#fanka iyo dhaqanka
Explore tagged Tumblr posts
Text
AXMED NUUR JAANGO HORYAALKII LAXAMKA AFSOOMAALIGA
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Xiligu Waa goor casar ah, meerto taariikheedkuna 25.3.2008 ayay mareysay, waxaanu ku qayilaynay, guriga Maayar-xigeenkii hore ee Magaalada Berbera Cabdi Jaamac Faduul. Ragga aanu galabtaas wada fadhinay oo u badnaa haldoorkii Magaalada, sheekada Qayilka ka sokow waxaanu daawanaynay Telefishinka Al-Jaziira oo uu ka socday mowduuc…
View On WordPress
0 notes
Text
Tusaalaha n ° 978: "Jaceylka Afrika ee quruxda badan (🌍)"
_________________________________
Keubeng.T.P.R
第 一个 非洲 👤✡️
⚫Afrika, iga dhig!
⚫Afrika, neefso!
⚫Afrika, i riyooda!
⚫Afrika, i sii horay!
⚫Afrika, dhulka cagaarow!
Sida garoon-ciyaareedka, dhulkaaga ayaan ku soo koray, sida ubaxa ubaxa oo kale, indhahayaga mar walba waa jacayl, sababtoo ah weli waxaa jira sabab badan oo aan ku jeclaan karno oo aan ku aamino.
⚫Afrika, adiga shayga luminaya!
Waxaad tahay masduulaagii raadinaya iftiin, indho xiran, xoog badan iyo maskax wareersan. Laakiin waxaa iman doonta maalin aad dib u bilaabi doonto waddadii aad u mari lahayd raadintan dib-u-dhalashada. Waxaan Ilaahay uga mahad-celinayaa in aan ku hoos dhashay go’yaalkii Hooyo Afrika.
⚫Afrika, waxaad tahay rugta fanka!
Noloshu waa farshaxan, waagii hore waa cashar taariikhi ah oo dhan, laakiin gabbaldhacyadu waa rajo. Maxaa kale oo aad ku tidhaahdaa indhahaaga, marka laga reebo in hooyooyinka Afrikaanka ahi ay yihiin haween mudan sharaf, qiyam, midabyo qurux badan. Maqaar madaw oo la majeeran karo, oo la is mari karo oo leh kun qurux oo aan la gariirin oo aan la barbar dhigi karin.
⚫Afrika, adiga dhulkayga quruxda badan!
Qaarad leh kun muuqaal; oo leh toban kun oo koorso riyooyin sixir ah, oo leh dhalaal jilicsan oo macaan iyo farxad. Waxaan rabaa inaan joogo, hadda, berri iyo mar walba si aan u ursado udgoonkaaga fiiqan, oo aan igu soo dhaweeyo xeebaha hirarkaaga iyo neecawdaada.
⚫Afrika, adigaa qaaradda kun nabarka leh laakiin wali waa cajiib!
Afrika, adiga oo muddo dheer ooyi jiray, weligiinna la jecel yahay!
⚫Afrika, quruxdaada, had iyo jeer waxaan jeclaan lahaa inaan ka fiirsado!
Afrika, sawirkaaga mar walba waxaan rabaa inaan xasuusto!
⚫Afrika, mar kale i rumayso!
Afrika, ma rabo inaan ku iloobo!
Afrika, waxaan rabaa inaan joogo!
⚫Afrika, iga dhig!
⚫Afrika, neefso!
⚫Afrika, i riyoon!
⚫Afrika, i sii horay!
........ Dhammaadka Daabacaadda Dacwadda n ° 978.
______________________________________ #halabuurkaganacsiga#maaliyadda#dhiirigelinta#jecel#midowgaafrika#wadanoolaanshaha#afrika#dhaqamadaafrika#afrika#africa#xamaasad#shucuur#dhaqankaafrican #dareen#xaqiiqo#guur#midnimo#dareen# goaano#hammi#riyooyin#dhiirigalin#shaqsihorumarka#xigasho#guul#Nolosha#jiritaanka#akhlaaqda#damiirka#falsafada#siyaasada#anthropology#cilminafsiga#cilmigabulshada#dhaqaalaha#muwaadin#xidhiidhkacaalamiga#xiisaha#dhaqanka#dhaqanka
0 notes
Photo
"I was born in Yemen but brought to Hargeisa from young age. I used to be a soldier in Somalia’s national army but left to pursue a career in music and plays in 1965. The first play where I played and sang was called ‘Today and Idleness’. It was a play about Somalia’s fight with Ethiopia in 1964. The central plot of the play was about a soldier who goes to war to defend his country, but at home, a girl waits for him that loves him and wants him to stay with her. He then says to her in the form of a song:
‘Nin ciidanoo Carro sugayso oo Ciyaar u jeedinoo Cararayaan ahee Cadowga iska caabbi mooyee Calooshayda Caashaq muu gelin.’ ‘For a soldier, there is no place for (romantic) love when his mission is to liberate the lands, with no time to play games apart from confronting the enemy.’
Because of that song, they nicknamed me 'Rooraaye'. Since then, I’ve participated in over 20 famous plays and collaborated with many female artists such as Shamso Omar, Khadra Dahir, Qamar Abdilahi Harawo, Hareedo Ismail Donia, Sado Ali Warsame, Saynab Haji Bahsan, Hibo Nura, may God forgive the ones that passed away. I truly loved these ladies, and they were the most amazing people. My favourite artist that I loved doing duets with was Khadra Dahir Ige. We now both live in Hargeisa, and when we meet, I sing to her some of the songs that we performed together, and she responds with her parts, and it makes me so sentimental. I so miss the music of old where it was based on the traditional Somali values. People have so much choice now concerning entertainment where they can watch hours of entertainment on the tv whereas, in the past, most of the entertainment was found in the theatre and only lasted up to 2 hours max. I miss the old days. I hope we can bring the value of the theatre back."
(Hargeisa)
"Anigu waxaan aan ku dhashay dalka Yemen aniga aad u yar ayaa la i keenay Hargeysa. Waxaan ahaan jiray askari ka tirsan kooxdii ciidanka ee la odhan jiray Xoogga Dalka., inkastoon ahaa askari hadana anigu markaygi hore waan jeclaa fanka gaar ahaan heesaha, si aan u gaadho doonistaydi ahayd in aan heesa noqdo waxaan si toos ah ugu biiray fanka sanadkii 1965 oo ahayd wakhtigii igu oraysay aan riwaayad ka qayb galo anigoo jilaa iyo heesaba ka ahaa, heestii u horreysay ee aan qaado, waxay ahayd 1965-kii. Riwaayadda waxa la odhan jirey ‘Maanta iyo Fadhiyaa?’, inta matalaysayna waxay ahaayeen askar. Dagaalkii Itoobiya la la galay ayay ka hadlaysay. Markaa gabadh baa i jeclaatay, anna u ma jeedo oo dagaal baa i sugaya. Markaas ayaan ku heesay:
‘Nin ciidanoo Carro sugayso oo Ciyaar u jeedinoo Cararayaan ahee Cadowga iska caabbi mooyee Calooshayda Caashaq muu gelin.’
Waa heestii la iigu bixiyey naanaysta 'Rooraaye'. Intii ka danbaysay 1965 waxaan ka qayb noqday riwaayado aad u badan tiro ahaan kor u dhaafaya 20 riyaawadood, mid waliba qiso gooni ah ayey gudbinaysay. Dhanka hablaha waxaan la heesay hablo badan oo dhamaantood ahaa hormuudka fanka casriga ah ee Soomaalida ilaa maantana codkooda aad loo jecelyahay, waxaa ka mid ahaa, Shamsa Cumar,Khadra Dahir, Qamar Cabdilahi Harawo,Xareedo Ismaciil Duniya,Saado Cali warsame,Saynab Xaaji Cali Baxsan Hibo nuura, intii dhimatay ilaahay ha unaxariisto intooda noolna ilahay cimriga iyo caafimaadka ha u barakeeyo. Dhamaantood waa jecleaa wanan jecelahay, hadana inta badan gabadh aan la heeso waxa aan u jeclaa Khadra Daahir Cige. Hadda waxaanu ku noolnahay labadayaduba Hargaysa, marka aannu kulanno, mararka qaar heesihii aannu wada qaadi jirnay ayaan ugu heesaa, markaasay ii jawaabtaa. Fankii hore iyo kan maanta iskuma dhawa, fankan maantu wax badan ayuu kaga duwan yahay kii hore. Saamayn badan ayay dunidan isku furantay ku yeelatay kii hore laakiin waxa uu ahaa mid ku salaysan dhaqanka iyo hiddaheena. Wax badan ayaa is beddelay maanta. Berigii hore dadku may haysan goobo badan oo ay madaddaalo ka helaan. Riwaayadaha la dhigaana dadka aad ujeclaa. Maanta se waxa batay tiifiiyo kala duwan oo laga daawan karo filimaan aan dhammaadba lahayn, halka wakhtigii hore riwaayaddu saacad ama laba saacadood ahayd. Waa in la soo celiyo riwaayadihii hore."
(Hargaysa)
24 notes
·
View notes
Photo
Maxamed Miyir: Mulaxan Iyo Muusiishan Ka Baxay Bahda Fanka
#Aas#Aas-qaran#Fanka#Geeri#Maxamed Miyir Xaaji#Mulaxan#Musician#Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland#Xidigaha Geeska#Xidigaha Geeska Afrika
0 notes
Text
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.
Intii uu socday kulanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.
C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.
“Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay” Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.
“Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.
Intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.
Fanaanada Nakruma iyo Weriye Luul Cali Xasan oo Sanado badan kadib booqday Radio Muqdisho (Sawiro) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.
0 notes
Photo
Wax Ka baro shaqsi qaali ka ah somalida akteeda qofkale maaha waa abwaan maxamad aadan dacar Maxamed Aadan ‘Dacar’ waa halabuur dalka iyo dibaddiisaba caan ka ah. Wuxuu ku dhashay meesha la yidhaahdo Kumbis-gaab oo ka mid ah kililka shanaad ee dalka Itoobiya, qiyaastii 1940naadkii qarnigii tegay. Hooyadii waxay ahayd Maxamed Aadan ‘Dacar’ waxa uu dhalay lix carruur ah. Dhammaantood waxa u dhashay Shukri Jaamac Kheyrre. Xaaskiisa labaadna waxa la yidhaahdaa Weris Cali Xirsi. Yaraantiisii ayuu ku heesi jiray ciyaar soomaalida, markaas ayaana ugu horreysay ereyo uu curiyo. Heeso uu qaado waxa ugu horreysay kuwo uu iska lahaa abwaanka caanka ah ee Saxardiid Maxamed oo loo yaqaanno Jebiye. Riwaayaddiisii ugu horreysay wuxuu curiyay 1962kii, waxaana la odhan jiray Daruur halabsatay. Riwaayadaha kale ee Maxamed Aadan waxa ka mid ah: Bad jacayl Dirqi ma aha jacayl Biyo sare tagay waa la sugayaa Hadduun baan wax ogaaday Beeneey waa run Markii uu i faro-saaray jacaylku waan fududa Godadliyo gabadhaha kacay Kas dumar oo kadalloob rag kaag danbeeyay kiiba ma aha Hunguri wed ma arko Darandoorriyaaba naasnaasi Maxamed Aadan ‘Dacar’ waxa uu kulansaday hibooyin badan oo ay adag tahay sida qof keli ahi u kulansadaa. Marka ugu horreysa waa qalanbaawi ku talaxtegay cayaaraha iyo heesaha hiddaha iyo dhaqanka. Mar kale waa heesaa ku leexaysta hees-faneedda casriga ah. Waa jilaa. Waa halabuur maanseed heesaha iyo masrixiyadahaba halabuura. Waa mullaxan cododka iyo naaxiyadahaba allifa. Run ahaantii waa ay adag tahay sida fanka soomaaliyeed looga soo helo qof intaas oo hibo wada leh.
0 notes
Text
Yuusuf Shaacir oo ka cudur daartay Xilkii Somalia u magacowday
Yuusuf Shaacir oo ka cudur daartay Xilkii Somalia u magacowday
Hargeysa-(Berberanews)- Abwaan Yuusuf Cabdulle Cisman (Yusuf Shaacir) oo dhawaan dowladda Somalia u magacowday Guddida dhaqanka iyo fanka, ayaa ka cudur daartay magacaabistaas. Yuusuf Shaacir wuxuu sheegay in Somaliland iyo Somalia isku hayaan siyaasad, sidaas darteedna aanu aqbalayn xilka wasiir Somalia ka tirsani u magacaabay. Isagoo Somaliland u soo jeediyay inay la timaado hal abuur, “Hadaad…
youtube
View On WordPress
#somalia somaliland wararka calankasomalia berberanews#abwaan shaacir#Berberanews#Hargeysa#Somalia#somaliland#Yusuf shaacir#Youtube
0 notes
Text
Maxamed Maxamuud Cige (Busi): Fanaankii koobsaday Tiirarka fanka
Maxamed Maxamuud Cige (Busi): Fanaankii koobsaday Tiirarka fanka
Qore. Saleeban KalshaaleMagaalada Hargeysa, Xaabalaha Baqiic, waxa maalintii shalay oo Jimce ahayd si heer qaran ah loogu aasay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) Agaasime ku-xigeenkii Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland oo sidoo kalena ahaa Fannaan dhaqanka iyo bahda suugaanta ku soo jiray in ku dhow nus-qarni oo…
View On WordPress
0 notes
Text
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.
Intii uu socday kulanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.
C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.
“Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay” Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.
“Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.
Intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.
Fanaanada Nakruma iyo Weriye Luul Cali Xasan oo Sanado badan kadib booqday Radio Muqdisho (Sawiro) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.
0 notes
Text
Bandhig Faneed uu Aar Maanta ku qaban lahaa Minnesota oo la joojiyay
Bandhig Faneed uu Aar Maanta ku qaban lahaa Minnesota oo la joojiyay
Minnesota(Berberanews)-Xarunta Dhaqanka iyo Fanka ee Cedar Cultural oo ay ku midaysan-yihiin dhowr jaamacadood oo ku yaala Minnesota, isla markaana ay xubno ka yihiin kooxaha fanka ,iyo jilayaal caan ah ayaa sheegtay in Viisaha dal ku gal loo diiday Fanaanka Somaliyeed ee Aar Maanta oo dagan magaalada London
Kooxda uu ka tirsan-yahay Aar Maanta ee Urban Nomads ayaa sida uu qorshuhu ahaa bandhig…
View On WordPress
0 notes