Tumgik
#Boos Mire Maxamed
saxafimedianetwork · 6 years
Text
Xukuumadda Somaliland Sidee Ayay U Aragtaa Shir Beeleedka Buurta Gacan Libaax?
Xukuumadda Somaliland Sidee Ayay U Aragtaa Shir Beeleedka Buurta Gacan Libaax?
(more…)
View On WordPress
1 note · View note
xogsidemedia · 3 years
Text
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo kulan la yeeshay guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamada rogadka Somaliland.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamada rogadka Somaliland iyo xubno kale oo weheliya. Kulankaasi ayaa laga hadlay sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba sanad kasta loogu qaban lahaa tartan iyadoo madashaasi ay kasoo qayb galeen xubno ka socday ururada Naafada. Cabdiraxiin Sheekh Cali guddoomiyaha…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
warganenews · 5 years
Text
Somaliland: Wasiiro Ka Hadlay Xaalada Ceel-Afweyn
#Somaliland: #Wasiiro Ka Hadlay Xaalada #Ceel_Afweyn
Wasiiro ka tirsan Xukuumada madaxweyne Biixi ayaa dhaliilo u soo jeediyay cid kasta oo ka hortimid xaaladii deg dega ahayd ee Sanaag lagu soo rogay taas oo ay ku tilmaameen wadadii wax lagaga qaban lahaa dagaalka Ceel-afweyn ee soo laabanaaya kolba mar.
Wasiirka ciyaaraha oo uu waheliyo wasiirka golayaasha iyo dastuurka ayaa si adag dagaalkaas uga hadlay, wasiirka ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo…
View On WordPress
0 notes
berberanews · 6 years
Text
Ceerigaabo:26/11/2018(Berberanews)-Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka.
  Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, ayaa maanta madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca beerta xorriyadda ee Nuura, halkaas oo hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah looga jeediyey shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa.
   Ugu horrayn maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo la hadlay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa ku dheeraaday taariikhda mugga weyn ee gobolka Sanaag, madaxweynahana  gobolka kusoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gurigii Aabbeyaasha, awooweyaasha, ayeeyooyinka iyo Hooyooyinka, kusoo dhawow gobolkii khayraadka, faleenka iyo xabbagta, badda iyo buuraha, beeraha iyo xoolaha, macdanta iyo dahabka, waa gobol barayksan oo wixii Afsoomaaliga ku hadla intooda ugu badani ka tafiirmeen.”
  Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane  Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa isaguna shacabka ku dhaqan soo dhaweynta ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu bulshada gobolka Sanaag ku boorriyey inay nabad-gelyada iyo wada-jirkooda si gaar ah awoodda u saaraan.
  Salaadiin iyo madax-dhaqameed reer Ceerigaabo ah oo uu kamid yahay Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Ceerigaabo uga mahadceliyey soo dhaweynta laxaadka leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen, isaga oo madaxweynaha ku bogaadiyey socdaalkiisa uu ugu kuurgeliyo xaaladda guud dalka iyo deegaannada ka baxsan caasimadda Hargeysa.
  Wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, Gaashaandhigga,  Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Cali Gaafaadhi iyo Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhammaantood la hadlay shacabka reer Ceerigaabo, ayaa bulshada ku bogaadiyey sida midnimada iyo isku-duubnida leh ee ay madaxweynaha qaranka usoo dhaweeyeen.
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad mahadnaq, waano iyo waxsheeg isugu jirta u jeediyey bulsho-weynta reer Ceerigaabo ee soo dhaweysay, ayaa ugu horrayn shacabka ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu soo dhaweyntan ku tilmaamay mid cadowga Somaliland ka nixinaysa, waxana uu yidhi, “Reer Ceerigaabow dhibtaas iyo hawshaas iyo soo jeedkaas waxad u gasheen qaran-nimada, madaxweynuhuna waa qof, laakiin sharaftii qaranka ayuu huwan yahay, taasaana soo dhaweyseen, taasina waxay muujinaysaa kalgacaylka aad u qabtaan qarankiinna iyo walaaltinimada aad u haysaan, dalkiisa iyo dadkiinna oo dhan, waxana aad muujiseen milgaha uu qarankiinnu idinku leeyahay, farriintiinnuna qaranka Somaliland oo dhanna way ka farxinaysaa, cadowga Somaliland oo dhanna way ka nixinaysaa.”
  Madaxweynuhu waxa uu sheegay in gobolka Sanaag yahay goob ay kasoo jeedaan ummad badan oo Afsoomaali ku hadashaa, isla markaana ay goob istaraatiiji ah ku taallo, isaga oo farriin nabadeed u diray bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag,, “Sanaag waa meeshii laga soo farcamay, waana meel cid waliba deggen tahay, waxana ay noqonaysaa tii Soomaali oo dhan isku xidhaysay, ganacsi ahaan iyo dhaqan ahaanba, maanta farriintaydu waa nabad, waa walaaltinimo, waa horumar, waa wax-wada-qabsi iyo khilaafkeenna oo aynnu si salmi ah u xallino, dadka Ceerigaabo eedaynayana ee wax dheeraad ah baa ka jira lehna waa beentii, gobol walba khilaaf waa ka jira, gobol walbana qabaa’il wuu ku jiraa, wax u dheeraad ah oo Sanaag lagu canaanan karaana ma jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xusay in gobolka Sanaag uu yahay halkii Somaliland laga soo bilaabay, islamarkaana ay Somaliland muddadii ay jirto horumar badan samaysay, isaga oo farriin cadna u diray Soomaaliya, waxana uu yidhi, “Somaliland madax-dhaqameedku iyagaa Sanaag ka bilaaby, shirkii ugu horreeyey ee nabadaynta Somaliland ee 1991-kii, halkanaa (Sanaag) laga bilaabay ilaa iyo Boorama-na wuu socday, haddaannu Somaliland nahayna tani way dhisantay oo wax badan bay qabsatay, gudaheediina way hagaajisatay, inta ka dhimmanna way hagaajisanaysaa, qolada Koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jireyna waxan leeyahay annagiina na dhibte oo maalin walba qas iyo dhibaato ayaad nala ag-joogtaan annaguna nabad iyo wanaag baannu wadnaa.”
  Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay Ceerigaabo iyo qaabkii soo dhawayntiisa Ceerigaabo:26/11/2018(Berberanews)-Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka.
0 notes
saxafimedianetwork · 7 years
Text
Hargeysa, Somaliland, March 13, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa  maanta safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo madaxweynaha u fidiyey marti-qaad rasmi ah una soo diray diyaarad khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan,  Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo  ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inay weftigu marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadalladiisii kamid ahaa, “Waxa dalka ka amba-baxay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay u socdaan dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo casuumad rasmi ah ka helay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa nala socda guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah  ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.”
This slideshow requires JavaScript.
Wasiirku waxa uu si gaar ah uga faah-faahin uga bixiyey waxyaabaha weftiga u qorshaysan inta ay ku sugan yihiin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray inay wefti ahaan ku rajo weyn yihiin inay natiijo la taaban karo halkaas kala soo hoyan doonaan, “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay muddo maalmo ah halkaas ku maqnaadaan, waxaana muddada ay dalkaas ku sugan yihiin u qorshaysan  inay kulamo la qaataan madaxda kala duwan ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Wa- Bilaahi Tawfiiq
Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Imaaraadka Carabta Hargeysa, Somaliland, March 13, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa  maanta safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo madaxweynaha u fidiyey marti-qaad rasmi ah una soo diray diyaarad khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.
0 notes