblr media
War-Murtiyeedka Shirka Hobyo HG
Shirka Nabadda Hobyo waxey qabanqaabadiisu ka soo bilaabatay magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka hor, waxaa saldhig u ahaa kulamo taxane ah oo lala yeeshay wasiirada xukuumadda federaalka, xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ah, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo ganacsatada beesha Habargidir, ayagoo sidoo kale guddiga qabanqaabadu socdaal wadatashi ku soo kala bixiyey deegaamada beeshu degto ee Galmudug sida Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda dawlad-goboleedka Galmudug u sarraysa, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wadatashigaas mudada sanadka ah socday ka dib waxaa waxgaradka kala duwan ee beesha Habargidir isku waafaqeen baahida loo qabo qabashada shirweyne beeshu ay yeelato oo bilow u noqda soo afjaridda colaadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dhexmaray beelaha Soomaaliyeed iyo dhab u heshiisiin ka timaada ayaga dhexdooda, waxaana loo asteeyey in shirkaas uu ka dhaco magaalada qadiimiga ee Hobyo taariikh 15 July 2019.
UJEEDADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. In Beelaha Habragidir ay turxaan-bixiyaan, kana heshiiyaan tabashooyinka dhexdooda ka jira isna cafiyaan.
2. In ay dhistaan Gole Hogaamineed oo taladoodu ay ku midaysan tahay.
3. In kaalinta ugu haboon ay beeshu ka qaadato nabadaytna, dhab ula heshiinta beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo ka qeybgqaadashada dib u xaqiijinta qarannimada Soomaaliyeed oo beeshani ay weligood kaalin hormuudnimo ka qaadan jirtay.
MARXALADAHA SHIRKA NABADDA HOBYO UU SOO MARAY
Shirka Hobyo mudadii 50-ka maalmood ahayd ee uu socday waxaa si isdaba joog ah u imaanayey ergooyin iyo wufuud dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala socdey kuwaasoo tiradoodu ay kor u dhaaftey 2000 oo qof.
Marxaladaha shirka Nabadda Hobyo uu soo marey waxaa ka mid ahaa; furitaankii shirka iyo diyaarinta ergooyinka rasmiga ah ee ka qeybgaleyey shirka. Iscafinta iyo adkaynta midnimada beelaha Habargidir, iyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka golaha Hoggaaminta Habargidir iyo dhismaha golahaas oo tiradiisu gaarayso 68 xubnood. 04 September 2019, Golaha Hoggaaminta wuxuu dhexdiisa ka doortay Guddoomiyaha Golaha oo loo doortay Md Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Md Cabdullaahi Cabdille Wehliye .
GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG
2. Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka
B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.
1. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.
1. Dekedda HOBYO
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.
Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
BOGAADIN
Shirweynuhu wuxuu bogaadin aan qiimaheeda la soo koobi karin u soo jeedinayaa dhammaan intii iska xilsaartay dhismaha waddada Hobyo – Gaalkacyo gaar ahaan aasaasayaashii mashruucaan curiyey. Shirku wuxuu aqoonsanayaa waaya-aragnimada, qalabka ay gacanta ku hayaan iyo daacadnimada ay muujiyeen awgeed in Guddiga GOB ay noqdaan “Hey’adda Horumarinta iyo Dhismaha Waddooyinka Galmudug”.
Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka u dhashay beesha Habargidir iyo samafalayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dhammaystirka dhismaha wadadaas iyo waddooyinka kale ee ay gacanta ku hayso hey’adda maxalliga ah ee GOB. Sidaas oo kale, Dowladda FS iyo dowlad-goboleedka Galmudug waxaan ugu baaqaynaa in gacan ka gaystaan dhammaystirka wadadaas.
MAHADNAQ
Guddiga farsamada iyo dhammaan ka-soo-qeybgaleyaasha Shirka Nabadda Hobyo waxay mahadnaq ballaaran u soo jeedinayaan:
B. Shacabka reer Hobyo oo kaalinta kowaad ka qaatay habsami u-socodsiinta iyo martigelinta Shirka Nabadda Hobyo.
T. Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo nagu dhiirrigeliyay in shirkaan qabsoomo, nooguna soo duceeyay in uu guuleysto.
J. Waxaan u mahadnaqaynaa guud ahaan ergada iyo martida Shirka Nabadda Hobyo oo dulqaad badan u muujiyay duruufaha ay muteen muddadii shirkaani socday.
X. Sida oo kale, waxaan Beesha Caalamka uga mahadnaqaynaa niyad wanaagga ay u muujiyeen Shirweynaha Hobyo ee billaabay in beeluhu dhexdooda ka soo heshiiyaan iyaga oo dhan kasta isku tashanaya, taasina waxay tahay waddada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku gaari karaan nabad waarta.
KH. Beelweynta Habargidir ee shirka Nabadda Hobyo isugu timid waxey si aan kala har laheyn ugu mahadcelinayaan Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo wafdigiisa ka soo socdaalay deegaanno ku yaalla Somaliland si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadda Hobyo.
GUNAANAD
Gebagebadii, Shirweynaha Nabadda ee Hobyo wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo dhab-u-heshiisiinta bulshada iyo is-cafin ku timaada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyada oo loo midoobayo cadowga muuqda iyo midka dahsoon ee aan oggoleyn in Ummadda Soomaaliyeed hore u socoto kuna naallooto Qarannimo waarta. Qarannimo ayaa na deeqda waana midda kaliya ee aan ku gaari karno dhammaan himilooyinkeenna ku aaddan nabadeynta iyo dimoqraaddiyadeynta Dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed.
Cali Max’ed Gaaboow
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
0 notes
haldoornews1 · 4 years ago
Text
Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland

Hargeysa-20-02-2021-(Haldoornews)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland ee (UFO) oo sannad walba laga xuso Dalka 20-Febraury-1982 Maalintii Dhagaxtuurka ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Somaliland. Munaasibadda lagu xusayay oo lagu qabtay beerta xoriyadda ee…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 3 years ago
Text
Qisaska :Xukunadii Maxkmadaha Ee Cajiibka Noqday!

Maxkamadaha dunida ayaa marar badan dadka ayay yaab ku ridaa xukunka aan hore loo arag ee ku kala saaraan dadka usoo dacwooday. Dhowr sano ka hor, nin dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Daniel Dukes ayaa la dilay , ka dib markii ninka dhallinyarada ahi isku dayay inuu si qarsoodi ah u galo beer xeebta badda ku taalla oo loogu magaca daray aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga badaha oo Maraykan ah. Beertan…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
calisuxufisposts-blog · 5 years ago
Text
Tumblr media Tumblr media
War-Murtiyeedka Shirka Hobyo HG
 Journalist  Wararka maanta  September 5, 2019 4 Minutes
SHIRKA HOBYO HG
@calisuxufisposts @calisuxufi
Shirka Nabadda Hobyo waxey qabanqaabadiisu ka soo bilaabatay magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka hor, waxaa saldhig u ahaa kulamo taxane ah oo lala yeeshay wasiirada xukuumadda federaalka, xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ah, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo ganacsatada beesha Habargidir, ayagoo sidoo kale guddiga qabanqaabadu socdaal wadatashi ku soo kala bixiyey deegaamada beeshu degto ee Galmudug sida Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda dawlad-goboleedka Galmudug u sarraysa, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wadatashigaas mudada sanadka ah socday ka dib waxaa waxgaradka kala duwan ee beesha Habargidir isku waafaqeen baahida loo qabo qabashada shirweyne beeshu ay yeelato oo bilow u noqda soo afjaridda colaadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dhexmaray beelaha Soomaaliyeed iyo dhab u heshiisiin ka timaada ayaga dhexdooda, waxaana loo asteeyey in shirkaas uu ka dhaco magaalada qadiimiga ee Hobyo taariikh 15 July 2019.
UJEEDADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. In Beelaha Habragidir ay turxaan-bixiyaan, kana heshiiyaan tabashooyinka dhexdooda ka jira isna cafiyaan.
2. In ay dhistaan Gole Hogaamineed oo taladoodu ay ku midaysan tahay.
3. In kaalinta ugu haboon ay beeshu ka qaadato nabadaytna, dhab ula heshiinta beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo ka qeybgqaadashada dib u xaqiijinta qarannimada Soomaaliyeed oo beeshani ay weligood kaalin hormuudnimo ka qaadan jirtay.
MARXALADAHA SHIRKA NABADDA HOBYO UU SOO MARAY
Shirka Hobyo mudadii 50-ka maalmood ahayd ee uu socday waxaa si isdaba joog ah u imaanayey ergooyin iyo wufuud dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala socdey kuwaasoo tiradoodu ay kor u dhaaftey 2000 oo qof.
Marxaladaha shirka Nabadda Hobyo uu soo marey waxaa ka mid ahaa; furitaankii shirka iyo diyaarinta ergooyinka rasmiga ah ee ka qeybgaleyey shirka. Iscafinta iyo adkaynta midnimada beelaha Habargidir, iyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka golaha Hoggaaminta Habargidir iyo dhismaha golahaas oo tiradiisu gaarayso 68 xubnood. 04 September 2019, Golaha Hoggaaminta wuxuu dhexdiisa ka doortay Guddoomiyaha Golaha oo loo doortay Md Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Md Cabdullaahi Cabdille Wehliye .
GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG
2. Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka
B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.
1. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.
1. Dekedda HOBYO
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.
Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
BOGAADIN
Shirweynuhu wuxuu bogaadin aan qiimaheeda la soo koobi karin u soo jeedinayaa dhammaan intii iska xilsaartay dhismaha waddada Hobyo – Gaalkacyo gaar ahaan aasaasayaashii mashruucaan curiyey. Shirku wuxuu aqoonsanayaa waaya-aragnimada, qalabka ay gacanta ku hayaan iyo daacadnimada ay muujiyeen awgeed in Guddiga GOB ay noqdaan “Hey’adda Horumarinta iyo Dhismaha Waddooyinka Galmudug”.
Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka u dhashay beesha Habargidir iyo samafalayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dhammaystirka dhismaha wadadaas iyo waddooyinka kale ee ay gacanta ku hayso hey’adda maxalliga ah ee GOB. Sidaas oo kale, Dowladda FS iyo dowlad-goboleedka Galmudug waxaan ugu baaqaynaa in gacan ka gaystaan dhammaystirka wadadaas.
MAHADNAQ
Guddiga farsamada iyo dhammaan ka-soo-qeybgaleyaasha Shirka Nabadda Hobyo waxay mahadnaq ballaaran u soo jeedinayaan:
B. Shacabka reer Hobyo oo kaalinta kowaad ka qaatay habsami u-socodsiinta iyo martigelinta Shirka Nabadda Hobyo.
T. Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo nagu dhiirrigeliyay in shirkaan qabsoomo, nooguna soo duceeyay in uu guuleysto.
J. Waxaan u mahadnaqaynaa guud ahaan ergada iyo martida Shirka Nabadda Hobyo oo dulqaad badan u muujiyay duruufaha ay muteen muddadii shirkaani socday.
X. Sida oo kale, waxaan Beesha Caalamka uga mahadnaqaynaa niyad wanaagga ay u muujiyeen Shirweynaha Hobyo ee billaabay in beeluhu dhexdooda ka soo heshiiyaan iyaga oo dhan kasta isku tashanaya, taasina waxay tahay waddada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku gaari karaan nabad waarta.
KH. Beelweynta Habargidir ee shirka Nabadda Hobyo isugu timid waxey si aan kala har laheyn ugu mahadcelinayaan Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo wafdigiisa ka soo socdaalay deegaanno ku yaalla Somaliland si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadda Hobyo.
GUNAANAD
Gebagebadii, Shirweynaha Nabadda ee Hobyo wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo dhab-u-heshiisiinta bulshada iyo is-cafin ku timaada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyada oo loo midoobayo cadowga muuqda iyo midka dahsoon ee aan oggoleyn in Ummadda Soomaaliyeed hore u socoto kuna naallooto Qarannimo waarta. Qarannimo ayaa na deeqda waana midda kaliya ee aan ku gaari karno dhammaan himilooyinkeenna ku aaddan nabadeynta iyo dimoqraaddiyadeynta Dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed.
Cali Max’ed Gaaboow
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
0 notes
tayosamenews · 7 years ago
Video
youtube
#Ra’iisul Wasaaraha #JFS ayaa soo xiray #Shirwaynaha 3 aad ee #madasha #Hoggaanka #Dhallinyarada Muqdisho (Tayosame News) Raysal WasaarahaJFS ayaa soo xidhay shirweynaha 3aad ee hoggaanka dhalinyarada isagoo halkaasina ka jeediyay khudbad dhiiri galisay dhalinyarada. Hoos ka daawo Muuqaalka
0 notes
warganenews · 6 years ago
Photo
Tumblr media
#Somaliland: Khudbadii #Madaxweyne #Muuse_Biixi Ka Jeediyey Xidhitaankii Wejiga Kowaad Ee #Shaqo_Qaran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa waxaanu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha,
0 notes
codkasomaliland · 8 years ago
Text
Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti
#Wasiirkii Hore Ee #Wasaaradda #Ciyaaraha Somaliland Oo #Maanta Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti
Alle ha u naxariistii waxa Maanta gelinkii hore Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ku Geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdillaahi Faarax Maydhane.
Marxuumka oo Safar Caafimaad ku tagay Magaalada Jabuuti, ayaa Saaka Xaqu u yimid oo Geeriyooday.
Marxuumka oo xilka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland laga qaaday 4-dii bishii…
View On WordPress
0 notes
africazilla · 4 years ago
Text
Xasan Sheekh: Waa la iibsaday Dhalinyaradii Ereeteriya loo qaaday

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan, isagoo sheegay in arin aan la aqbali karin ay tahay ayadoo QM xaqiijisay jiritaanka arintaasi hooyooyinka Soomaaliyeed ee wadooyinka Muqdisho ku barooranaya uu hogaanka waqtigu ka dhamaaday iska indho tiro.
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
fahadjoy · 4 years ago
Text
👉Jaceylka, Diinta, Waddaniyadda iyo Qabyaaladduba waa dareemmo ruuxi ah oo jiheeya hab fikirka qofka aadanaha ah.
👉Waxa saxan ayaa mar kasta ka muhiimsan cidda saxan.
👉Barako ayaa u sugnaatay bahda jacaylka isku hantay.
👉Haddii aad samafal sameyso dadka qaar waxay kugu tuhmidoonaan iney waxyaabo kale kugu riixayaan, arrintaasi yaaney ku saameyn, markasta samafalka wad oo ha joojin.
👉Aargoosiga waa mid kamid ah, muuqalada daciifka ah.
👉Hadii macaadinta iyo shidaalku yihiin qeyraadka dhulka hoostiisa laga helo ubadkuna waa qeyraadka dhulka korkiisa laga helo.
👉Dhaqan Kaaga Oo Suuban Adigoon Hadlin Buu Kuu Hadlaaa.
👉Haraadin qof waji quruxsan leh, balse raadi qof qalbi wanagsan leh,
👉Maxaa yeelay wax walboo kula qurxoon mawanaagsana, balse wax walboo wanagsan wey qurxoonyihin.
👉Sida aad doonto u qurux-badnow, haddii ay dadnimadaadu arag xuntahay waa aad arag xuntahay.
👉Sababta raggu dhulka iskugu haysto waa in iyaga laga abuuray. Dumarkuna sababta ay ragga iskugu haystaan waa in jirka ragga laga abuuray.
👉Waliga haku qoslin xaaskaga choiceskeeda, Sababtana waxee tahay adaaba ka mid ah choices kaas.
👉Daacadnimada iyo runta waxaa laga yaabaa inaad ku kasbanin dad badan, laakiin waxay ku siin doonaan dadka ugu wanaagsan inkasta oo ay yar yihiin.
👉Talo xumo abaar ka daran.
👉Kuma Khasbanid Inaad Qof Walba Ka Farxiso Waxaase Waajib kugu ah inaadan Qofna dhibin.
👉Dadka qaar waxay noloshaada u noqdaan nicmo kugusoo korortay oo kale, dadka qaarna cashar ayay noloshaada u noqdaan Nimcada ilaasho, casharkana wax ka baro.
👉Indhaha ayaa laga dhergaa ee caloosha ma ahan, nafsadda ayaa hodan laga noqdaa ee jeebka ma ahan, quruxduna waa ruuxda ee ma ahan isteelka.
👉Guurku waa heer uu ninka dhallinyarada ah ka gudbayo inuu ubax soo iibiyo isaga oo u gudbaya inuu toos u soo iibiyo yaanyo.
👉Hanashada qofka waxey ku xiran tahay hadba sida u qofka ku daneynaayo
Qofaan ku rabin ma hanan kartid wax walbo aad sameysaa.
0 notes