Tumgik
#maahmaah
beerlula-00 · 1 year
Text
Maahmaah - Proverb
Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara.
“The tongue is equivalent to the dagger that takes away life itself”
- Salaan Carrabay
@ig Qudhac_
3 notes · View notes
mdalnajashii · 10 months
Text
Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa
maahmaah somali ah
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 3 years
Text
Daanyeerkuba Biyaha Gacmihiisa ayuu kaga dhergaa ee maxaa innaga horjooga?
Daanyeerkuba Biyaha Gacmihiisa ayuu kaga dhergaa ee maxaa innaga horjooga?
Faalo: Xuseen Cali NuurMaahmaahdani waxay muujinaysaa ahmiyadda ay leedahay in qofku ku kalsoonaado waxa uu ILAAHA  Weyni ku manaystay oo uu siiyey. Waxay ina baraysaa in aan loo hanqal taagin wax aanad lahayn. Maahmaahdani waxa sii xoojinaya maahmaah Carbeed oo macnaheedu yahay  in toob la soo ergistay aannu cawro qarinnayn.Labadan maahmaahood waa kuwo xilligan u baahan in aan fiiro gaar ah…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
tayosamenews · 6 years
Text
Xasuuqa Iyo Dhulboobka Oromadu Ku Hayso Soomaalida Ethiopia Ayaa Ka Danbeeyeen ?
#Xasuuqa Iyo #Dhulboobka #Oromadu #Ku #Hayso #Soomaalida #Ethiopia #Ayaa #Ka Danbeeyeen ?
Ethiopia (Tayosame News)  Maanta waxay wadaan magaalada jigjiga sidii looga dhigi lahaa ismaamul magaalo sidii ay horebe ugu guuleysteen
Maahmaah soomaliyeed ayaa ahayd. .abeyso dhul u eki bay kugu dishaa. …JAARSONA soomaali u eki bay kugu dishaa …
Dadkii hore ee soomaliyeed waxay ahaayeen dad aan loo gaban karin oo ogaa qiimaha dhulku leeyahay.
Aadanaha jiritaankiisa iyo karaamadiisuna ku…
View On WordPress
0 notes
mrmoeadams · 7 years
Text
Geedaha iyo Haadda Cabdalla iyo Cawaale The largest online collection of Somali poetry Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu u rakiban yahay, xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale. Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara duruufaha geyiga Soomaaliyeed. Maroodi ilaa Hangaraarac inta u dhaxaysa noocii la doonaba wuxuu ahaa hortaa ka gal. Maahmaahaha, gabayada, dhaantada, heesaha, googaalaysiga, caraatanka iyo noocyo badan oo kale oo murti, madadaalo, iyo maamuus dhaqameed kale leh ayaa lagu qotomiyaa bii’ada iyo noolaha la falgala. Tusaale ahaan bal Maroodiga iyo Hangaraaraca aan xusnay aan midba maahmaah macno weyn oo ka mid ah kuwa ugu caansan maahmaahaha Soomaaliyeed ka soo qaadano. Waxay yidhaahdaan ”Maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa.” Waxay Soomaalidu maahmaahdaa isticmaashaa marka nin ceebtiisu dacyaal tahay uu qof kale mid ka muuqata farta ku fiiqo. Maroodi iyo takar bal farqiga u dhaxeeya day! Bal eeg cibbaarada ku dheehan maahmaahda iyo xikmadda Af-Soomaaligu leeyahay ee laga dheegan karo Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan waa kii isagoo maahmaahdaa qalbiga ku haya gabayga mariyey beydkan aan is idhi beyd la miisaan ah gabayga hor iyo dib toona wuu ku yaryahay. Intuu maahmaahdii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo qaaday: - Takartaa maroodiga liqday yaan, soo tuf leeyahayee Waa Beyd takhayulka iyo gundheerida ku jirtaa caajis galiso maskaxda beyd-gaabka, damac iyo jamashana ku riddo maskaxda hal-abuurka yaqaana gabayga iyo godadkiisa. Xusuuso in abwaanka maahirka ahi mar walba arki og yahay beydka qotada dheer isla marka uu arkana uu qiro macnaha beydka siddii Sayid Maxamed Cabdille Xasanba u jantay beydkii laga soo wariyey Nuur Jiir Ibraahin ee ahaa: - Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah Waxaa la wariyey in Sayid Maxamed yidhi haddii Nuur Jiir maanta noolaan lahaa, oo intuusan odhan beydkaa fursad aan kaga gato heli lahaa 100 halaad iyo baarqabkoodii iyo 100 farasba waan u huri lahaa. Ha layaabin gacan furnaanta Sayidka maxaa yeelay deeqsi wuxuu ahaa gacantiisa bidix aanay ogaanin waxa ta midig bixinayso siduu isaguba isu sifeeyey; wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone. Wuxuu kaloo ahaa siyaasi hal-murtiyeedka oo dhan in loo tiiriyo isagana laga wariyo jeclaa. Mar kale ayuu Macallinkii Abwaanadu awoodiisa halabuur si’aan aad u jeclaystay ugu muujiyey beydadkan aad ka dhadhansan karto ”Isa Seegga Hummaag” nooca loo yaqaano ee halabuuraha luxdani ku tuso iska-hor-imaadka ama kaafka iyo kala dheerida u dhexeeya laba shay tabartood ama taagtood si uu tusaale u siiyo dadka markaa dhagaysanaya. Waa Maroodi Cadhoole ah oo gaajooday dabadeed damcay inuu isagoon jiifka ka kicin daaqo, laacayna geed hamash ah oo caleen badani kasoo laalaado oo uu hoos galabeedkiisa jiifay. Geedkaas oo ka baxay badhtamaha xidhkii caanka ahaa ee Way Tol’ay. Wuxuu laxaad iyo itaal lahaa iyo wixii gaajo haysay wuu ka quustay mar qudha inuu hiigo laamihii hodanka ku ahaa caleenta curdanka ah. Inuu sarjoogsado oo uu qummaati u gaadhana wuu ka wahsaday. Isagoo dhareerinaya ayuu saa u jaleecay dabadeed hunguri-juqjuqay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”geed walba in gubtaa hoos taala.” Hangarale ay Hangaraaraca isku bah yihiin ayaa isna heeladkaa ka dhawaa waxaana sida Maroodiga haysay gaajo xun. Geedkii uu ka quustay ninkii duurjoogta ugu shin-u-dhaladsanaa ayuu Hangaralihii hamiyey inuu laan rudho isagoo waliba axmaqnimo ku tuhmaya Maroodiga. Wuu hanqaloocsaday saa wuu gaadhi waayey. War ha la i badhi-gantaalo ayuu yidhi saa wixii xammaarato aaga joogay ayaa isugu yimid oo baaciyey saa wuu gaadhi waayey. Habas is yar qolofodhinaya oo markaa isaga la weynaa oo wuxuu arkay dhinacaa taagan, war Habas bal isku day adigu? Habasna kac oo boodyoo inuu geedkii saro wuu ka quustay. Sheekada noocaa ah ee aanan cadli u samayn karin haddii aan tiraab ku gudbi is idhaahdo ayuu Macallinku afar beyd oo gaaban laakiin gabay dheer ku abtirsada kusoo gudbiyey. Bal akhri oo yaadan fajicin balaaqada ku jirta. - Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa - Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye - Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye - Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene Dhaqanka iyo asluubta ayuu inagu dhansiinayaa macanaha hodanka ah ee Af-Soomaaliga siduu isaguba sheegay. Maahmaahda labaad ee khusaysa hangaraaraca waa "Hangaraarac lug uma dhutiyo." Hangaraarucu wuuna fudud yahay oo laf iyo jiidh midna ma laha, wuuna lugo badan yahay hase ahaatee lugahaasi aad ayey u jilicsan yihiin oo way dhib yartahay inay kolba mid ama labo ka go’do. Lugtii dhacdaa waxay Soomaalidu ku qiyaastay inuusan waxba u noqonaynin markaa ayey maahmaahdaa kala soo baxeen. Waxaa maahmaahdan la isticmaalaa marka qofku waxyeelo gaadhay yaraynayo si uu uga soo qaado inaan intaasi waxba yeelaynin inuu kasoo kabtana aysan waqti dheer ku qaadan doonin. Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin. Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi jiray isla godankaas. Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay dhulal kale, geedaha qaarkoodna nabaadguureen oo aysan haatan ka bixin dhulkii: Haadda Abooto Yaxaas Babow Balanboolo Baqalyo Bogcad Boqonloow Boor lab Buli Ciiro Cirsankayeedh Ciyoow Curcuri Daadwad Daa'uus Digiiran Diridiri Dhawdhawley Dhigloow Dhulwas Durdur Faadumo lo'ley Fiin Fiidmeer. Gabiyahandhoore Gablay Galaydh Gili Gilingil Gorgor Goroyo Guumays Guuguule Haad Geel Haawaycad Haawaymadoow Habas Haray Haraydhalacad Hilaac Horog Tuke Tunbuli Uurarweyn Himili Hud-Hud Huluq Jirri Juglay Kabaray Khayre Kooragu Kuraykanixis Mandad Odaygeedgal Qanbaroow Qolay Qudun-quuto Qunbulaa Xidinxiito Xusgal Xuunsho Yaryareey Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda qofkaasi ama waxaasi waa ama wuxuu noqday ”haad geed waayey.” Haaddu markay samadda ku daasho goorada ugu horaysa ee ay cagodhigato si ay u xuurtirato waxaa weeye geed korkii. Haddii haaddu geed weydo in kasta oo ay dhulka degi karto haddana waxaa la qiyaasay inaysan si fiican u nasan karin, maxaa yeelay cadowgeeda ayaa si dhib yar uga il-heli kara oo si gaadmo ah u kala goyn kara. Markiise ay geedka fiintiisa kore kasoo cakoodiso Malakumawt waa halkiisee waxay u badan tahay inaan si kadiso ah loo dhagrin. Qofkii ay talo ku ciirto, arxan iyo ciirsibana waaya, inta baddanna lagu tuhmayo in isagu saa isagu wacan yahay ayaa waxaa la yidhaahdaa wuxuu noqday haad geed waayey. Xikmadda Macallinka ayeynu ku iidaamanaynaa qoraalka ee isagoo dhiirigalinaya Soomaali, dhaqan xumo badan oo faaftayna la diriraya waa kii gabaygiisa cajiibka ah ee Xulub Socod la baxay ku lahaa: - Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey - Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah - Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye - Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho - Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe! Haddaba si aynu haadda u dajino, ninkaa xirfadda iyo garaadka is biday, xeebihii dhulkiisa iyo geedihiisiina aan kala aqoonin hasse yeeshee inuu taliyo oo wax xukumo uun doonaya aynaan ugu sifoobin bal aynu geedihii intii aan ka xusuusano taxno barshadoodana waqti ku bixino: Geedaha Ashacad Argeeg Askax Baar Baaxuur Babaay Badhi-booto Bal Balanbaal Barde Barkin Dhurwaa Baxar Saaf Beeru u eke Beeyo Biile Bilcil Bisiq Booco Booga Dhaye Bugle Buhood Bun Cadaad Caday Cagaar Canbe Canjeel Carmo Cayo Ciid Ciin Cilal Dacar Dal Damanyuluq Dano Dareemo Dhafaruur Dhagmaanyo Dhamas Dhammaajo Dharkayn Dhay Dhebi Dheen Dhidin Dhigri Dhiigsaar Dhikil Dhirindhir Dhunkaal Dhurbo Dhuundhas Dhuur Dhuuse ure Dhuyac Digir Dixi Doofaarqod Doonbir Duur Faramog Gaad Gabaldaye Gabro Gacandhi Gahaydh Galiile Galool Gasaangas Gawlale Garawle Geed Harag Geed-hindi Gob Gogobe Gomashe Goosay Gubtaanyo Gumar Gumre Hadi Handhurwaa Hareeri Higlo Himir Hohob Ilgeesh Ilko Caddeeye Iriir Jadeer Jaad Jaleefan Jaleelo Jarmi Jeerin Jiic Jillab Kabxan Kariir Labi Liin Liin dhanaan Like Maadh Madaxbuq Madheedh Madheedh Qoox Majabe Malmal Mandooye Maraa Marmar Mawe Mayay Maxaansugaa May Subag Maygaag Midhafur Mirdhis Mirimiri Moos Ontor Qabo Qadow Qalaanqal Qalfoon Qansax Qarari Qare Qare Dameeraad Qaydar Qudhac Qundho Raqay Ridhmo Sabansabdho Salaalmaco Sarin Sarmaan Sarmaanyo Siiq Tawaad Timir Tincad Tiin Tukelalmis Uneexo Urundhi Wacanri Wadhi Washaaqaar Xagar Xajiin Xamakoow Xamudh Xangeeyo Xankookib Xaskul Ximre Xoday Xule Xumboox Yaanyo Yaaq Yamaarug Yicib Yucub Geedaha laga midhaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan) Ashacad Askax Bacalol Bacaroor Carmo Ciid Dhaboobo Dhafaruur Garas Gomashe Goosay Himir Hohob Ilgeesh Jinow/caleenta Madheedh Maygaag Qaranri/afbuq. Tukalalmis Uneexo Wancari Xajiin Yicib Geedaha badhidooda la cuno (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan) Cilal Coodan Dabanyuluq Dhidin Doonbir Faramog Like Mandooye Tindhad Xamakow Geedaha laga xabkaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan) Cadaad Gabro Gumar Jaleefan Jeerin Maraa Sarmaan Waadhi Geedaha xabagta lagato leh (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan) Beeyo Caadaded Cadaad dhidin Foox Hadi Malmal Midhafur Xabag Hadi Waxaanu aragnay inaan aad looga hadal geedaha iyo haadda oo aynan ka helin qeybta ay ka mudan yihiin dhaqan uruuriyaasha Soomaaliyeed, ama Internetka ha ahaato ama buuggaagta ha ahaato ee. Waxaa kaloon aragnay jiilal dhan oo dhawaan soo kacay oo ay ka madowdahay aqoonta bii’adu. Waxaa dhacday, maalin maalmaha ka mid ah inaan nin saaxiibkay ah ku booqday gurigiisii. Kuray xaafadda joogay ayaan siday ku timid garanmahayo ee waxaan weydiinay inuu geel yaqaano iyo in kale. "Haah geel waa akhaanaa" ayuu si dhiiranaani ku jirto ugu jawaabay. Oo muxuu yahay ayaanu weydiinay. "Geel bahal waaye nooh" ayuu nagaga naxsaday. Waa la qoslay. Annagoo yarkii wali ku maadsanayna ayaa waxaa aqalkii aan fadhinay soo galay mid isaga ka weyn oo walaalkii ah. Waryaa, geel ma taqaanaa adigu, ayaan ula degdegnay isagiina? "Haa geel waa akhaanaa nooh" ayuu noogu jawaabay isna isagoon hadalka inna ku hakanin. Waa maxay geel? "Caanahaa laga shubtaa nooh" ayuu isna ku jawaabay! Ma hadal baa yaala! Waa lagu kala dhaqaaqay. Waxaan is leenahay jiilka nooca ah iyo dad kale oo badan ayaa ka faa’iidaysan doona qoraalkan aan cilmiyeysnayn ee sida butuluqsiga ah usoo dhex qaaday bii’adii dhulkeena. Wixii aanu khaladnay waa la sixi karaa kuwa aanu ka tagnayna adiguba waad taqaanaa ee soo dir. Waxaanu hubnaa in deegaanada Soomaaliyeed geedaha ama haadda qaarkood magacyo kala duwan loo yaqaano, sidaa daraadeed ha la yaabin haddii aad magacyada qaarkood markiiba soo dhufan weydo. Geedaha iyo haadda degaankaad ka timid laga helo ama laga yaqaano noo soo dir si aan dhamaan u helno intii suuragal ah. Cabdullaahi Cabdi Cabbaas & Cawaale Xuseen Cabdi [email protected]
0 notes
saxafimedianetwork · 8 years
Text
 “Haddii aad Qof Siiso Xabad Kalluun Ah Maalin Keliya Ayey Quudinaysaa, Haddiise Aad Barto Sida Loo Kalluumaysto Waxaad Quudisay Noloshiisa Oo Dhan” Cabdillaahi Khaliif, Hay’adda Horumarinta Deeqaha Switzerland
Sheekh, Somaliland, March 1, 2017 (Saxafi) – Munaasibad ballaadhan oo qallin-jebin ahayd oo Isniintii toddobaadkan lagu qabtay Dugsiga Caafimaadka Xoolaha Sheekh ee uu urur-goboleedka IGAD maamulo ee ISTVS (Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Sheikh Technical Veterinary), ayaa lagu soo gebagabeeyay Tababar muddo saddex bilood ah dugsigaas ka socday oo ku saabsanaa aqoonta Xoolodhaqato-Beeraleyda oo ah in dadka xoolo-dhaqatada ahi waxna beeran karaan, halka kuwa beeralayda ahina ay xoolo dhaqan karaan.
Tababarkan ayaa qayb ka ah barnaamij ay iska-kaashadaan ururka goboleedka IGAD iyo hay’adda Cunta adduunka ee FAO oo ku saabsan ka hortaga abaaraha, kaas oo taageero loogu geysanayo xoolodhaqato-Beeraleyda Mandaqadda Geeska Afrika, isla markaana ay maalgelintiisa bixinayso hay’adda Iskaashiga Deeqaha ee dalka Swiss (SDC), iyadoo fulintiisa ay iska kaashadeen hay’adda FAO iyo urur-goboleedka IGAD.
Tababarkan oo loogu talo-galay inuu door muhiim ah ka qaato wax ka qabashada abaaraha soo noqnoqonaya ee mandaqadda Geeska Afrika oo uu ururka IGAD ku waajahayo dhibaatooyinka abaaraha ka dhasha ee gobolka, ayaa ahaa mid lagu horumarinayey aqoonta iyo xirfadda ardayda ka qayb-qaadatay, kuwaas oo loo tababaray inay iyaguna aqoontaas iyo xirfadaas u sii gudbiyaan bulshada ay ka socdeen, kuwaas oo sidoo kalena bulshada ku dhaqan deegaanada ku dhow dugsiga Sheekh (ISTVS) u gudbinayey aqoonta iyo xirfadda u adkaysiga Abaaraha, badbaadada cuntada iyo nafaqaynta.
Ardayda tababarkan dhammaysatay oo ka koobnayd 21 arday oo afar ka mid ahi gabdho ahaayeen, ayaa ka kala socday dalalka Somaliland, Ethiopia, Somalia iyo Kenya, waxaana ku talo-galku yahay in marka ay ku noqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen ay dadkooda ama dadka deegaanadaas ku dhaqan ay u sii gudbiyaan kuna tababaraan aqoontii iyo xirfadii kala duwanaa ee ay tababarkan ku qaateen, si bulshadaasi ay u yeelato adkaysi Abaaraha ku soo noqnoqonaya.
Munaasibadii qallinjebintooda ayaa waxaa ka qayb-galay wefti culus ka kala socday urur-goboleedka IGAD, hay’adda Qaramada Midoobey ee FAO, Hay’adda Isuduwida Deeqada dalka Switzerland (SDC), Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Deegaanada ay ardayda tababarku u dhammaaday ka socdeen, halkaas oo ay khudbadda isugu jiray dhiirigelin iyo dardaaran ay ugu jeediyeen ardayda qallinjebisay, iyagoo isla markaana halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyay 21 arday ee tababarku u dhammaaday.
Maamulaha Dugsiga ISTVS ee Sheekh, Mr. Fred Wesonga, oo furitaankii xafladaas hadal ka jeediyay ayaa u mahadnaqay Saraakiisha ka socotay IGAD, FAO, SDC iyo Xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in tababarkani wax badan ka bedeli doono bulshada ay ardaydani ka soo jeedaan ee ay dib ugula noqonayaan aqoontii iyo xirfadihii ay halkan ka barteen, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada u adkaysiga abaaraha iyo wax soo saarka dhinaca xoolodhaqato-Beerlayda.
Mr. Fred Wesonga ayaa sidoo kale waxa uu mahadnaqay ardayda tababarka dhammaysatay oo uu sheegay inay yihiin kuwo maanta wax ka bedeli kara bulshada ku dhaqan deegaanada ay metelayaan.
“Tababarkani wuxuu bilaabmay bishii November 2016, marka laga tago tababarida ardaydan, waxa kale oo tababarka ka mid ahaa hawl-galo ay ardaydan laftoodu aqoon iyo xirfadba ay ku siinayaan bulshada ku dhaqan deegaanka dugsiga ISTVS ku yaal ee Sheekh,” ayuu yidhi Fred Wesonga, Maamulaha Dugsiga ISTVS, isagoo sheegay inuu aad u soo dhawaynayo wufuudda ka socotay IGAD, FAO iyo SDC oo uu ku ammaanay tababarkan muniimka u ah bulshada gobolka.
 Ms. Caroline Kirungu oo ka socotay urur-goboleedka IGAD, isla markaana ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Mashriicda dhinaca horumarinta xoolo-dhaqatada iyo Beeraleyda ee IGAD, oo munaasibadaas ka hadashay ayaa sheegtay in maalintani tahay maalin muhiim ah maadaama ay qallinjebinayaan dufcaddii ugu horeysay ee qaadatay tababarkan “Agro-Pastoral Field School Master Training course”, waxaanay xustay inay IGAD ahaan aad ugu faraxsan yihiin, maadaama ururkoodu awoodda saarayo inay dadka gobolkan dega gacan ka siiyaan sidii ay adkaysi ugu yeelan lahaayeen abaaraha, waxaanay dardaaran u jeediyay ardayda tababarka dhamaysatay.
“Waxaan ardayda qallinjebisay ku codsanayaa inay Safiiro u noqdaan Barnaamijkan bulshada lagaga caawinayo u adkaysiga abaaraha oo qorshuhu yahay inuu socdo muddo shan sanadood ah. Waxaan farxad ii ah inaan wax yar ka hor idinka maqlo in aydaan hadda ahayn kuwii la tababarayey, balse aad tihiin tababarayaashii, waana ii farxad inaad durba ogtihiin masuuliyadda idin fuushay oo ah in bulshadiina marka aad dib ugu noqotaan wixii aad halkan ku barateen u gudbisan, kuna hoggaamin doontaan mustaqbal fiican,” ayey tidhi Ms. Caroline Kirungu, iyadoo u mahadnaqday ardayda qallinjebisay iyo macalimiintii tababarka siinaysay muddadaas saddexda bilood ah.
Sidoo kale, Dr. Deborah Duveskog, oo ah Sarkaalka dhinaca Beeraha heer gobol u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in ay goob-joog ka noqoto midho-dhalka mashruuc ay xustay in laba sannadood ka hor markii la qorshaynayey aan loo hayn wax dhaqaale ah, balse maanta la helay dadkii doorka muhiimka ah ka qaadan lahaa.
This slideshow requires JavaScript.
Waxa kale oo ay Dr. Deborah sheegtay in aqoonta iyo xirfadda ay ardaydani qaateen ay tahay mid suurta-gelinaysa inay wax-soo-saar dhinaca cuntada ah, iyadoo xustay in shaqada ay hay’adda FAO u xilsaaran tahay ay tahay badbaadada cuntada iyo la-dagaalanka gaajada, sidaas darteedna uu tababarkani yahay mid taas wax weyn ka taraya “Aqoonta iyo xirfadda aad qaadateen runtii waa mid cuntada miiska soo saaraya, isla markaana suura-gelinaya adkaysi loo yeesho abaaraha” ayey tidhi Dr. Deborah.
Cabdillaahi Khaliif oo Khabiir ku ah badbaadada Cuntada, isla markaana La-taliye Sare u ah hay’adda Deeqaha Caalamiga ah ee dalka Switzerland (SDC),oo isna halkaas ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu barnaamijkani ka yahay u adkaysiga Abaaraha ee mandaqadda Geeska Afrika, waxaanu barnaamijkan ku tilmaamay mid yaraynaya macluushii muddooyin badan ku soo noqnoqotay mandaqaddan, isla markaana uu noqon doono hab cusub oo lagaga gaashaaman karo saameynta ay abaaruhu ku yeelan jireen gobolka.
“Haddii aad xusuusan tihiin macluushii ama abaarihii ka dhacay mandaqadda Geeska Afrika gaar ahaan Somalia sannadihii 2010, 2011 iyo 2012, waxay dawladda Switzerland go’aansatay in si ka duwan sidii wax looga qaban jiray ee ahayd in inta barnaamij meel laga qabto, kadibna layskaga tago oo aanu wax raad-raac ah ama dabagal ah aanu yeelanin, in taas laga fiican yahay, waxaanay taasi khasabtay inaanu ku fikirno wax ka duwan waxyaabihii la qaban jiray, oo ah in bulshooyinka toos loola shaqeeyo, oo da’yarta ka imanaysaa bulshooyinkaas in loo tababaro inay la shaqeeyaan bulshooyinkooda, si maxsuulka soo baxaa uu u noqdo bal sidii dadkani uga bixi lahaa ku-tiirsanaanta kaalmo-maalmeed, oo ay tani wax ugu noqoto dadka bulshadaas ka imanaya. Taasina waxay sababaysaa in sidii wax loo qaban jiray si ka duwan loo qabto,” ayuu yidhi Cabdillaahi Khaliif oo ka socday dawladda Switzerland oo maalgelisa mashruuca tababarkani ka midka yahay.
Waxa kale oo uu Cabdillaahi Khaliif ka hadlay tababarada noocan ah ee ay ardayda qallinjebisay ahayd tii ugu horeysay ee dhamaysata, isagoo sheegay in haddii ay noqdaan kuwo midho-dhal ah oo faa’iidadooda laga dareemo bulshooyinkii ay ka yimaadeen kooxda tababarka dhamaysatay inay suurta-gal noqoto in la sii waddo, waxaanu yidhi: “Tababarada aanu fulinayno haddii ay yihiin kuwo ku noqonaya bulshooyinkii ay ka yimaadeen oo maxsuulkoodana laga dareemayo bulshadii dadkan loo tababaray ka yimaadeen, waxay noqonaysaa fikrad fiican ama lagu guulaystay, waxaanay suurto-gelin doontaa inaanu sii wadno.”
“Maahmaah Shiine ah ayaa waxay tidhaahdaa haddi aad qof siiso xabad Kalluun ah, waxaad quudisay maalin keliya,, laakiin haddii aad qof barto sida loo kalluumaysto waxaad quudisay noloshiisa oo dhan. Markaa waxaan rajaynayaa in Barnaamijkani ku barayo sidii aad u kaluumaysan lahayd, taas oo keenaysa inaad mustaqbalkaagii gacmahaaga ku qaadato oo aanad sugin in dad kale intay kuu yimaadaan ku quudiyaan. Haddii aan hadda eegay kooxdiinan tababarka qaadatay, waxaan odhan karaa da’dii iyo wakhtigii ugu munaasibsanaa ayaad haysataan ee aad kaga faa’iidaysan lahaydeen” ayuu yidhi Cabdillaahi Khaliif.
Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha, Cali Maxamed Cilmi (Cali-Gadh-dheer) oo isaguna munaasibadaas soo gunaanaday, ayaa u mahadnaqay hay’adaha mashruucan suurta-geliyay iyo ardayda tababarka dhamaysatay, isagoo dhinaca kalena si gaar ah ugu mahadnaqay macalimiinta iyo maamulka dugsiga ISTVS ee Sheekh, waxaanu xusay in dugsigan iyo ardayda ka soo baxdaaba ay ahmiyad gaar ah wasaarad ahaan ugu fadhido iyo guud ahaan dalkaba maadaama xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay Arday ka mid ahaa ardaydii tababarka dhamaysatay, isla markaana Somaliland ka socday, kaas oo si aad ah ugu mahadnaqay macalimiintii tababarka siiyey, gaar Dr. Solomon oo uu ku tilmaamay mid u hagar baxay tababarkooda oo la’aantii aanay waxba u suurto-galeen, isagoo dhinaca kale u mahadnaqay hay’adaha maalgeliyey iyo kuwa fulinayeyba, waxaanu tilmaamay in aqoonta iyo xirfadda ay tababarkan ka heleen uu noqon doono mid ay bulshadooda wax ugu qaban doonaan oo wax muuqda ka bedeli doonta.
Nasiib Cawil Faarax oo ka mid ahayd afar gabdhood ee ka midka ahaa 21ka arday ee tababarkani u dhammaaday, ayaa Saxafi u sheegtay in tababarkan ay ku barteen aqoon wax ka tari doonta sidii ay bulshada abaaruhu ku dhaceen uga soo kaban lahaayeen, iyadoo Nasiib sheegtay in aqoonta ay qaateen bulshadii ay ka yimaadeen wax badan ka bedeli doonto noloshooda iyo awoodooda wax-soo-saar.
Mar ay ka hadlaysay Nasiib Cawil waxyaabihii ay tababarkan ku barteen, waxay tidhi: “Waxyaabaha aanu qaadanay waxa ka mid ahaa in Xoolaha dhul daaqsimeed loo sameeyo, in dadka quwadooda kor loo qaado xaga caafimaad ahaaneed, xaga beeraha in dhul badan la fasho si fiicanna loo diyaaro. Sidoo kale in la sameeyo keydiye cuntada lagu keydiyo, daaq la keydiyo, siidhadhka la keydiyo si abaaraha loogaga gudbi karo. Marka aanu bulshadayada ku noqono waxaanu u gudbin doonaa aqoonta iyo xirfadaas lana baray, sidii ay xoolahooda caafimaadkooda ugu dedaali lahaayeen, dhul bandanna loo beeran lahaa oo cuntadana loo keydsan lahaa.”
Geba-gebadii munaasibadaasna waxaa ardayda tababarka dhamaysatay la gudoonsiiyay shahaadooyin, iyadoo dhinaca kalena Dr. Deborah Duveskog madashaas ka sheegtay inay jirto abaalmarino la guddoonsiin doono ardaydaas oo ay barnaamijkaas ugu jirtay.
Waa markii ugu horeysay ee tababar noocan oo kale ah, laga fuliyo gobolka Geeska Afrika, iyadoo 21-ka Arday lagu tababaray sidii ay bulshada dalalka Somaliland, Ethiopia, Somalia iyo Kenya oo ay ka soo kala jeedaan ugu sii gudbin lahaayeen waxyaabihii ay muddada saddexda bilood ah barteen.
Arday Ka Kala Socotay Dalalka Geeska Afrika Oo Dugsiga Sheekh Ku Dhamaystay Tababar Ku Saabsan La Tacaalida Iyo U Adkaysiga Abaaraha  “Haddii aad Qof Siiso Xabad Kalluun Ah Maalin Keliya Ayey Quudinaysaa, Haddiise Aad Barto Sida Loo Kalluumaysto Waxaad Quudisay Noloshiisa Oo Dhan” Cabdillaahi Khaliif, Hay’adda Horumarinta Deeqaha Switzerland
0 notes
soumal · 7 years
Note
what does that line on your second title on your desktop blog mean? what language is it?
This : aaddane eed ma waayo ? It’s Somali and it means ‘humans are never without fault’ i.e. no-one’s perfect :)
3 notes · View notes
maantamag-blog · 10 years
Text
Somali been way shagtaa laakin been ma maahmaahdo
Tumblr media Tumblr media
This is the first of the Maahmaah Series aka Somali been way shagtaa laakin been ma maahmaahdo= Somalis lie, but dont lie in proverbs.
This piece is called Waari mayso warhakaa haro= You won't last so leave a legacy. It's a proverb my mom used say to me and my siblings. It was meant to instill in us that we are part of a greater legacy and we always have a part in contributing to it. 
This piece explores some of the impacts Somali women have had as arbiters of culture and history and on our greater understanding of  Somaalinimo and what that legacy holds. As caretakers and creators, somali women have been passing down maahmaah from generation to generation.
Wilo Geedi 
16 notes · View notes
beerlula-00 · 1 year
Text
Maahmaah - Proverb
Waari meyside war ha kaa haro
“You will not live forever, so leave a (good) legacy.”
5 notes · View notes
mdalnajashii · 10 months
Text
Saaxiibka xun waa sida kaneecada oo kale Ma dareemaysid ilaa qaniinyada ka dib.رفيق السوء مثل البعوض لا تحسّ به إلا بعد اللّسع.
maahmaah somali ah
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
xiskabeel · 11 years
Text
your fluency in a language is only as good as ur insults 
2 notes · View notes
intothelooking-glass · 11 years
Text
"Ninkii soo joog laga waayo soo jiif ayaa laga helaa" He who does not hear the word stop will hear the words lie down. (i.e. he who does not listen to warnings will get into trouble). LOL! My mom used to always tell me this growing up.
10 notes · View notes
aidrus · 11 years
Text
NIN XIL QAADAY EED QAAD.
1 note · View note
beerlula-00 · 1 year
Text
Maahmaah - Proverb
Haween la’aani waa hoy la’aan
“Where there is no women, there is no home”
2 notes · View notes
beerlula-00 · 1 year
Text
Maahmaah - Proverb
Haddaad taqaan bar, haddadaadan aqoon baro.
“If you know teach, If you don’t know learn.”
Cr @qudhac_
0 notes
beerlula-00 · 1 year
Text
Sariida Fardowsoo
Safkii Nebiga raacoo
Salaamo uga dhigan taa
In the pastures of Paradise:
may you be assigned to the Prophet's company
that's my salaam of parting.
- Cabdulqaadir Cabdi ‘Shube’
Translation - Maxamad Xasan ’Alto’
1 note · View note