#carabiga
Explore tagged Tumblr posts
berberanews · 2 years ago
Text
Waa Kuma General Faysal Cabdi Bootaan Guuleed?
Magaciisa saxda ah waa Haybe Cabdi Bootaan Guuleed magaca Faysal waa naanays waxaa loogu magac daray Boqor Faysal Cabdicasiis ,oo Boqortooyada Sucuudiga xukumayey Intii udhaxaysay 1964 ilaa 1975 isagoo la khaarajiyey,magaca Faysal Luuqada Carabiga macnihiisu waa seef wax kala jarta. General Faysal Cabdi Bootaan dabayaaqadii 1960-kii ayuu ku dhashay Gobolka Togdheer ,sanadkii 1980 markuu…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
haccp-polska · 5 years ago
Photo
Tumblr media
Food safety: always #turkey🇹🇷 #carabiga #foodsafety #handwash #handwashing #melon #salesroadshow #bezpieczenstwozywnosci #higienarak #sprzedaż #haccppolska #cierpialowski #haccppolskapl #haccp (w: Bandirma-Biga Yolu) https://www.instagram.com/p/B3xRfp6HWOA/?igshid=xpzde2jfpww
0 notes
islamicinstitute · 3 years ago
Photo
Tumblr media
#Bushaaro. #Baro cilmiga shareecada islaamka meelkasta, goobkasta iyo goorkasta adiga oo ka Faa’idaysanaya wakhtigaaga . Sidaa awgeed islamic institute wuxuu ku soo gud binayaa barashada cilimiga shareecada Qaybaheeda ay ka kooban tahay adiga oo nu kabaranaya #Online sida: 1- Quraan ka 2- Xadiith ka 4- Caqiidada 5- Fiqiga 6- Tariikhda / siirda 7- Luqada carabiga 8- Muxadarooyinka 9- Dawoorooyinka 10- Wacyi galinta Dhammaan Grade kasta oo aad danaynayso waa kuu diyaar, Iyo dhammaan culuumta kale ee islaamka. HORE ISU DIIWAAN GELI Kala xidhiidh maamulka machadka Islamic institute. https://wa.me/252634394872 https://www.instagram.com/p/CRGqu-WBvVm/?utm_medium=tumblr
0 notes
onlinesomalilibrary · 5 years ago
Photo
Tumblr media
Xiriirka afafka Soomaaliga iyo Carabiga
0 notes
codkaculimada1 · 6 years ago
Text
Tumblr media
‘Ayaan Darane Cumar Al-Naasiri’
 Freelance Journalist  Uncategorized
 January 9, 2019 7 Minutes
”.W/Q Sh Shibli’
Waa qeybtii 2aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo gudbino dhacdooyin mudan dhugasho badan.
Waxaa gacantayda ku dhacay kitaab ka kooban ( 538 Bog ) oo carabi ku qoran, cinwaankiisuna yahay
Macnaha cinwaankaas dheer ayaa ah:
” Wadnaha Jihaadka – Sideen ugu siibtay gudaha Al-Qaacida, kadibna sirdoonka reer galbeedku ii dayaceen”
Waxaa lagu qoray luqada carabiga, waxaa lagu sheegay ninka qoray Cumar Al-Naasiri, waxaan u aqriyay si haleel ah, waxaana isla markiiba iiga muuqday eray soo jiidahso leh oo ah:
Kitaabkani waxaa ku qoran magac aan ahayn kii runta ahaa ee qoraaga sida uu sheegay, sidoo kalena lama wada rumaysan karo, laakiin waa wax dhici kara, in badan oo lamid ahna way dhacdaa.
Haddaan kitaabkii wada aqriyay waxan ku soo uruurin karaa murtida 4-ta cutub ee oo ka koobanyahay sidan:
Cutubka 1aad: Brussels- Belgium (Bog. 72-185)
Cumar Al-Naasiri waxuu ka dhashay qoys Carbeed oo ka soo jeeday wadanka Maroko, waxuu ku soo koray wadanka Belgium.
Waxaa ka awood badatay luqadii faransiiksa ee uu la soo koray, waxna ku soo bartay, waxaana inta badan ka luntay luqadii carabiga ee waalidiintii.
Waxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya daroogada, sidaasna ku bartay meelaha hubka laga iibsado iyo dadka iibiya qaar kamid ah.
Waxuu xiriir hub gadis la yeeshay rag Jihaadiyiin ah oo wadankaas la joogay, ragaas oo taageersanaa kooxdii ka dagaalami jirtay Aljeeriya ee (GIA) lagu soo gaabiyo , waxaana kamid aha wiil oo walkiis la dhasay ah oo uu ku sheegay Xakiim.
Waxuu soo gadi jiray hubka, waxaana lagu kaydin jiray meel gurigooda kamid ah inta looga helayo dariiq la mariyo, cabsina waxuu ka qabay in boolis ugu yimaado oo danbi ku noqoto.
Waxaa gurigoda ku soo batay ragii jihaadiyiinta ahaa oo saldhig ahaan ka dhigtay, taasina way dhibtay oo waxay asaga & walaalkii kayar ( Nabiil) jeclaysteen in ay is dhaafiyan raggan badan ee guriga ku soo aruuraya.
Waxuu ka xaday lacag ay lahaayeen ragii gurgooda daganaa asaga oo doonaya in ay inta cabsadaan gurigooda ka guuraan, taasina waxay dhalisay in ay ku tashadaan in ay dilaan, waxaa arrintaas ku waafaqay walaalkii oo asaga ka waynaa laguna magacaabo Xakiim, waxaase maqlayey walaalkiis kale oo ka yar oo uu ku sheegay Nabiil, waxuuna inta aanu guriga soo galin ugahortagay banaanka oo u sheegay in loo tashaday sidii loo dili lahaa, walaalkood Xakiim-na ku waafaqay dilkaas waayo waxuu noqday Daaquud.
Waxuu cabsi kula cararay sirdoonka Faransiiska, waxuuna tagay qunsuliyadda ay ku leeyihiin Brussels, asaga oo doonaya in dadkaas la xirxiro maadaama uu naftiisa uga baqay.
Waxay arrintaasi fursad qaali ah u noqotay sirdoonka oo u sheegay laba arrimood:
In uu dib ugu laabto guriga iyo raggii, una sheego in uu qaldamay, Allaahna u towbad keenayo si loo cafiyo.
In ay ka bixinayaan lacagta laakiin ay todobaad qaadanayso, asaguna uu ballan qaado soo celinta lacagtii uu xaday, waqti koobanna la siiyo, taas oo guulaysatay, lacagtiina laga bixiyay.
Waxuu u shaqo billabay sirdoonkii lacagta ka bixiyay, ayaguna waxay la socdeen dhaqdhaqaaqiisa, waxayna u fududaynayeen hawsha loo soo dirsado ee hub gadista ah mudo sanad ama ka badan ah.
Cumar Al-Naasiri waxaa kale oo uu qaybin jiray jariidadii Al-Ansaari ee ay soo saari jirtay Jabhaddii GIA waxayna taasi sahashay in uu ogaado wax badan oo kamid ah dadka kala shaqeeya Yurub ee qaybiya jariidadan, waxayna ahayd xog kale oo muhiim u ahayd sirdoonka.
Waxaa qabatay xumad qandho oo inta ay ka tanbadisay uu is xakamayn waayay, waxuuna u sheegay ragii (Yaasiin, Amiin & Xakiim) in uu sirdoonka Faransiiska la shaqeeyo, markii la waydiiyay sababtana waxuu ku sheegay in uu Allah dartiis & u shaqaynta Jihaadka u dhexgalay !!!.
Waxaa is bedalay jawigii fadhiga, waxaana soo baxday in raga qaar maqanayahay asaga ama ayaga amaba dhamaantood, intaas kadib waxaa si deg deg ah u qabqabtay ragii oo guriga ugu soo dhacay sirdoonkii uu la shaqaynayey asaga oo goobta ka maqan, waxaana la taxaabay tan iyo walaalkiisii yaraa oo uu horay ugula heshiiyay sirdoonka in la badbaadiyo, oo asaga kaliya waqti kooban kadib la soo daayay.
Waxay sirdoonku ka codsadeen in uu xabsiga galo, sii xogta ku dhiman nimankaas uga soo helo, maadaama dadka xabsiga ku wada jira is aaminaan inta badan, waxaase diiday Cumar Al-Naasiri oo ogaa in uu ragaas u sheegay basaasnimadiisa, xogtaas oo ka qarsoonayd sirdoonkaas.
Cutubka 2aad: Afghanistan (Bog. 184-392).
Waxaa intaas kadib soo baxday in uusan joogi Karin wadanka maadaama ay kashifantay shaqadii uu ku jiray, loona baahan yahay in loo hawo badalo, waxaana sidaas loogu diray dalka Afganistan (1995-1996) si uu u dhex galo xeryaha lagu tababarto ee wadankaas ku yaalla, waxuu sii maray Turkiga oo sigaarkii ugu danbeeyay ku cabay, kadibna Pakistaan, waxuuna ka sii raacay jamaaca Tabliiq ah, waxuu tagay Afghanistan oo uu ku soo tababartay xeryaha ay qaar Al-Qaacida ku lahayd Afghanistan kahor xukunkii Daliban.
Waxaa kamid ah xeryaha uu soo maray ( Khalidan) oo uu madax ka ahaa Ibnu Sheekh Al-liby, (Darwanta) waxuu la baxay magac cusub oo looga yaqiinay xeryaha lagu tababarto oo ah Abuu- Imaam Al-Maqribi waxuuna ka soo laabtay 1996 dhexdeeda.
Cutubka 3aad: Yurub Mar kale (Bog. 408-500).
Cumar Al-Naasiri waxaa u dhamaaday tababarkii, waxaana dib loogu soo diray Yurub ( Britain, France, Germany, Belgium) hadba midkii ay u suiragasho.
Waxuu ku soo laabtay Yurub asaga oo loo soo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo wadamadaas uu yaqaanay dabeecadooda, qaab dhaqankooda iyo wax badan oo kamid ah luqadahooda, waxaana la siiyay:
Passaport-kiisii oo horay looga reebay.
Saddex telefoon Number oo uu kala soo xariiro Abuu Zubayda.
Laba boosto oo uu wax ku soo diro.
A/C oo marka uu dago lacagaha deeqda ah ku soo diro.
Mawjad uu kala soo xariiri karo oo kuwa halow halow-ga ah.
Sahaydii ama kharashkii uu ku soo dhoofi lahaa.
Boorsadiisii iyo alaabadii ugu jirtay dhamaan marka laga reebo mindi lahayd macatabka gaalada.
Waxaa la tusay buugii uu ku qoran jiray tababarka xeyrada Darwanta waxaana loo sheegay in marka uu mell dago, cinwaanna yeesho loo soo dirayo, waxaana soo sagootiyay Abu Zabiidah & Ibnu Sheikh Al-liibi.
Waxay sirdoonka reer Galbeedku u fududeeyeen gadista iyo gudbinta hubka wax badan oo kamid ah, waxayna siin jireen dhaqaale badan si loo dhiso kalsooni ah in uu yahay madaale si wanaagsan ugu shaqeeya Jihaadka, kadibna ay uga helaan xogta ay doonayaan.
Waxuu helay kalsooni dhinaca Jihaadiyiinta ah, maadaama uu yahay nin geesi ah, wax qabadkiisa dhaqaale iyo hubna muuqdo, ayada oo aan la is waydiinin meesha uu ka keenayo lacagtan fara badan ee uu soo dirayo.
Waxaa kamid ahayd dhacdooyinka ugu muhiimsan in uu keenay hub lagu qarxiyay caasima Aljeeriya, oo inta sirdoonka Faransiisku baareen kadibna dad badan oo yurub jooga u xirxireen ayaga oo tusaya dadka in aan laga baxsan Karin.
Waxay sidaas ku dhacdaa inta hubka laga qorto numbers-ka sida hubkan, dariiqa loo fududeeyo, la ilaalaysto dadka loo dhiibayo iyo kuwa jidka lagu sii marayo, hadana la sheego in la baaray oo la ogaaday xog rasmi ah, kadibna la qaaday tallabo sharci ah.
Cumar Al-Naasiri waxaa loo diray markii danbe in uu tago Ingiriiska, oo soo basaaso Sh. Abuu Xamza iyo dadka ku xeeran ee yimaada masjidkiisa, taas oo uu fuliyay, waxaa u sahlay in uu ku dhawaado Sh. Abuu Xamza asaga oo u sheegay in uu ka yimid Afghanistan, kuna soo tababartay xeryihii uu soo maray Sheekhu, walibana uga sheekeeyay raggi uu yaqiinay iyo qisadii uu sheekhu ku waayay gacmihiisa asaga oo ahayd in asaga oo baranayaa waxyaabaha qarxa inta wax ka qaldameen ay ku qarxeen sidaasna gacmaha ku waayay.
Waxuu joogay Ingiriiska mudo, waxuuna soo basaasay Sh. Abuu Xamza, Abuu Qataada, Abul-Waliid Al-falasdiini iyo rag badan oo ka kala yimid wadamada Yurub, Afghanistan iyo Carabta, waxayna isku arkeen nin kamid ah ragii uu sirdoonka Belgium u dhiibay markii uu xanuunsaday, taas oo keentay in uu cabsi badan dareemo aakhirkiina ka tago Ingiriiska.
Cutubka 4aad: Germany (bog.503-523).
Waxuu go’aansaday in uu guursado gabar ay ku kulmeen Faransiiska oo uu ku sheegay Faaduma, ayaduna daganayd Jarmalka, xiriir guurna ay lahaayeen waqti dheer, sirdoonka reer galbeed-ku waxay isku dayeen in ay ka hor istaagaan guurkaas oo ay u arkayeen in ay is diidayaan shaqada uu hayo iyo guurku.
Waxaa lagu wargaliyay in uu mar kale aadayo Afghanistan, waxaana la geeyay magaalada DAKAR oo ah caasimada Senegal oo ku taalla badda Atlantic cidhifka galbeed ee Africa, waxaana lagu hayay mudo bilo ah oo la siinayey lacag badan, waxaa laga qaaday Passaport Faransiis ah oo uu ku shaqaynayey, waxaa loo soo celiyay kiisii marookaanka ahaa, waxayna ahayd ujeedadu in laga celiyo guurka ee looma wadin Afghanistan.
Markii uu ku adkaystay in uu guursanayo, go’aansaday in uu iska daayo shaqadan basaasnimada ah maadaama aan la isku wadi Karin waxaa loo ballan qaaday in meel la dajinayo, lana caawinayo, hase ahaatee waxaa looga baxay dhamaan ballan qaadyadii, waxaana la geeyay Jarmalka oo ay joogtay Faaduma oo uu rabay in uu guursado, waxaana loo tilmaamay in uu qaxootinimo isu dhiibo.
Cumar Al-Naasiri waxuu qaxooti sharci la’aan ahaa shan sano, waxaana soo martay duruuf adag oo nololeed, lamana siin dhaqaalihii loo ballan qaaday.
Waxuu ka calaacalay in si aad u xun loola dhaqmay oo haba yaraatee aan lahayn xushmad iyo in uusan sheegan Karin dadkiisii, xaaskiisana aanay baran Karin dadkiisii, hadii uu sheegto dhibaatadana uu naftiisa uga baqayo nimankii ku shaqaystay.
Cumar Al-Naasiri Waxuu go’aansaday in uu kitaabkan qoro oo uu ku sheegay shaqada uu hayay iyo caaqiba xumadeeda, oo inta danbi, dakane & diin xumo la galiyay hadana dunida lagu dullaystay, walina uu ka baqayo in loo dilo kitaabkan uu qoray dartiis.
Dhugasho:
Waxaa mudan in la dhuuxo waxyaabo badan oo qisadani muujinayso, waxaana ka mid ah:
Waxaa Cumar Al-Naasiri u galisay sirdoonka cabsi uu ka qaaday walaalkii & saaxibadii (Bog. 100,109), wayna badan tahay in ay dhacdo sidaas oo kale.
Waxuu Cumar Al-Naasiri horay iyo gadaalba keeni jiray lacago badan, hase yeeshee la isma waydiin xagee ka keenyaa dhaqaalahan? !!!.
Waxay sirdoonku kula taliyeen in uu walaalkii & saaxibadiis u sheego in uu Allah u tawbad keenayo, ayagana cafis uga baahanyahay (Bog. 109)!!!.
Waxaa taas lamid ah in uu isku dayay in uu ka dhaadhiciyo in galitaanka sirdoonku hayd Allaah dartiis!!!>
Waxaa Cumar Al-Naasiri laga dalbaday in uu xabsiga galo si uu gudaha xabsiga uga soo basaaso (Bog. 183)!!!.
Waxaa Cumar Al-Naasiri la galiyay danbi iyo dakane badan, waxaana laga gooyay dadkiisii oo uu sheegan kari waayay, kadibna asaga oo dayacan ayaa dibadda la dhigay, waana tilmaanta ayaan darane.
Waxaan intaas ku soo afmeerayaa qeybtii 2aad ee Ayaan Darane, waxaana xigi doonta qeybtii 3aad in shaa Allaah waqti aan dheerayn.
Qore/ Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli
http://codkaculimadasoomaaliyeed.wordpress.com/
0 notes
shaqohel · 4 years ago
Text
Macalin Luqadda Ingiriis-ka dhiga kara (Advanced English) - Caabdudwaaq
Macalin Luqadda Ingiriis-ka dhiga kara (Advanced English) - Caabdudwaaq #somalia #somalijobs #shaqohel
JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED
KULLIYADDA DARAASAATKA ISLAAMKA
FURSAD SHAQO
XARUNTA: GALMUDUG ( CAABUDWAAQ)
Kulliyadda Daraasaatka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay 1 bare oo ka hawl gala Faraceeda Galmudug Magaalada Caabudwaaq, kaas oo loogu baahan yahay Maadada Luuqadda English-ka (Advanced English)
SHURUUDDA BARAHA  1- Inuu Haysto Shahaadada 1aad…
View On WordPress
0 notes
warganenews · 5 years ago
Text
Somaliland: Dawladda Jabuuti Oo Shaacisay In 4 Qof Oo Uga Soo Gudbay Dhanka Somaliland Laga Helay Xanuunka Coronavirus
#Somaliland: Dawladda #Jabuuti Oo Shaacisay In 4 Qof Oo Uga Soo Gudbay Dhanka Somaliland Laga Helay Xanuunka #Coronavirus
Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland
Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland la wadaagtay.
Talefishanka ku hadla afka dawladda Jabbuuti laantiisa Af-carabiga ayaa sheegtay in masuuliyiinta…
View On WordPress
0 notes
codkasomaliland · 6 years ago
Text
Shirkadda Dahabshiil Group Oo Si Xooggan U Beenisay Eedaha Telefishanka Aljazeera
Shirkadda Dahabshiil Group Oo Si Xooggan U Beenisay Eedaha Telefishanka Aljazeera
Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay.
Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan…
View On WordPress
0 notes
berberanews · 6 years ago
Text
Faallo, Al-Jazeera: Xilligii ay Soomaaliya gargaarka u diri jirtay Sacuudiga
Faallo, Al-Jazeera: Xilligii ay Soomaaliya gargaarka u diri jirtay Sacuudiga
Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan…
View On WordPress
0 notes
barxad · 6 years ago
Text
Muuqaal Cajiib Ah: Daawo Cristiano Ronaldo Oo Salaanta Islaamka Ku Salaamay Taageerayaashiisa
Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa taageerayaashiisa muslimiinta ah u sameeyay dalab cajiib ah kadib markii ay ka dalbadeen in uu ku hadlo luuqada carabiga ah.
Cristiano Ronaldo ayaa taageerayaal badan ku leh baraha bulshada hadii ay noqoto Twitter-ka,Instegram-ka,Facebook iyo baraha kale ee bulshada ee uu xiddigu leeyahay.
Taageerayaasha ayaa Cristiano Ronaldo ka coday in uu ku…
View On WordPress
0 notes
banadirband · 7 years ago
Photo
Tumblr media
FANAANIINTA AAKHIRO Waxa dhici doona aakhiro iyo sida xaal noqon doono waxaa laga sheegay sheekooyin badan oo siyaabo kala duwan loo qaada dhigay. Bulsho walba iyo dhaqan kasta waxa lagu hal-abuuray sheekooyin yaab leh oo ka warramaya nolosha danbe wanaag iyo xumaan wixii la mudan doono. Qof walba dhanka uu jecelyahay ayuu sheekadaas ka galey. Qofkii ciil iyo cuqdad qabey wuxuu ku carro baabey sheekooyinka sharraxaya sida cadowgiisa loo cadaabi doono maalinta qiyaame. Midkii tumasho iyo baashaal noloshan gaaban ku seegayna wuxuu malawaaley in maalinta aakhiro uu wabiyo qamri ah dhex dabaalan doono. Hadba qolada sheekada aakhiro buunbuunisa waxaa loo arki jiray in ay yihiin dad xog dhab ah ka haya muuqaallada kala duwan ee jannada iyo naarta inooga horreeya. In qolooyinkaas xog-ogaal loo maleeyo waxa sababay marka la fiiriyo sida ay isku xiijiyaan ama isku xanaajiyaan xilliyada ay aakhiro ka warramayaan. Burburkii dalka ka dib sheekooyinka aakhiro ooda iyo xargaha ayay jabsatay. Waxaa wadankii qabsaday wax aan u bixiyay Ganacsiga Aakhiro oo gees ka gees wadankii lagu faafiyay. Ganacsigan wuxuu gaarey heer Soomaali badan ayagoo nool laga iibiyo warqadihii ama tikidkii ay jannada ku gali lahaayeen. Dhanka kale dad badan oo Soomaaliyeed ayaa awoodi waayay iibsashada tikidyada jannada lagu galo ka dib markii ganacsatada aakhiro ay sicir adag ku soo rogeen qiimaha tikidyada jannada lagu galo. Dadka Soomaaliyeed ee lagu qadiyay suuqa ganacsiga-aakhiro wey badanyihiin. Waxaan ka xusi karnaa qaybaha bulshada ee ganacsiga aakhiro lagu qadiyay fanaanniinteena Soomaaliyeed . Ragga ka ganacsada aakhiro waxay bandow iyo cuno qabateyn ku soo rogeen ogaanshaha wadoonyinka sahlan ee fanaanninta Soomaaliyeed iyo taageerayaashooda ay jannada ku gali karaan. Bandowgaas wuxuu gaarey in la faafiyo in fanka iyo heesaha yihiin “xaaraan maqdac ah iyo camal sheydaan.” Waxaan ka afeefanayaa in carabi caato ah sida : “xaaraan maqdac ah iyo camal sheydaan.” aan qoraalkan barakeysan ku lifaaqno waayo suuqa ganacsiga aakhiro ee Soomaaliya waxaa looga hadlaa luqada carabiga. Sidaa daraadeed waan ku qasbannahay in mararka qaar qoraalka erayo carabi ku walaaqno mar haddii aan jawi carbeed ku jirno. In ganacsatada aakhiro fanka iyo heesaha ku tilmaamaan dhaqan sheydaan iyo wax aan aakhiro lagu liibaaneyn waxa sababi kara qodobo dhowr ah oo cilmiyaysan. Haddii aan nahay culumada-bulshada “ Sociologists” ee Soomaaliyeed waxaan fahmi karnaa in sababta ugu weyn ee ganacsatada-aakhiro sidaa ku bixisay in ay tahay cabsi ay ka qabaan in fannaaniinta ku ciriiriyaan suuqa-dareenka ee shacabka. Xirfadleyda nolol maalmeedkooda ka dabarta suuqa- dareenka ee shacabka waxaa ka mid ah: siyaasiyiinta, wadaadada iyo fannaaniinta. Waxaa si cilmi ah lagu ogaadey in saddexdan koox uu ka dhaxeeyo tartan dabicii ah oo ku aadan sidii loo kasban lahaa dareenka guud ee shacabka. Nasiib darro burburkii dalka ka dib, suuqa-dareenka shacabka waxaa u gacan bannaanaadey wadaadadii Soomaaliyeed oo isku rogey ganacsato manaxayaal ah oo dadka ku baarta sheekooyinka aakhiro ka dhici doona. Haddii cilmiga bulshada wax lagu qiimeeyo, la yaab ma lahan in fannaaniinta Soomaaliyeed noqdaan xirfedleyda ay ka cabsadaan ganacsatada aakhiro! Suuqa dareenka-shacabka hadba waxa qabsada dareen gaar ah oo ka tarjuma xaaladda nololeed ee bulshada. Burburkii dalka ka dib, dareenka shacabka Soomaaliyeed waxaa hareeyay cabsi kala duwan oo iskug jirta qaar maangal ah iyo kuwo malawaal ah. Waqtiyada ay cabsidu noqoto dareenka guud ee shacabka, ganacsatada aakhiro waxay helaan fursad dahabi ah oo ay ku sameeyaan macaash xadhaaf ah waayo rajada shacabka waxay noqotaa oo kaliya hadba sheekadii looga sheego aakhiro. Waqtiyada dareenka guud ee shacabku noqdo mid farxadeed waxaa fursad hela fannaaniinta oo suuqa dareenka shacabaka heeso iyo ciyaaro ku harqiya. Soddonkii sanno ee Soomaalida qaranka ahaayeen, waxaa dalka ka hana qaadey fan iyo suugaan casri ah oo aan ka dhicin fanka caalamiga ah ee addunyada. Sababta ugu weyn ee cilmiyeysan waxay ahayd in Soomaalida soddonkaas sanno wadaageen farxad-wadareed “ Collective happiness” taasoo qarrannimo iyo dawladnimo lagu dugsaday. Waqtigan la joogo, fanka iyo heesaha Soomaalida wuxuu ka soo labo kacleeyay dalalka qurbaha oo Soomaali badan xoogaa nolol iyo nafis ay ku yara dareemeen. Wadaadada ka macaashay dareenka cabsida ah ee lagu soo jiray labaatankii sanno ee burburka ayaa marwalba muujiya welwel ay ka qabaan fanka iyo farxadda ku soo laabaneysa dareenka shacabka Soomaaliyeed taas oo qal-qal weyn galin karta ganacsigooda laga hago dhanka aakhiro. Qoraalkan kooban wuxuu ku saabsanaa difaaca fannaaniinta iyo fanka aakhiro. Sheekooyinka fanka iyo heesaha ay ka sheegaan wadaadada qaar waxaa ka mid ah in fannaaniinta iyo fanku yihiin sheeko sheydaan sidaa daraadeedna laga yaabo in fannaaniinta ay sheydaanka naarta u camiraan. Sheekadan waxey welwel badan ku abuurtay hooballo badan oo jecel in dadkooda dareenka farxadeed kula qaybsadaan heeso iyo suugaan casri ah. Maalin dhaweyd waxaan facebook ku arkey nin dhalinayaro ah oo ka mid ah fannaaniinta aan taageero oo ka cabanaya shacab ka wacdiyay xumaanta heesaha. Fanaankaas oo magaciisa la dhaho Aar Maanta wuxuu sheegay in uu la yaabey waxa Soomaalida ku bixiya in ay heesaha Soomaaliga ah ka cararaan ayagoo wacdi diimeed ku marmarsiyoonaya. Waxaa la gaarey waqtigii la xusi lahaa bandhig faneedka lagu qaban doono aakhiro si fanaanniinta la harowsaday loo difaaco niyaddana loogu dhiso. Inta badan, sheekooyinka ay ganacsatada aakhiro ka sheegaan nolosha danbe waa mid qabyo ah oo hadba ku jaango’an danta gaarka ah ee markaas ay leeyihiin. Haddaba waxaa waajib nagu ah haddii aan nahay culumada Soomaaliyeed ee diinta Islaamka aan ka ganacsan in aan shacabka iyo fanaaniinta u soo bandhigno sheeko dhameystiran oo ku saabsan wanaaga jannada uga horreeya muslimiinta jecel fanka iyo suugaanta. Marka hore waxaa fiican in aan qeexno muuqaalka dhabta ah ee Jannada ee uu eebbe weyne noogu sheegay quraanka kariimka ah. Suurada birta” suuratul xadiid” aayadda 21aad, waxay xusaysa in ballaca Jannada uu la egyahay todobada dhul iyo todobada cir oo la isku daray Cilmiga cabirka “ Geometry” waxaan ku barranay in marwalba ballaca uu ka baaxad yaryahay dhirirka. Haddaba jannada ballaceedu intaa la egyahay dhirirkeeda eebbe weyne kaliya ayaa garan kara. Hadadaba waxaa is weydiin mudan, jannada baaxadaas leh ma waxaa galaya oo kaliya ganacsatada aakhiro iyo macaamiishooda gaarka ah ee ay ka iibiyeen tikidyada jannada? Qofkii ka shaqysiiya garashiidasa, fahmana sida ay u shaqeyso naxariista boqorka, wuxuu si dhib yar ku garan karaa in Soomaali iyo Oromo badan oo muslimiin ah oo nolosha aduunkan ku rafaadsan in ay jannda gali doonaan maalinta qiyaame! Haddaba fannaaniinteena aan jecelnahay waa in ay cuqdadda iyo cabsida ka caafimaadaan, ogaadaanna in nimanka naxariista eebbe weyne ku soo koobay xaafadaha ay daganyihiin in aysan ka hor istaagi karin galitaanka jannada baaxadda aan soo sheegnay leh! Dhanka kale, waxaa jirta qaab falsafadeysan oo aan ku fahmi karno in fannaaniinta muslmiinta ah ay noqon doonaan xirfadley si gaar ah jannada loogu maamuuso. Waxaan ognahay in dhamaan xirfadaha aduunka lagu xamaasho aysan noqon doonin wax qiimo leh marka jannada la tago. Tusaale ahaan, dhaqtarnimo looma baahan doono waayo ehlu Jannaha waxay nasiibsadeen caafimaad iyo cimri barakeysan oo lagu waarayo abid. Sidoo kale wadaado dadka wecdiya ehlu jannaha uma baahan doonaan waayo intii aduunka la joogey ayaa cibaado iyo camal suuban la soo shaqeestay. Xirfadleyda kaliya ee laga yaabo in ehlu jannaha u baahdaan ayaa ah rag iyo dumar hooballo ah oo heeso iyo ciyaaro lagu damaashaado jannada ku soo bandhiga. Sida diinta ay noo sheegtay, dareenka kaliya ee ehlu jannada ayaa ah mid farxadeed oo murugo oo dhan ka fog. Haddaba waxaan garashadeena ku fahmi karnaa in fanka iyo suugaantu ka mid noqon doonaan qaababka ugu quruxda badan ee ehlu jannada ku wadaagi doonaan farxadda aan la qiyaasi karin ee jannada inooga horreysa haddii aan nahay Soomaalida jecel ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH. Fannaaninta Soomaaliyeed ee ay harowsadaan ganacsatada aakhiro waa in ay diintooda barakeysan bartaan. Waa in ay ogaadaan in naxariista boqorka ay ka weyntahay nacasnimada kuwa naxariista daran ee diinta ka dhigtay dukaan lagu ganacsado. Waa nasiib darro in nin hoobal ah uu isku dhiibo dhagarta ragga kula tartamaya suuqa dareenka shacabka. Waxaan aragnaa maralba fannaaniin sheega in ay hanuuneen oo fankii ka hareen. Fannaaniinteena la qaldey waa in loo sheegaa in waligood ay hanuunsanaayeen. Sidoo kale waa in lagu wargaliyaa in ay yihiin fannaanintii Jannada! https://banadirband.wordpress.com http://www.fb.com/BANADIRBAND http:/twitter.com/Fanka2018 [email protected] Cali M Gaaboow
0 notes
aljazeeramubashera-blog · 7 years ago
Photo
Tumblr media
Prof:Jawaari Taariikhdiisa iyo Waxqabadkiisii oo Kooban Midnimada Umadda Soomaaliyeed/ April 9, 2018 / Uncategorized Jawaari ayaa xilka isaga casilay cadaadis uga timid xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo ay noqotay markii ugu horeeyay ee guddoomiye Baarlamaan ku baxo cadaadiska Ra’iisal wasaare, waxaana is casilaadda si rasmi ah loo shaacin doonnaa kulan Baarlamaanku yeelan doono Arbacadda 11-ka April 2018. Haddii aan dib u eegno taariikhdiisa Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah. Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray. Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada DAsturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga. Intii aanu 2012 qaban xilka Guddoonka Baarlamaaka wuxu u lasoo sha
0 notes
tayosamenews · 7 years ago
Photo
Tumblr media
#Xukuumadda #Somaliland #Oo #Canbaraysay #Gantaalihii #Xuutiyiintu #Ku #Garaceen #Sacuudiga Hargeisa (Tayosame news) Xukuumadda Somaliland ee Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqata inay Dab ku dul ciyaarayso soona jiidanayso faduul aan u dhawayn, kadib markii ay canbaaraysay weerarkii Gantaalaha aha ee Xuutiyiinta Yemen ka dagaalama ku qaadeen Sacuudiga. War-saxafadeed ku qoran luuqada Carabiga oo Xukuumadda Somaliland arrintaas kaga hadlayso ayaa u dhignaa sidan
0 notes
codkaculimada1 · 6 years ago
Text
'Ayaan Darane Cumar Al-Naasiri'
‘Ayaan Darane Cumar Al-Naasiri’
”.W/Q Sh Shibli’
Tumblr media
Waa qeybtii 2aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo gudbino dhacdooyin mudan dhugasho badan. Waxaa gacantayda ku dhacay kitaab ka kooban ( 538 Bog ) oo carabi ku qoran, cinwaankiisuna yahay Macnaha cinwaankaas dheer ayaa ah: ” Wadnaha Jihaadka – Sideen ugu siibtay gudaha Al-Qaacida, kadibna sirdoonka reer galbeedku ii dayaceen” Waxaa lagu qoray luqada carabiga, waxaa lagu…
View On WordPress
0 notes
ishawararkaxamar · 7 years ago
Photo
Tumblr media Tumblr media
Maxaa sababay arrinta ninka lagu eedeeyey in uu nabiga u gafey? 20 Sebtembar 2017 Waxay ahayd dhacdadii ugu saamaynta badnayd ee diin la xiriirta, dadkana isku mid ah u wada saamaysay oo dhawaanahan dhacda. Inkasta oo murunada xaga diinta ay sanadihii ugu dambeeyay kor usii kacayeen gudaha dalka Soomaaliya, ayna jireen firqooyin diimeed kala duwan oo qaarkood hubeysanyihiin, qaarkood aanan hubeysnayn, ayaa haddana arrinta ku saabsan Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare waxa ay ahayd mid aad uga duwan waxyaabihii aan horay usoo aragnay oo dhan. Muuqaalka Sheekh Cabdiwali Waxaa soo ifbaxay muuqaal lasoo duubay, balse aanan la xaqiijin karin saxnimadiisa , meesha lagu duubay iyo goorta la duubay intuba, kaas oo baraha bulshada lasoo galiyay. Muuqaalka waxaa ka muuqda nin wadaad ah oo jeedinaya muxaadaro , waxaa agtiisa yaala sawirka wadaad kale oo markasta uu gacanta ku taagayo, mar ka mid ahna wuxuuba ku sheegay in uu yahay nabi, ayna tahay in lagu saliyo Waxaa iyadana jirtay koox dhalinyaro ah oo heesaya, kuna heesaya hees afka carabiga ah oo ay dulucdu tahay in lagu saliyo nabiga, iyaga oo mid mid u dul imanaya sawir wadaad oo kursi la dulsaaray. Waxay u muuqdaan in ay ka barakaysanayaan sawirka oo uu ag taagan wadaadka oo isna u muuqda in uu ka barakaysanayo, aadna ugu riyaaqsanyahay heesta ay dhalinyarada ku luuqeynayaan. Muuqaaladan oo wali ku jira baraha bulshada ayaa si weyn la'isugu gudbiyay, waxaana aragtiyadooda ka dhiibtay dad aad u badan oo intooda badan dhaleeceeyay, kuna baaqay in talaabo laga qaado wadaadkan. Maamul goboleedka Galmudug ayaa durba ka jawaabay, waxayna soo saareen amar lagu soo xirayo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa shir jaraa'id ka yiri "Waxaan faraynaa in laamaha amniga ee Galmudug ay qabtaan ninkaas". Maalin kadib amarkaas ayuu Sheekh Cabdiwali maxkamad ku taalla koonfurta Gaalkacayo kasoo hormuuqday, halkaas oo dacwadiisa lagu dhagaystay. Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa wuxuu sheegay in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su'aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay. "Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay," Ayuu yiri garsooraha. Wadaadka lagu eedeeyay gefka ayaa isna ka hadlay arrinta, wuxuuna beeniyay in uu nin kale ku sheegay in uu nabigiiba yahay , wuxuuna intaas ku daray in sawirka uu farta ku fiiqayo uu yahay sheekhiisa oo lagu magacaabo Maxamed. Ninka sawirkiisa la sheegay in uu nabiga yahay ayaa magaciisa lagu sheegay in uu yahay Biloow Sheekh Xuseen sida ay lagu qoray bayaan ay soo saareen hay'adda culumada Soomaaliyeed, magacaas oo dabcan ka duwan kan uu Sheekh Cabdiwali ku sheegay in uu Maxamed yahay. Fariin muuqaal ah ayuu Biloow Sheekh Xuseen soo galiyay baraha bulshada, haddane qofka muuqaalka ka muuqda waxa uu iska bari yeelay in uu nabi yahay. Wuxuuna yiri "Waxaan maqlay in sawirkayga Facebook lasoo galiyay, oo la yiri ninkaan baa nabinimo sheegtay, aniga nabinimo ma sheegan, mana sheegan doono, walaa owliyo nimo ayaanan sheegan, aniga waxaan ahay miskiin diciif ah oo adoomaha alle ka mid ah" . Bayaanka Culumada Hay'adda culumada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay kasoo saareen arrinta Sheekh Cabdiwali, waxayna ku sheegeen in uu ninkaas diinta ka baxay. Guddoomiyaha culumada Sheekh Bashiir Salaad oo shir jaraa'id ka hadlay ayaa yiri "Culumada waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay hadalo khatar ah oo kasoo yeerayay nin ku nool magaalada Gaalkacayo oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare, waxaana ka mid ah in laga kor yeelay salaadihii iyo waajibaadkii diinta ee kale, haddana waxa uu ku daray in uu soo bandhigay sawir nin la yaqaan oo magaciisu yahay Biloow Sheekh Xuseen oo uu ku sheegay in uu yahay nabigii". Wuxuu intaas ku daray Sheekh Bashiir Salaad "Culumadu waxa ay caddaynayaan in uu ninkaas Cabdiwali diinta ka baxay, waayo waxa uu nabinimadii siiyay qof aan ahayn nabi Muxamed SCW". Culumo badan oo caan ah ayaa ka hadashay arrinka Sheekh Cabdiwali, waxaana ka mid ah Sheekh Maxamed Idris , Sheekh Umal iyo Sheekh Shibli. Hase yeeshee hadalkii Sheekh Maxamed Shibli ayaa dhaliyay buuq hor leh, kadib markii waraysi uu siiyay taleefishinka STN ee Nairobi xaruntiisa tahay uu ku sheegay in ninka nabiga lagu sheegay uu yahay "nin fool xun oo jareer ah". Hadalkaas ayaa waxa uu aad uga xanaajiyay dadka qaar ee Soomaaliyeed oo Sheekh Shibli ku eedeeyey in uu ku xadgudbay, balse Sheekh Shibli ayaa markii dambe raaligalin ka bixiyay hadalkii horey uga dhacay. Baraha Bulshada Waxaa dhawaanahan aad u sahlan in ay faafaan dhacdooyinka qariibka ah ee laga yaabo in meeshii ay ka dhaceen aysan markaas dad badan ku sugnayn, balse marka lagu soo baahiyo baraha bulshada ay durbaba aad u faafayaan. Barta Facebook oo ah meesha ay Soomaalida intooda badan isticmaalaan ayaa waxa jira shaqsiyaadka leh bogag ay ugu jiraan tobonaanka kun oo qof, kuwaas oo marka ay sii faafiyaan wax uu hal qof soo dhigay ay markaas arrintii noqoto mid aad u baahda. Inkasta oo Soomaalida ay ku kala nooshahay qaaradaha adduunka oo dhan, haddane waa isku wacyi, hal sheey oo ka dhacay tuulo ama magaalo yar oo Soomaaliya ka mid ah oo baraha bulshada lasoo galiyay ayaa dhalin kara kacdoon ama carro xoogan oo dadka oo dhan wada saamaynaya, marka dambana ku kalifta in madaxda dowladda ay ka hadlaan ama talaabooyin laga qaado. Tusaale bishii Janaayo ee sanadkan, waxaa baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal muujinaya shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen gabadh yar, waxayna ka dhacayday magaalada Galdogob ee gobolka Mudug. Dhacdadaas ayaa waxaa ka dhashay caro baahsan oo wada saamaysay Soomaalida oo dhan, markii dambane ku dambaysay in ay soo farogaliso dowladda federaalka, illaa heer uu ka hadlay madaxweynihii markaas joogay. Sidoo kale nin ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa habeenkii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo duubay muuqaal isaga oo leh "Farmaajo ii geeya", muuqaalkii ayaa meel kasta qabsaday, iyada oo markii dambe ninkii loo geeyay Farmaajo, waxaana la sheegay in xitaa shaqo laga siiyay madaxtooyada. Inkasta oo siyaabo badan oo wanaagsan loo adeegsado, oo ay ka tahay in lagu caawiyo dadka ay dhibaatooyinka abaaraha iyo masiibooyinka kale haleeleen, haddane waxaa aad isu soo taraya siyaabaha qaldan ee mararka qaar dhibaatooyinka waaweyn horseedi kara, illaa lagu doodi karo in dalka oo dhan ay qalqal galin karaan. Cali M Gaaboow
0 notes
raacdomedia · 7 years ago
Text
Qaabka Ugu Fudud Ee Lagu Baran Karo Luqadda Carabiga DHEGAYSO
Qaabka Ugu Fudud Ee Lagu Baran Karo Luqadda Carabiga DHEGAYSO
HALKAN GUJI OO DHEGAYSO
View On WordPress
0 notes