#daraawiish
Explore tagged Tumblr posts
Text
Billao swords or in somali “billaawe” was used in the dervish movement in 1899 - 1920. It’s worn around the waist. The handel is usually made of buffalo horn and sheath is sheepskin.
0 notes
Text
This is Taleex castle; Home of the Dervish movement ( Daraawiishta).
Now located in the Taleex district of Sool, Somalia/ Somaliland.
The Somali Dervishes fought the colonial empires from 1899 to 1920. The British empire had to employ the use of aircraft in 1920 (still a novel invention at the time) to squash this resistance. Nomads riding horses armed with rifles and spears.
The Daraawiish were led by Sayid Mohamed Abdulla Hassan, nicknamed The Mad Mullah by the british press.
Many books were written about the Dervishes both by Somalis and Westerners.
Aerial survey by British aircrafts before the British campaign. Circa 1919.
Statues of the sayid (leader of daraawiish) right pic in Mogadishu and left in Jigjiga
Ruins of taleex castle, present day.
Tabloid news of the Sayid in 1908
#somali language#Somalia#somaliland#british colonial#dervish#daraawiish#africa#african tradition#east africa
24 notes
·
View notes
Text
Daawo Qasrigii Zayid M Cabdalla Xasan ee magalada Eyl
Daawo Qasrigii Zayid M Cabdalla Xasan ee magalada Eyl
Qasrigii zayidka eyl
youtube
View On WordPress
#Berbera news#dagaaladii sayidka#daraawiish#magaalada eyl#maxamed cabdale xasan#qasriga sayidka#qasrigii sayidka#sayid maxamed#sayid maxamed cabdale xasan#sayidka#taariikhdii daraawiish#Youtube
0 notes
Video
instagram
Ee Qaranki miyuu jiraa where is the qaran sow adigaadi dekedaadii xukumaya oo ciidankaagii daraawiish la baxay hhhh Feysal Cali Waraabe Rag Rag dhalay Runta u sheeg raga Xukuumada F8 sida indho la'aanta ah u difaacaya "Thanks" #calisuxufi #allowsahalamuuraha #allinwithcalisuxufi ,#gobolkabanaadir #gaaboowmedia https://www.instagram.com/p/B4qM-0rnAig/?igshid=1ay6b9p9xzmb3
0 notes
Text
“Waxa la yidhi fule xantii ma mooga, maanta waxaynu joognaa Xudun waana xeradii Daraawiishta, dad badan ayaa taariikhda khalda….” Muuse Biixi Guddoomiyaha KULMIYE
Ceel-Afweyn, Somaliland, November 24, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa xalay u hoyday degmadda Ceel-Afweyn.
Geedi-socodkii weftiga ee Habeen hore illaa shalay
Sida lagu sheegay War Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda, waxaa lagu yidhi sidan., “Weftigu habeen hore waxaa u hoyday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana uu subaxnimadii hore ee shalay u jarmaaday dhinaca degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool, halkaasoo weftiga madaxweynaha si balaadhan oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyay. Waxaanu noqday madaxweynihii u horreeyay ee taariikhda Somaliland soo mara ee booqasho ku taga degmadaas.
Waxgaradka, aqoon-yahanka, cuqaasha beelaha Maxamuud garaad bari iyo Hijiinle iyo Kaskii-qabe oo uu hoggaaminayo ku simaha garaadka Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo dhallinyaro isugu jiray rag iyo haween, ayaa madaxweynaha kaga hor yimid duleedka magaaladda, iyagoo si diirran ugu galbiyay gudaha demgadda Xudun oo dadweynuhu ku qaabileen dareen togan iyo damaashaad balaadhan.Waxgaradka iyo dadweynaha degmadda Xudun waxay sheegeen inay magac iyo taariikhd weyn u tahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii u horeeyay ee xataa xilligii Soomaaliya soo booqda degmadan oo ku taalla bogcad taariikhi ah.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay fagaare kala hadleen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi. Wax kaloo madashaas ka hadlay cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada goleyaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda degmooyinka Xudun iyo Talleex iyo ku-simaha garaadka guud ee beelahaasi.
Caaqil Maxamuud Askar Jaamac, oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in madaxweynihii Somaliland oo socdaa booqasho rasmi ah ku yimaado deegaankooda, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, waxa ii sharaf ah inaan kugu soo dhaweeyo maanta (shalay) adiga iyo weftigaagaba magaalada Xudun iyo degaannadan, waxa aad iyo aad farxad noogu ah imaantinkaaga iyo tixgelintan ee adiga oo madaxweyne ah iyo wasiirradaadii oo halkan noogu yimid inay tahay tixgelin iyo rabitaan siyaado ah, waanaan idiinka mahad-naqaynaa, muddadii koobnayd ee aynu xidhiidhka lahayn iyo wado hadallada, waxqabadkii fiicnaa ee aanu helnay aad iyo aad ayaanu idiinka mahad-naqaynaa idinkana.”
Sidoo kale, Xuseen Aadan Cadde, oo ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha waaweyn ee deegaanka, ayaa madaxweynaha uga xog-waramay baaxadda abaarta kulul ee ku habsatay gobollada bariga dalka, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, abaartani waa mid fidsan oo baahsan oo dheer dalkanna way ku kala horaysay, dhul balaadhan oo weyn oo dhul xoolaad ah oo illaa iyo gobolka Togdheer, gobolka Sanaag iyo gobolka Sool ah illaa badda Indian occasion ah ayaa waxa ka jirtay abaar soo gaatamaysay marba oo illaa iyo dayrtii hore iyo gu’gii ku xigay iyo dayrtan oo gebigeedaba la waayey, dhulka kale ee hawd iyo Golis iyo guban ayaa iyagana la yidhaahdaa iyaguna sidaa si leeg ayey ahayd oo waa tii berigii dhawayd loo gurmanayey.”
This slideshow requires JavaScript.
Gudoomiyaha ahna Murrashaxa xisbul xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay loo baahan yahay in laga sii shaqeeyo inuu sii jiro barnaamijkii uu dhigay iyo nabadda uu keenay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu yidhi “Horta caaqilkii yidhi hawl badan ayaa ku taalla waa runtiisa oo madaxweynuhu markii uu yidhi xilka waan ka nasanayaa ee adigu hawshii sii qabo aniguna kabihiisii ma gashan karro, waayo-aragnimadiisii ma lihi, intii wanaagsanayd ee uu wax soo hoggaaminayeyna ma lihi in kastoo aan in badan soo joogay haddana dee sifihiisii ma yeelan karo, waxaase innoo balan ah in aynu waddadiisii iyo tubtiisii uu jeexay iyo barmaamijkaa uu jeexay ee uu nabadda ku keenay ayeynu ku wada shaqayn doonaa oo muxuu yahay?.
calankaa Xisbiga aad haysaan ee KULMIYE, waa mideeye dadkaa isugu yimid, magaciisu waxa weeye midnimada, horumarinta iyo nabadda, waxa innoo balan ah oo aynu kuwa shaqaynaynaa oo aad naga sugaysaan oo hawsha la ii dhiibay ah oo idinkuna aad igula shaqayn doontaan maadaama aynu calankaa qaadanay saddexdaa qoddob nabadii rag badan ayaa ku dedaalay illaa 1991-kii waa la waday dad baa waday, reer Sool ah reer Xaysimo iyo reer Xudun ah, waxa laakiin koobkii qaaday oo nabadii dhinacii nuglayd soo gebo-gabeeyey ragii ku KULMIYE Awr-boogays ee wasiirrada iyo cuqaasha iyo garaadada lahaa ragii idinka horeeyeyna waan ku hambalyeynayaa, waanan idin kula taageeraynaa.”
“Arrinta labaad xisbigu waa horumarinta, waxaynu doonaynaa haddii aynu calankaa KULMIYE qaadnay oo aynu xisbigaa KULMIYE ku bahawnay, waxa aanu doonaynaa in aynu mid noqonno, Somaliland oo inankaa yar ee dugsiga dhexe ku jiraa uu ka baxo jaamacada Cammuud oo ta Hargeysa ka baxo oo ta Laascaanood uu ka baxo isagoo aan waalidkii u baahan oo hooyadii u baqanayn oo meel waliba wadankiisii yahay oo ay dawladiisu kafaalo qaado.
Qoddobka Saddexaad, waxa la yidhi fule xantii ma mooga, maanta waxaynu joognaa Xudun waana xeradii daraawiishta waa halkii Darwiishku ka alkunmay, dad badan ayaa taariikhda khalda, dastuurka Somaliland ee aynu isugu nimid ee rag badani yidhi war bahalka idinka uun baa sameeyee aynu dib u wada eegno taana aan waxba ka qabin waxa uu ka bilaabmaa halkankii Daraawiishta.
Dastuurku waxa uu ka bilaabmaa mabdiisa koowaad iyadoo la tixgelinayo halgankii daraawiishta ee gumaysi la dirirka ahaa, daraawiishtu waxay ahayd tii Soomaali oo dhan u horseeday jabhad xoraysa oo gumaysiga la dagaalanta oo gumaysiga innaga horaysa, idina waxaad ka mid ahaydeen dadkii halgankaa ka qayb qaatay oo taariikh iyo sharaf ku leh oo aanay cidina dafiri karin,”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Wasiirka madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay kaalinta waxgaradka deegaankaasi ka qaateen wada hadalladii najaxay ee lagu qabtay Awr-boogays, waxaanu yidhi “Cuqaashi si wanaagsan oo kor ka xaadis leh ayey hadalka u yidhaahdeen odayaasha oo ah hoggaamiyeyaashii iyo madax dhaqameedyadii beelaha degaamadan si gaar ah ayaanu isu arki doonaa .xaalada aanu ku jirnana waan uga mahadnaqayaa inay garwaaqsan yihiin oo ay garanayaan waa rag Guurti ah oo aqoon sare leh waayo maanta xaalada darani waa xaalad abaareed, xaalad aynu maanta wax kale ka wada hadli karno maaha, waa xaalad ay mudan tahay in aynu wax walba dhigno oo dhinac u leexino, marka se ay sida ay u korka xaadiyeen aanu annaguna u kor ka xaadinno waxa aanu garwaaqsanahay oo qiraynaa shirkii ka dhacay Awr-boogays oo ay hormood u ahaayeen waayeelka cuqaasha iyo madaxdhaqameedka beesha ee madashan fadhiya oo aan isleeyahay malaa ragii cidiba kama maqna oo aan u hambalyeynayo hawshaa hawl karnimada ah iyo hal abuurkaa ay sameeyeen.”
“Waxaanu qiraynaa in wax badani ka qabsoomeen go’aamadii shirkaasi gaar ahaan dhiniciina ay ka qabsoomeen, waa qiraynaa runtii waxa aanu qiraynaa annagu ceelalyo ayaanu ahayn maalintii aanu nimid Xudun-na maalin ayaanu nimid annagoo wefti ah waxa naga soo horeeyey Wasiir Baashe Cali Jaamac oo aan qirayo doorka uu ku lahaa hawshan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta isaga iyo xildhibaan Saleebaan Cali Koore, aniguna waxaan ahaa weftigii labaad ee halkan yimid, waana aanu badnayn aniga, xubno kale oo wasiirro ah, Wasiir Cadaani, Wasiir Cali Siciid Raygal ceelalyo ayaanu ahayn, ceelalyadii Xudun waxay dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee magaalada Awr-boogays, shirkaasina waxa uu dhalay go’aamadii aynu qaadanay ee 6-da ahaa oo aan tuugna xadi karin, duugoobi karin oo aynu kala saxeexanay oo laba daraf ah annagoo metelayna madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo idinkoo metelayay beelaha Maxamuud Bari,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in farxad weyn u tahay booqashadiisa degmadda Xudun, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Farxad weyn iyo sharaf ayey noo tahay maanta in aanu halkan Xudun nimaadno aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, milic ayaad taagan tihiin waad dhegeysateen dadkii iga horeeyey ee masuulyiinta ahaa siday u hadleen, waxa aanu u soconay in aanu dalka xogogaal u noqono oo aanu dadkayaga waraysano xaaladooda ka war helno nabad ku baaqno aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida qiimaha leh eed noo soo dhawayseen.
Markaa waxa aanu idin leenahay waa inaynu dadkeenna iyo duunyadaba waa inaynu ka warhayno sidii nabadgelyada loo dhisi lahaa, dadku iskugu kalsoonaan lahaayeen meel looga soo wada jeedsan lahaa wada jirka iyo midnimada iyo nabadgelyada. Arrintaas ayaanu u soconaa, ILAAHAY-na waxa aynu ka baryeynaa inuu abaarta baahsan innaga kor qaado oo madar khayr qaba cirka innaga siiyo, ayaanu EEBE ka baryeynaa Aamin Aamin.”
Intaasi ka dib waxa madaxweynaha qado sharaf loogu sameeyey madaxweynaha iyo weftigiisa safarka la magac baxay Tabantaabo ku wehelinaysay, hadhimadaa ka dibna waxa weftigu u boqoolay dhinaca magaalada Bohol oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey. weftiga madaxweynaha magaaladaas oo iyana ahayd mid aan hore u arag madaxweyne soo booqda waxay ku sugan yihiin, waxaanay uga sii gudbeen dhinaca Ceel Afweyn oo ay xalay goor dambe soo gaadheen, waxaana lagaga horyimid duleedka degmadaas iyagoo loo soo gelbiyey gudaha magaalada halkaasi oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid ah dadweynaha degmada Ceel Afweyn, oo u taagnaa soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaana la hadlay Murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo uga mahad celiyey shacbigaasi sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen.”
Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xaruntii Halganka Daraawiishta Iyo Khudbadiihii Ilaa Xalay Ee Ceel-afweyn “Waxa la yidhi fule xantii ma mooga, maanta waxaynu joognaa Xudun waana xeradii Daraawiishta, dad badan ayaa taariikhda khalda….”
#Abaaraha#Ceel-Afweyn#Daraawiish#Gargaar#Gobolka Sanaag#Gobolka Sool#Gurmad#Madaxweyne Axmed Siillaanyo#Socdaal#Taariikh#Taleex#Xudun
0 notes
Text
Wasiir Xaglo-Toosiye “Muuse Biixi Laba Jeer Buu Mujaahid Yahay Oo Mar Waa Darwiish, Marna Waa SNM, Innagana Waxaa La Inaga Rabaa……”
Wasiir #Xaglo-Toosiye “@musebiihi Laba Jeer Buu #Mujaahid Yahay Oo Mar Waa #Darwiish, Marna Waa #SNM, Innagana Waxaa La Inaga Rabaa……”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, ayaa si weyn u amaanay shakhsiyadda iyo taariikhda uu leeyahay murrashaxa xisbgia KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu tilmaamay inuu yahay qof mudan inuu dalkan hogaamiyo.
Wasiir Xaglo-toosiye oo bulshada reer Somaliland eek u dhaqan magaalada Bristol la hadlayey, ayaa sheegay in guddoomiye Muuse Biixi yahay…
View On WordPress
0 notes
Text
Halgankii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920. Qaybta 6aad
DAGAALKII RUUGA AMA DULMADOOBE LOOYIQIINEY 1913 ayaa xaruuntii daraawiish oo taleex taala, nabadna loofadhiyo ayaa niman dhaawac ah oo firxad ah xaruuntii yimaadeen, waxeyna kuwarameen war aan lagu farxin kaasoo ahaa safar ladhowrayay oo saanad, dhar, iyo cunto xaruunta daraawiish uwadey oo khaliif sheikh cabdule soodiray, markii horana katimid raas makaahiil oo xiligaas itoobiya boqor uahaa,…
View On WordPress
#africa colonial map#Berbera news#dagaaladii sayidka#guumaystaha#halgankii somalida#Maxamed ben zayed#taariikhda somalida#xoriyada somalia
0 notes
Text
Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Qaybta 4aad
Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Qaybta 4aad
SAYIDKU markuu qiimeeyay xaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqoray boqor cusmaan , ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura, buur dagaalka lagaga gambado, biyo maatadu kacabaan, bad hub iyo xoolaba lagahelo., daraawiish haddii warkaa soo gaaray bari…
View On WordPress
#+1Somalia#Berbera news#dagaaladii sayidka#HALGANKII SOOMAALIDA#sayid maxamed#taariikhda somalida#zayid mohamed
0 notes
Text
Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 qaybta 3aad
Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 qaybta 3aad
SAYIDKU markuu qiimeeyay xaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqoray boqor cusmaan , ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura, buur dagaalka lagaga gambado, biyo maatadu kacabaan, bad hub iyo xoolaba lagahelo., daraawiish haddii warkaa soo gaaray bari…
View On WordPress
0 notes