caasimada
CAASIMADA ONLINE
3 posts
http://calisaxafi.wordpress.com
Don't wanna be here? Send us removal request.
caasimada · 7 years ago
Photo
Tumblr media
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi. Arrimaha kale marka laga soo tago heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco. Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan. Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India. Laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda. Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berry ku dhawaaqi doonto xukunkooda. Aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaan u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan inta gacan ka geysatay daba socodka howshan, diyaarinta iyo dib u eegista nuqulka heshiiska, waxadaaxjoodka iyo taageerada iyo dhiirri gelinta howshaan guusha ku dhammaatay. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, Xasan Xaaji, oo heshiiska naga hubiyay talana ka bixiyay iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Agaasimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Shirwac Cabdullaahi Ibraahim oo howshan muddo soo waday haddana ka mid ah wafdigeyga, Agaasimaha Waaxda Sharciyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cusmaan Abshir Cigaal oo howlgeliyay nuqulka heshiiska iyo Xoghayaha Koowaad Axmed Maxamuud Maxamed Xiish oo ah sarkaalka Safaaradda Soomaaliya u qaabbilsan kiiska Maxaabiista Mumbai. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa isaguna fagaare Madaxweynaha Qaranku fadhiyo ku ballan qaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda lagu soo celinayo Maxaabbiista haddii ay Dowladdu ku guuleysato in ay India ka soo deyso.
0 notes
caasimada · 7 years ago
Video
tumblr
QARAX KA DHACAY MUQDUSHO
0 notes
caasimada · 7 years ago
Photo
Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media Tumblr media
DAAWO SAWIRADA SOO DHAWEYNTII MW FARMAAJO MAGAALADA CADAADO IYO FARQIGA U DHAXEEYO SOO DHAWYNTII MAGAALADA BAYDHABO Soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ee magaalada Cadaado ayaa waxbadan ka duwan soo dhaweenadii loogu sameeyay gudaha dalka.Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa wakhti badan qaadatay, waxaana xooga la saaray amniga iyo bartakoolka.Inata uu Madaxweynaha ku sugnaa gudaha Garoonka Cadaado, waxaa laga ilaaliyay dhamaan ciidamada labisan iyo kuwa aan la bisneyn, iyadoo sidoo kale la adkeeyay bartakoolka.Waxaa aad loo yareeyay mas’uuliyiinta soo dhaweyneysa Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dhanka Galmudug uu ka socday Hogaamiyaha maamulka Xaaf iyo ku- xigeenkiisa Carabeey, halka liiska soo dhaweynta laga saaray xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka oo dalbaday inay wax kasoo dhaweeyan Madaxweynaha.Sidoo kale, waxaa mudada lagu guda jiray soo dhaweynta Madaxweynaha Garoonka laga saaray Sawir qaadayaasha oo iyagu howshooda u igmaday hal ruux, kaa oo sii qeybinaayay Sawirada. BAYDHABO: Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku aaday April 23, 2017, magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, waxaana soo dhaweyntiisa 1aad ee magaaladaasi Ka muuqday isku dhexyaac iyo Bartakool xumo.Madaxweynaha ayaa markii uu ka dagay Garoonka Baydhabo waxaa ku yaacay dhammaan mas’uuliyiintii lagu diyaariyay Garoonka sida kuwa Maamulka, Madaxdii kaga sii Horeysay Baydhabo iyo Ciidamadii Loo diyaariyay qaadashada Salaan Sharafka. Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Baydhabo kala garan waayay Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna ku Khasbanaaday inuu Salaan la dhexmaro. Maamul Goboleedyada ayaa inta Badan xadidin shaqsiyaadka qaabilsan soo dhaweynta Madaxweynaha, waxa ayna taa dhabar jabisaa nidaamka lagu qaabilo madaxda. https://calisaxafi.wordpress.com http://m.facebook.com/calisuxufi/ [email protected] [email protected] Cali M Gaaboow SOO DHAWEYNTII FARMAAJO EE MAGAALADA CADAADO
0 notes